Home Blog Page 1140

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib-u-dhisaya Masjidkii iyo Dugsi Quraankii Alshabaab qarxiyeen

0

Muqdisho(SNTV);–  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay Masaajidkii iyo Dugsi Quraanka Degmada Hawlwadaag ee dhowaan ay qarxiyeen dhagar qabayaasha argagaxisada Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobahan cibaadada ee ay beegsadeen argagixisadu lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan ee uu dhaqan geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in nabad-diidku ay isku dayayaan inay dib-u-celiyaan Caasimadda, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed u taagan yahay horumarka iyo difaaca dalkooda.

“Carruurtii dhiganaysay dugsi Quraankan oo qaar ka mid asxaabtoodu ay ku naf-waayeen weerarkan bahalnimada ah, waxa ay isla maalintii xigtay qaraxa, dhexda u xirteen in ay dib u hagaajiyeen dugsigooda, waana farriin muujinaysay in aan argagixisadu is-hor-istaagi karin hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, carruur iyo cirroolaba. Waxaan tusaynaa in innagoo wada jir ah aan dib u dhisno Masjidkii, dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada.”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintey weerarkan.Isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto argagixisada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo tababar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda

0

Muqdisho(SONNA);- Si loogu mahadceliyo laguna dhiiri galiyo ayuu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar Shahaandooyin abaal marin ah ku guddoonsiyay  doorka ay ka qaateen suurta galnimadii soo wareejintii xafiiska Maamulka Hawada ee Soomaaliya,  waxaayna kala ahaayeen  Agaasime ku-xigeenka  Hay,adda Socdaalka iyo jinsiyada  Ibraahin Xuseen xersi ,Maareeyaha Guud ee Garoonka  Generaal Cabdi Ashkar Jamac,kuxigeenka hay,adda socdaalka iyo jinsiyada Axmed Xuseen raage ,cumar Macalin Nuur, Madaxa Garoonka Aadan Cade, iyo Maamulka furdada Garoonka ee Wasaaradda Maaliyada  Cabdiwal Maxamed  Cali.

Waxaa kalo qeyb ka ahaa qaar ka mid shaqaalihii tababarka loo soo xeray, islamarkaan sheegay in ay diyaar u yihiin in ay waxay barteen ugu shaqeeyaan bulshadooda

‘’Sucaado  diiriye Xasan oo ka mid aheyd shaqaalihi tababarka loo soo xeray ayaa sheegatay in waxyaabo badan ay ka barteen islamarkaan ay ugu shaqeyn doonaan bulshadooda ’’

Kusimaha Maareyaaha Hay,ada Duulista Hawada Axmed  Macalin Xasan waxa uu sheegay in wasaaradu ay ka shaqeyneyso sidii shaqaalaha ay tababar dhameystiran u heli lahaayeen

’’Waxaan wadnaa in aan tababaro dheeraad ah siino shaaqalaha si xirfada ay ku shaqeynayaan ay u noqoto mid ku filan Garoonka sidoo kale uu ula jaan qaado Garoomada caalamka ’’

Guddiga gaadiidka  ee Golaha shacabka oo ay shaqadiisa tahay la socodka hamsami u socodka arrimha socdaalka iyo shaqada garoonka ayaa ku dhiiri galiyay howsha ay qabteen Wasaaradda iyo Hay,ada Duulista Hawada

’’Waxaan bogaadineynaa shaqada ay ka qabteen Wasaaradda iyo hay’adda Duulista Hawada hadii aa nahay gudiga gadiid ee hay’adda duulista ee Golaha shacabka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan  Axmed Suge ’’

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa uga mahadceliyay Mas”uuliyiinta si ay uga qeyb qaateen in horumarkaan,wuxuun dhanka kale sheegay in wali howlo badan uyaalaan Wasaaradda

’’Waxa ay naga mudan yihiin inaan u mahadcelino doorkii ay ka qaateen soo celintii xafiiska maamulka Hawada ee Soomaaliya waxaa kaloo noo yaala Howlo badan si aan u hormarino adeegayada garoonka ’’

Tan iyo markii xafiidka Maamulka Hawada loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho waxaa la bilaabay tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo shaqaalaha xafiiska maamulka hawada si ay ula jaan qadaan kuwa caalamka waxaana soo dhamaaday wajigii labaad ee ee tababrka amniga garoonka iyado dhawan ay bilaaban doonan kuwa kale.

