Trump oo ogolaaday casumaad uu fidiyay Madaxweyne Erdogan

Date:

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa ogolaaday in sanadka soo socda uu booqasho rasmi ah  ku tago dalka Turkiga,sida uu ka dhawaajiyay Afhayeen u hadlay xafiiska Madaxtoyada dalkaasi.

Afhayeenkaasi oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa sheegay in casuumad uu fidiyay Madaxweynaha dfalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu aqbalay Donald Trump,isala markaana uu sanadka soo socda doonayo in uu safar ku yimaado magaalada Ankara,inkasta oo la tilmamay in aan waqti loo qaban.

Aqaqlka Cad aya xaqiijiyay casuumadda soo gartay Trump waloow aysan bixin sharaxaad iyo xilli mucayin ah .

Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump bishii May ee sanadkii teey waxa uu martigaliyay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan .

Tallaabadaan ayaa timid ka dib kolkii todobaadii tagay ay khadka taleefanka ku wada xiriireen labada hoggaamiye,kuwaas oo ka wadahadlay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Siiriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...