Wafdi ka socda Hirshabeele oo maanta tagay Buula Burde

Date:

Hiiraan(SNTV). Ujeedka socdaalka wafdigan ka socday dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa iugu jiray u kuurgalka xaaladaha guud ee degmada Buula burte,nolosha bulshada iyo ka qeybgalka xil wareejinta maamulka cusub ee degmadaasi iyo kii hore.

Guddoomiyaha Degmada Buuloburte Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay kadib markii loo magacaabay Xilkaan 19/12/2018.

Waxaa Xafkadda Xil wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Masuuliyiintii hore ee maamulka Degmada buulaburde ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Buuloburte Cabdi Daahir Guure ayaa xilka ku wareejiyay  Guddoomiayaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cabdicasiis Duurow isagoo xusay in u la shaqeyndoono,sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa uga mahadceliyaya waxqabdka maamulkii ka horeeyey,isagoo ka codsaday shacabku in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadaasi oo isugu jiray xildhibaano wasiiro,waxgarad iyo marti sharaf kale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lala shaqeeyo maamulka cusub,si uu u guto waajibaadkiisa shaqo,iyagoo ku dheeraaday ka hadalka baahiyaha loo qabo in shacabka deegaanadaasi ay helaan adeegyadii ay u baahnaayen o dhameystiran.

Ugu danbeyntii wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee degmadaas,Waxaana uu kula dardaarmay Xubnaha ka wada tirsan maamulka degmadaas in ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

“Waxaa la idinka rabaa in maamulka cusub aad garab istaagtaan oo aad la shaqeysaan,taasi waxaan hubaa in ay keeni karto waxqabad wanaagsan,gudoomiyihii hore wuu ku mahadsanyahay in xilkii si wanaagsan uu u wareejiyay,isagoo og in xilka uu yahay mid meerto ah,marka waxaan idin dardaarmayaa in aad wadashaqeysaan oo aad wax wada qabsataan”. Ayuu yiri Wasiir Caadle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...