Kullan looga hadlayay soo bandhigida Xogta Dowladda iyo sidii la isugu xiri lahaa oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);- Kulan Wasaaraddeedkaan sare oo ah barnaamij isku xira hey’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradaha oo qeyb ka ah daah-furnaanta dowladda waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Kulan wasaaraddeedkaan waxaa ka soo qeyb-galay agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Xukuumadda iyo saraakiil kale oo iyaguna ka tirsan hey’adaha kale ee dowladda.

Waxaa la is weydaarsaday xogta dowladda iyo in ay muhiim tahay sidii la isugu xiri lahaa xarunta Daah-furtaan iyo hey’adaha ay quseyso, si loo keydiyo macluumaadka iyo xogta dowladda kaddib la isu dhaafsado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey ahmiyadda uu dowladda iyo bulshada u leeyahay barnaamijkaan.

” Ujeedadu waxay tahay sidii Hay’adaha Dowladda dhexdooda la isugu xiri lahaa xagga Xogta iyo Akhbaaraadka ka dibna Hay’adaha Dowladda iyo dadweynaha sidii la isugu xiri lahaa oo leysku gaarsiin lahaa,waad ogtihiin maanta akhbaarta ama xogtu waxay tahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha noolaha ee bini-aadamka maanta jira, si ay Bulshada ula socdaan xogta Dowladdooda, ayaa fikradaan loo abuuray ma ahan wax wadankeena keliya ku eg, waa barnaamij caalami ah oo aduunka oo dhan ka jira,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo ka hadlay dhaca iyo boobka lagu hayo Soomaalida.

0

Koonfur Afrika(SNTV);- Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dhamaadka bishii hore tuulooyin hoos taga magaalada Johanesburg ee dalka koofur afrika laga barakiciyay Ganacsatadii ajaaniibta aheyd, kuwaasi oo badankoodu ahaa soomaali, itoobiyaan iyo Bangaladesh.

Weerarkaan oo ay hormuud ka ahaayeen dadka deegaanka ee tuulada soweto ayaa waxaa boob iyo dhac loogu geystay ku dhowaad konton Mehradood, waxaana laga badbaashay boqolaal kale oo gurmad ka helay jaaliyadda Soomaalida iyo Ciidamada ammaanka.

Arinkaan ayaa yimid kadib markii farriimo xambaarsan jinsi naceyb baraha bulshada soo dhigeen dad ku eedeeynayo ganacsiga ajaaniibta ah in bulshada ka iibiyaan cunto Dhacsan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya koofur afrika Amb: jamaal Maxamed Barrow oo ka warbixiyay Tallaabadii Safaaraddu ka qaaday Arrinkaas ayaa sheegay in Dowlada koofur afrika kala hadleen dadkii halkaasi lagu wax yeelleeyay hantidoodina lagu dhacay.

Dabaysha Isbaddal Ee Geeska Afrika Oo Ganacsi U Fureysa Soomaaliya

0

Dabaysha Isbaddal Ee Geeska Afrika Oo Ganacsi U Fureysa Soomaaliya

Waxaa Qoray: Mudane Xasan Cali Khayre; Raysul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maalmo yar ka hor, dowladaha Jabbuuti iyo Erateriya waxa ay ku heshiiyeen in ay xiriirkooda dib u hagaajiyaan, isla-markaasna bog cusub u furaan danaha labada waddan oo uu horay qalqal siyaasadeed soo kala dhexgalay.

