Home Blog Page 1141

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

0

Muqdisho, Sebteember 8, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

DHAMMAAD

Beeralayda gobolka mudug oo dadaal wayn ugu jira tacbashada dalagyada beeraha

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Deegaanka Xeerodhagaxleey ee gobolka mudug ayaa h meel ku wanaagsan Tabcashada Dalagyada waxaana ku yaala in ka badan 40 Beerood oo ay ka baxayaan nuucyada Qudaarta waxaana maalgashi ku sameeyay Dadka deegaanka iyagoo aan Taageeeo ka helayn gacan kale Deegaanka.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Xaafiiska Hobyo ayaa u kuurgalay Xaaladda Beeralayda Deegaanka Xeerodhagaxleey si aan ugu dhiiro galino shaqada ay hayaan Muwaadiniintaan Soomaaliyeed Guddoomiyaha iskaashatada Beeraleeyda Deegaanka Xeerodhagaxleey Cali Carab Gabayre ahna ninkii ugu horeeyay Oo beer ka Beera Deegaanka ayaa sharaxaad ka bixinaya Dadaaladii uu kusoo bixiyay shaqadaan.

Cali Carab gabayre ayaa ugu baaqay Dadka kasoo jeeda Deegaanada Galmudug inay Maalgashi ku sameegaankaan si looga soo saaro Dalagyo looga maarmo Baahiyada loo qabo kan kayimaada Deegaanada kale.

Guddoomiye ku xigeenka Deegaanka Cabdi maxamuud jimcaale ayaa sheegay inay dadaal xoogan ku bixiyeen Balshada deegaanku Tabcashada Beeraha lkn ay jiraan Cabado haysa sida qalabka Beeraha””””Cod Mahad Maxamuud Jimcaale oo ka mid dhalinyarada wax soo baratay kana soo jeeda Deegaanka ayaa ku amaanay Beeralayda Xeerodhagaxleey Tabcashada Beeraha isagoona ugu baaaay Dowladda federalka iyo Maamulka Galmudug inay Caawinta Beeraleydaan.

Beeralayda Soomaaliyeed ayaa dadaal xoogan ugu jira tabcashada iyo soo saarida dalagyada kala duwan waxaana xusid mudan inay jiraan caqabado haysta marka loo eego dhinacayada Tababarada ku aadan kor u qaadista Aqoonta iyo qalabka Beeraha laakiin waa kuwo ay ka go,an tahay u shaqeynta Bulshada.

Sawir qaade Wariye Baashi Ali Haashi Wakiilka Hobyo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo dib u habeyn ku sameeyey Garoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dib u habeyn ku sameeyey Garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Banaadir, isagoo dalacsiin iyo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Garsoorayaasha.

Guddoomiayaha Maxkamadda Sare markuu arkay baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka Gobolka Banaadir, isla markana uu la tashaday masuuliyiinta ay quseyso arintaan, waxaa u soo saaray wareegtadan.

Hadaba Hoos ka Akhriso Digreetada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka uu soo saaray.

Taliska Ciidanka XDS oo dedaal ugu jirta sidii ay xorriyaddooda ku heli lahaayeen Odayaal ay Af-duubteen Al-Shabaab

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dadaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Al-Shabaab Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee Ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in Malleeshiyaadka Al-Shabaab Gacantooda looga soo saaro Dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale.

3-dii Bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-Shabaab 69 Qof oo u badan Odayaal ka qafaasheen Gal-qoryaale, iyadoo aan illaa iyo haatan la garanayn halka ay u kaxaysteen Dadkan iyo goobta ay ku hayaan.

Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa caan ku ah dhac, dil, boob, cabburin, Af-duub iyo banneysashada Xoolaha Ummadda, taasoo ay u dheer tahay in ay qasab ku Askareeyaan Carruurta aan qaan-gaarin.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir

Muqdisho September 9 (SNTV):-Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Guddoomiye Yariisow kulanka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir Shakeeti iyo Xoghayaha guud ee gobolka banaadir Mudane Cumar C/risaaq.

