Home Blog Page 1143

Madaxweyne Farmaajo oo tagay Masjidkii, Dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada Hawlwadaag ee ay qarxiyeen Argagixisada Alshabaab

0

Muqdisho, Sebteembar 06, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib Madashii Shiinaha iyo Afrika ee uu kaga qayb galay Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee uu Asmara kula yeeshay Hoggaamiyeyaasha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa isla markii uu soo gaaray Muqdisho waxa uu tagay Masjidkii iyo Dugsi Quraankii iyo xaruntii Degmada Hawlwadaag ee kooxda argagixisada Alshabaab ay qaraxa la beegsadeen, maalinnimadii Axadda ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay qaar ka mid ah ehellada carruurtii dhiganaysey Dugsi Quraanka ee ku geeriyooday qaraxan, isagoona ku bogaadiyey bulshada degmada Hawlwadaag garab istaagga iyo taakuleynta ay u muujiyeen ardaydii ku dhaawacantay goobtaas.

“In la qarxiyo Masjidkaas ay dadka Islaamka ah ku tukanayeen iyo Dugsi Quraankan ay wax ka baranayeen caruurtii ay qaarkood ku naf waayeen qaraxaas, waxa ay muujinaysaa in ujeedka dhagar-qabayaasha Alshabaab uu yahay gumaadka qofka kasta oo Soomaali ah, carruur iyo cirrooleba.”

Madaxweynaha ayaa bulshada Hawlwadaag iyo guud ahaan degmooyinka Caasimadda ugu baaqay in ay si deg deg ah uga qayb qaataan Barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha bulsho ee ku burburiay weerarkan ay soo maleegeen kooxdan arxan-laawayaasha ah.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyaha Ururka ONLF kala hadlay xoojinta nabadda iyo hormarka

0

Muqdisho(SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Casmara ee dalka Eretria kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF admiral Maxamed Cumar Cusmaan.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii ONLF ay uga qeyb qaadan lahayd dadaalka loogu jiro nabadda iyo hormarka, waxa uuna intaas ku daray Madaxweynuhu in la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.

Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Admiral Cumar in ONLF qaadato door horumarineed oo xoojinaya dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar u ah dadka Soomaaliyeed.

30-kii bishii July ee sanadkan ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar kulankii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Casmara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Safiirka Sweden U Fadhiya Soomaaliya oo kulmay

0

Muqdisho (SNTV)- Kulankan ay wada qaateen labada masuul ayaa waxaa uu ku saabsanaa xiriirka iskaashiga labadda dowladood Ee Soomaaliya Iyo Sweden

Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb Andres Uon Unexkull ayaa uga tacsiyadeeyey guddoomiyaha golaha shacabka oo bartamihii todabaadkan hooyadii dhashay ku geeriyootay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arrimaha loo baahanyahay in iskaashi laga wada Sameeyo iyo sidii Xiriir wada shaqeeneed ay u wada sameyn lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sweden.

Xiriirka Diplomasiyadeed ee ka dhexeeya labada dowladood ayaa ah mid wanaagsan waxaana uu kulankan maanta gudoomiye Mursal la qaatay safiirka Sweden uu yahay mid lagu sii xoojinayo wada shaqeynta labada dawladood.

Baaq wadajir ah oo ay ku heshiiyeen waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya

0

Asmara, Sebtembar 06, 2018: Iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;

Iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta;

Iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-

1.Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2.Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3.Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4.Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

DHAMMAAD

Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan midowga Yurub

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda  horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa  xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane  Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah  xaaladda waxbarashada dalka, iyo tageerada uu midowga Yurub ka geysto horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi  Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday midowga Yurub u sheegay in guullo badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare.

“Waxaan bogaadinaya wada shaqeynta iyo tageerada midowga Yurub u la garab taagan yahay Soomaaliya,wana uga mahad celinayaa,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha Maarso ee sannadka 2019-ka dalka Kuwit lagu qaban doono shir looga hadlayo,waxbarashada dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera waxbarashada Soomaaliya.

Madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta manhajka cusub.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa malmihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay hay’adaha Soomaaliya ka tageera waxbarashada dalka kuwaasoo dhamaantood ballan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada.

Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea oo ku wajahan Jabuuti

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea ayaa la filayaa in ay dhawaan kulan Saddex Geesood ah ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Xog ay heshay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegaysa In masuuliyiintan ay ku wajahan yihiin Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa xurgufta dhex taalla Jabuuti iyo Eretrea.

Kulankan ay Jabuuti ku yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ayaa waxa uu qayb ka yahay shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Waddamada Saddexdan Dal, kaasoo ku qotoma in la dhammeeyo mad-madoowga siyaasadeed ee ka dhex jira Waddamada Bariga Afrika, laguna beddelo nabad , horumar iyo wada noolaasho.

Dowladaha Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha ka dhextaagan Jabuuti iyo Eritrea.

Asmara(SNTV):- Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eritrea ayaa waxaa ka dhacay shir sedex geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya, iyadoo hoggaamiyaasha dalalkani ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya AXmed Ciise Cawad  oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda ay go’aamiyeen in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay si degdeg ah u bilaabayaan wadaa xaajoodyada labada dhinac,si loo soo afjaro xisadaha labada dal ka dhexeeya.

Dhanka kale Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshayaal lagu hirgelinayo ka faa’idaysiga heshiisyo caalami ah oo horey looga gaaray wadamo uu kamid yahay Shiinaha,halkaasi oo dhawaan lagu soo geba gebeeyey shirka iskaashiga Shiinaha iyo Africa.

Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka “SAWIRRO

0

Ankara, Sebteembar 5, 2018: Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo uu wehelinayo Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ka qayb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul iyo amni ee lagu tallaabsaday muddii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.

“Waxaan soo dhaweeynaynaa in Maamullada Caasimadaha ee ku bahoobay madashan ay dardar geliyaan is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo kabo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka soo koraya.”

Guddoomiye Yarisow ayaa ku bogaadiyey Maamulka Ankara iyo guud ahaan Dawladda Turkiga sida joogtada ah ee ay u garab istaageen Dawladda Hoose ee Xamar, iyagoona kaalin muhiim ah ka qaatay dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda caasimadda.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa u diray dhiggiisa magaalada Ankara Dr. Mustafa Tuna hambalyo ku aaddan xilka loo doortay ee guddoonka Midowga Caasimadaha Adduunka, muddada 2-da sano ah ee soo socota.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii ay gacan uga gaysan laahaayeen tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose iyo kobcinta adeegyada asaasiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

–DHAMMAAD–

 

 

 

 

Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Asmara

0

Muqdisho, Sebtembar 5, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Soomaaliya waxa ay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah.

Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga mashaariicda Shiinaha.

 

–DHAMMAAD–


 

Ciidanka Xoogga dalka oo Magaaladda Marko kusoo bandhigay Horjoogeyaal Kooxda Alshabaab ka tirsan

0

Muqdisho September 5 (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha Magaaladda Marko ee Xarunta gobolka Sh/Hoose waxay kusoo qabteen Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ka tirsan Kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Howlgalkaasi,  ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 maleeshiyaad iyo horjogayaal isugu jira, kuwaasi oo dhammaantood qirtay kamid ahaanshaha Nabad diidka, Waxaana qaarkood Ciidanka Xoogga ay soo qabteen iyaggoo ku hoolan falal amniga lidi ku ah.

goobta lagu soo bandhigay maleyshiyaadka iyo horjogayaasha lasoo qabtay, ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage  oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,  ayaa sheegay in Maleeshiyada argagixisada ka tirsan ee lasoo qabtay ay qirteen kamid ahaanshaha Kooxda Alshabaab, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida lasoo taagayo.

Ragga lasoo qabtay, ayaa waxaa ku jira Horjooge sare oo Argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaaladda Marko, kaasi oo lagu magacaabo Horjooge C/casiis Jamaal, waxaana uu qirtay inuu ka dambeeyey dilal badan oo loo geeystay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.