Arrintaan waxaa xigtay guul kale oo taariikhi ah, taas oo ahayd: shirweyne ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya, kaas oo lagu raadinayo waanwaan nabadeed.

 

Kulankani wuxuu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xal-u-helidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo aas-aas u ah siyaasaddeenna arrimaha dibadda. Hoggaamiyeyaasha saddexda waddan waxa ay isku raaceen in laga gudbo xalna loo helo khilaafaadkii horay u dhexyaallay waddamadaas.

Tan iyo markii aan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo anigu xafiiska la wareegnay, dowladdu waxa ay soo hoysay guulo waaweyn; gudaha iyo dibaddaba.

Dowladdeennu, isaga oo uu nagu matalayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, waxa ay hoggaamineysaa wada-hadallo lagu dhammeynayo muranka xudduudeed ee u dhexeeya Jabbuuti iyo Erateriya.Wada-hadallada Asmara ka furmay waxaa looga gollahaa in lagu xoojiyo wadaxaajoodyo gooni gooni ahaa oo u dhexeeyay madaxda saddexda dal.

HESHIISKA NABADDA

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabbuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Erateriya, Cusmaan Saalax ayaa bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya waddo si loo wanaajiyo xiriirka labadaas dal.

Muddo tobaneeya sano ah ayey labada dal ku muransanaayeen gobolka Doumeira. Isku-dayo badan oo la sameeyay si cadaawadda loo soo afjaro ayaa guuldarro ku dhammaaday. Sannadkii 2010, dowladda Qatar ayaa dadaal xooggan u gashay sidii labadaas dal loo heshiisiin lahaa.

Horumarka u dambeeyay ee ay dowladdeennu sameeysay waxa uu inta badan la xiriiraa wada shaqeynta siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la yeelatay dunida inteeda kale.

Laba bil ka hor, madaxweyne Farmaajo wuxa uu gogol u fidiyay raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Arrintaan waxa ay aad uga yaabisay xulafadii siyaasadda iyo dadkii xumatashiilka ahaaba, balse waxa ay sii xoojisay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya.

Wada-hadallada Asmara waxa ay hordhac u yihiin waa cusub oo diblomaasiyadeed. Soomaaliya waxa ay si xowli ah u soo ceshaneysaa booskii ama kaalintii ay ku lahayd dowladaha horay u maray. Waxaan dadaal ugu jirnaa inaan door fiican ka cayaarno nabadda iyo ammaanka adduunka.

AMMAANKA

Sannadka soo socda, Soomaaliya waxa ay dib ula wareegi doontaa shir-guddoominta Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carbeed, annagoo shirka 2019-ka ku qaban doonna Muqdisho, si ay dunidu u ogaato inaan ganacsi diyaar u nahay.

Dowladdeennu waxa ay damacsan tahay in ay ka faa’iideysato dabaysha isbaddal ee ka dhaceysa geeska Afrika si aan u horumarinno danaheenna ammaanka, gacanna uga geysanno sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Afrika inteeda kale.

Intii la joogay Asmara, waxaan muujinnay tilmaanna ka bixinnay halka ay siyaasaddeennu ku jiheysan tahay oo ah inaan noqonno qaran nabdoon oo ku yaalla gobol xasilloon.

Baadi-doonka aan ugu jirno guul aan ka gaarno arrimaha dibaddu waxa uu ka shidaal qaadanayaa horukaca aan ka sameynnay waddanka gudahiisa, gaar ahaan xagga ammaanka.

Argaggixisadii waddankeenna gabbaadka ka dhigatay hadda waxa ay ku sugan yihiin xaalad ciirciir ah. Soomaaliya abaal weyn ayey uga heysaa waddamada deriska ah, oo ay ka mid tahay Kenya, gacantii ay ka geysteen dagaalka aan kula jirno argaggixisada.
ARGAGGIXISADA

Dowladdeennu waxa ay ku dhawaaqday cafis, kaas oo horseeday in hoggaamiyeyaal kooxo argaggixiso ahi ay dowladda isu soo dhiibaan, ka dibna gacan ka geystaan dib u dhiska Qaranka. Qurbajoogta soo laabatay ayaa ayaguna waxa ay dalka ku sameeyeen maalgelin aad u xoog badan.

Dowladdeennu waa mid shaqeyneysa. Waxa aan bixinnay mushaarka shaqaalaha rayidka ah, ciidamadeennana waxaa ka go’an in howl-galladooda ay sii xoojiyaan. Sidoo kalena waxa aan xiriir aad u wanaagsan la sameysanay beesha caalamka. Hay’adda Lacagta Adduunku waxa ay Soomaaliya ku bogaadisay dib-u-habeynta iyo qaabeynta aan ku sameynnay kobcinta dhaqaalaheenna.

Saddexdii bilood ee u horreysay sannadkan, 2018, dowladdu waxa ay gudaha dalka ka ururisay dhaqaale gaaraya 42.5 milyan oo doollar ah, taas oo ah lacagtii abid ugu badneyd ee dowlad Soomaaliyeed ururiso muddo saddex bil ah gudaheed. Haddaba, waxa aan cagta ku heynnaa waddadii Soomaaliya ay ku gaari lahayd in loo dhaafo deymaha lacageed ee lagu leeyahay.

Halku-dhegga dowladdeennu waa ‘ISLAXISAABTAN’, waxaana barbar socda dagaal joogto ah oo ka dhan ah musuqmaasuqa. Soomaaliya waxa ay maanta joogtaa heer ay ilaheeda dhaqaale dadkeeda uga faa’iideyn karto.

Ra’iisul Wasaara Khayre Oo dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-U-dhis iyo dayactir Lagu Samaynayo

0

Muqdisho, September 09, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

Sanduuqa horumarinta dawladda Qatar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda Qatar maal gelinta mashruucaan, isaga oo sheegay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamija xukuummadda, shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhismaha wasaaraddan iyo in aan kusoo celinno sidii ay ahayd sanad gudihiis waa geeddi socodka aan rabno in wasaarad iyo dhisma waliba ee waddankaan laga dudumiyay aan dib ugu soo celinno sidii ay ahaan jirtay”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

“Dowladdu waxba ma dhisi karto hadii shacabka Soomaaliyeed aysan garab istaagin. shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaan iyaga laftoodu waa in ay go’aan ka gaaraan dhismaha waddanka”, ayaa ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacaka Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku samaysay xarumo ku burburay dhitaatooyinkii dalka soo maray, si loogu guulaysto hannaanka soo celinta iyo dib u noolaynta dhismayaasha dawladda iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka.

 

Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo imtixaan laga qaadayo

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in la qaban doono imtixaan  guud oo laga qaadayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ujeedka imtixaanka ayaa ah in la ogaado heerka Aqooneed iyo qibradaha ay leeyihiin saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo imtixaan guud oo ay ka qeyb gali doonaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

General Daahir Aadan waxa uu sidoo kale sheegay ujeedka imtixaanaadka looga qaadayo saraakiisha xoogga dalka isagoona sheegay qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay qibradooda ay yar tahay

Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo lag dhisayo heerka Aqoontooda, ka dib wareegto uu so saaray  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

Jardiinka Nambar Afar oo markale dib loogu celiyay dan guud

0

Muqdisho(SNTV):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo.

Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda.

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.”

Guddoomye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud.

Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan.

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho.

Taliye K/Xigeenkii hore ee Nabad Sugidda oo laga dhigay dhammaan daroojinkii ciidan, lagana ruqseeyay Hay’adda

0

Muqdisho, Sebteembar 8, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo xasiloonida Gobolka

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka kuwada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogaan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga ah.