Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo Kulan Muqdisho ku Yeeshay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho.

Guddiga ayaa war bixin ku aadan safaradii guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaaladda Kismayo iyo dalka Turkiga oo looga hadlayay arrinta falastiin kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.

Kulanka markii uu dhammaaday ayaa waxa saxaafadda la hadlay Hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdikaafi Macalin Xassan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....