Guddiga ayaa masuuliyiinta gobolka banaadir su’aalo ka weydiiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada ay xafiiska joogaan.

Sidoo kale guddiga ayaa weydiiyay qorshayaasha maamulka gobolka ay u diyaariyeen hormarinta caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan.

“ Maamulka gobolka waxa uu diyaar u yahay in su’aalo laga weydiiyo oo lagula xisaabtamo shaqada uu hayo, xubnaha guddiga waxa ka codsanay iney nagala shaqeeyaan hormarinta iyo suggida amniga caasimadda”. ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir ay wax ka weydiiyeen qorshe howleedkooda.

“ Arrimo muhiim ah ayaan ka wada hadalnay, waxaa ka dhageysanay warbixin ku saabsan shaqooyinka ay bulshada u hayaan, waxyaabo baahiyo ahn oo ay   noosoo gudbiyeen waxa la wadaageynaa cida ay khuseyso si wax looga qabto”. ayuu yiri Xildhibaan Geeseey.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka iyo maamulka gobolka banaadir ayaa ku balamay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga iyo hormarinta caasimadda.

Denmark oo Aqoonsatay passporka Soomaaliga

0

Muqdisho September 9 (SNTV):-Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wifdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark kadib martiqaad uga yimid dowladda, ayaa kulamo la qaatey wasaaradda arimaha dibadda, wasiirka socdaalka, iyo xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey amniga, socdaalka, baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatay iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah. Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xaruunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xaruunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox Qorsheeneysay falal Argagixisanimo

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay  koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fulin rabeen.

Sida lagu shaaciyey war kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaan la fuliyey 7-dii Bishaan oo ku beegneyd maalintii shalay aheyd.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan,Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada Argagixisada khatarta ku ah shacabka”ayaa lagu yiri warka kooban ee lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socday Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sacuudiga oo ku biiray waddamada xalka u raadinaya Eritrea iyo Jabuuti.

0

Muqdisho (SNTV)- Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso dhex dhexaadin ay waddo Dowladda Boqortooyada Sucuudiga kana dhex waddo dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in dowladda Sucuudiga dhex dhexaadineyso labada dal.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Waxaa kale oo uu Maxamuud Cali Yuusuf  bogaadiyay doorka dowladda Itoobiya ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay Dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Maxamuud Cali Yuusuf kaddibna waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha labada dal ayaa hadda laga  gaaray is afgarad bilow u ah  heshiisiintooda, waxaana garwadeen ka ah dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Midowga Afrika oo Soomaaliya iyo Itoobiya ku amaanay dadaallada nabadeed oo ay wadaan

0

Muqdisho (SNTV)- Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay wadaan Waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay ku doonayaan in xal kama damebys ah looga gaaro colaadda u dhaxeysa dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa qoraal uu ku qoray Bartiisa Twitterka ku sheegay in uu u soo dhaweeynayo dadaalka xoogga leh ee diblomaasiyadeed ee ka socda Geeska Afrika.

Waxaa uu Musa Faki intaas ku daray in booqashada Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku tageen Eritrea shantii Bishan oo ay xigtay booqashada Wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea,Somaliya iyo Itoobiya ku tageen Jabuuti  ay tahay wax aad loogu farxo lana bogaadiyo.

Mr Faki Maxamed ayaa ku waaniyay dalalka geeska Afrika ee afarta ah in ay sameystaan iskaashi dhaqaale,amaan iyo mid Ganacsi oo xoog leh,  meelna iska dhigaan wax yaabaha murannada yar yarka ah ee u dhaxeeya.

Duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho (SNTV)- Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in degaan ku dhow degmada ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Al Shabaab.

Sida Wararka  xog ogaal ah aan ku heleyno duqeynta ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana bartilmaameydka duqeynta uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Sarkaalka lagu diley  duqeynta degmada Jilib, oo aan wali magaciisa la shaacin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro badan oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya 14-Kii Oktoober sanadkii tegay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la rumeysan yahay in sarkaalkaasi uu ku dhintay isaga  iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhaxe.