Golaha Wakiilada Puntland oo la dhaariyay guddoon KMG ahna

Date:

Waxaa maanta xarunta Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland,kadib markii kuwaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada oo ka koobnaa ilaa 66 mudane

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Maxkamadda Sare ee maamul goboleedka,taasi oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka  Puntland,xildhibaanada ayaa laga soo xulay deegaanada Puntland.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa yeeshay  guddoomiye  cusub oo Kumeel Gar ah, Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo ah qofka ugu da’da weyn ee kujira baarlamaanka ayaa noqday  guddoomiyaha sii hayn doona gudoonka baarlamaanka ,ilaa laga soo dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka ee rasmiga ah Puntland.

Mudanayaasha Golaha wakiilada Puntland ayaa la filayaa in dhawaan ay doortaan guddoomiye cusub,iyadoo intaasi kadibna loo gudbi doono doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Diyaar garow ku aadan doorashooyinka guddoomiyaha iyo tan madaxweynahaba waa mid si weyn looga dareemayo deegaanada Puntland,iyadoo ay jiraan musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha,waxaana kamid ah madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee C/weli Maxamed Cali Gaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...