Madaxweyne Farmaajo oo meelmariyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019

Date:

ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa qiimeynta iyo gorfeynta miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

โ€œKobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.โ€

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda.

โ€œMiisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga goโ€™an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.โ€

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...