Home Blog Page 1141

QM oo cambaareysay tacdiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Dalka Suudaanta Koonfureed

0

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa walaac ka muujinaysa xad gudubyo la sheegay in ay ka dhacayaan Dalka Suudaanta Koonfureed,Qaramada Midoobay ay dhaleeceysay kufsiyo la sheegay in loo gaystay haween badan oo kunool Suudaanta Koonfureed.

Iyadoo laga jawaabayo dhibaatooyinkaasi ayaa QM waxaa ay soo saartay baaqyo loo jeedinayo dowladda SUudaanta Koonfureed ee ku aadan ka hortagga xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha gaar ahaan mida Jinsiga ah ee lagu hayo haweenka kunool dalkaasi.

MSF oo ah Hay’adda dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 125 haween iyo gabdho isugu jira lagu kufsaday degaanka Rubkona oo ku dhaw magaalada Bentiu ee wadankaasi Koonfurta Suudaan.

Dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo 5 sano ah ayaa sababay dhibaatooyin badan oo ka taagan dalkaasi,iyadoo falalkan ay ku soo beegmayaan xili dhawaan heshiis ay kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda iyo Mucaaradka,kaasi oo ay garwadeen ka ahaayeen QM,Midowga Afrika iyo Urur Goboledak IGAD.

David Shearer  oo ah Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Sudan ayaa ku tilmaamay kufsiga mid musiibo ah islamarkana ay tahay masuuliyada dowladda in ay joojiso, ayna ka hortagto falalkaasi guracan ee ka dhacaya dalkaasi,waxaana sidoo kale loogu baaqay  ciidamada qalabka sida in ay ka qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa arrimahaasi.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan

0

Muqdisho December 2 (SNTV):-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta oo Axad ah ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee aanu walaalaha nahay, isagoo huwan xilka Safiirka idman ee dalkiisa u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka qaabilaada Safiirka cusub ee Suudaan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo dan u ah labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cabdulqaadir ayaa intii uu ku guda-jiray qaabilaadda Safiirka cusub oo ku qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee isku xira labada dal ee walaalaha ah, isagoo muujiyay sida uu u tixgelinayo dadaalka ay Suudaan ku bixinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, waxaa uu u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday.

Dhankiisa, Danjire Khalafallah Mustafa Babakar ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono taageerrada uu u fidiyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, una howlgeli dooo adkaynta xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal dhammaan arrimaha iyo dhinacyada kala duwan.

Wasiir ku xigeenka Amniga oo ka qeyb galay Shir looga hadlayey Bur-burinta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa

0

Geneva December 2 (SNTV):-Madax ka socoto Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlaayay baahida Soomaaliya ay u qabto ka hortaga Walxaha Qarxa si ay u fuliso waajibaadka ka saaran in ay bur-buriso Miinooyinka Dhulka iyo Walxaha qarxa, maadama Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dowladdaha Saxiixay heshiiska Ottowa Treaty iyo Caqabadaha hortaagan in laga dhigi Soomaaliya meel ka madax banaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.

Shirka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse oo ahaa Madaxa Wafdiga Soomaaliya, Safiirka Somaaliya ee Switzerland Faaduma Cabdullaahi Maxamed iyo Wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kaso qeyb galay shirka Dowladdo daneynaya in ay wax ka qabtaan Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah, sida Netherlands, Finland, European Union, Canada, Norway, UNDP, UNMAS iyo kuwa kale, iyadoo shirar gooni gooni lala yeeshay Hay’addaha kala ah UNMAS, UNDP ITF and DDG.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse waxuu ka sheegay shirkaas si loo gaaro in ay Soomaaliya noqoto meel ka madax banaan miinooyinka sanadka 2022 in loo baahanyahay dardargelinta howlaha miino saarka Dalka ay ka hayaan Hay’addaha Caalamiga ah.

Sidoo kale waxuu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay geyn doonto Baarlamanka sharciga Miino Saarka Dalka Soomaaliya iyo kan Hay’adda SEMA iyo in sidoo kale la caawiyo dadka Ku wax yeelobay qaraxyadda Miinoyinka iyo walxaha.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzaaniya

0

Tanzania December 2 (SNTV):-Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzaaniya.

Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Jaaliyadda Koonfur Afrika oo maanta ka qeyb galay Ololaha Is-xilqaan

0

Muqdisho December 2 (SNTV):-Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo dhalinyarada Gobolka Banaadir oo ay wehlinayaan Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa maanta qeyb ka qaatay Ololaha is-xilqaan oo dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha muhiimka ah sida Tiyaatarka Qaranka,Maktabadda Qaranka iyo Madxafka Qaranka.

Jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay Jaaliyaddii ugu horeysay ee nasiib u yeelata iney ka qeyb gasho Barnaamijka is-xilqaan ee la doonayo in dib loogu dhiso xarumaha taariikhiga ah ee ku bur-buray dagaaladii sokeeye.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cismaan Cilmi Guuleed oo isaga iyo shaqaalaha Xafiiskiisa ay ka howlgaleen Maktabadda Qaranka ayaa Bulshada Soomaaliyeed ku guubaabiyay iney is-xilqaan ku dhistaan dalkooda,isagoona carabka ku dhuftay in dalkan lagu soo dhisay barnaamijkii iskaa wax u qabso.

Maryam Aadan Amiin oo ah isku-duwana shaqada is-xilqaan ayaa si aad ah ugu mahad celisay shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo si weyn uga qeyb qaatay Olalaha is-xilqaan ee dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha muhiimka ah ee dalka,waxayna ku boorisay shacabka Soomaaliyeed iney si hagar la’aan ah Barnaamijka is-xilqaan oo horay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u iclaamiyay uga qeyb qaataan.

Ololaha Isxilqaan oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS ayaa ah mid looga go’leeyahay in ummudda Soomaaliyeed ay gacmahooda ku dhistaan dalkooda oo kasoo kabanaayo marxalad bur-bur ah islamarkaana aan lagu tashanin gacan shisheeye.

Golaha Aqalka sare oo maanta ka dooday Hindise-sharciyeedka la dagaalanka Masuq-maasuqa

0

Muqdisho (SNTV):- Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista iyo su’aalo weydiin Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq- maasuqa,waxaana goojoog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada oo aragtidooda ka dhiibtay hindise-Sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa sheegay in qodobada qaar muhiim tahay in wax ka badel lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta ,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise-sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka ah ee senatarada soo jeedinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanaya guddiga laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hannaanka Wada-tashiyada Xeer-nidaamiyeyaasha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo la furay

0

Muqdisho (SNTV):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo.

“Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo laqabanayo 19-ka bishan

0

Baydhabo (SNTV) Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Dowlad-gobooleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo markii hore lagu waday iney qabsoonto 5-ta bishan uu dib u dhac ku yimid, taasi oo guddigu ay sheegeen in laga dhigay 19-ka bishaan December.

Guddiga ayaa arintaas ku micneeyey markii ay qiimeeyeen howlaha baaxadda leh ee guddiga horyaala iyo sida ay muhiim u tahay in la fududeeyo doorashada.

Hadaba Akhriso qoraalka kasoo baxay Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho December 1 (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii uu booqasho ku tagay Wadamo uu ka mid yahay Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale Habdhowrka iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa xubnaha soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanda uga mahad celiyay soo dhoweyntooda.

Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo

Beydhabo (SNTV)- Iyadoo 5 bishan loo balansanyahay in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa sii kordhayay ololaha loogu jiro tartanka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,iyadoo shacabka deegaanadaasi ay ka dhursugayaan ciida ku soo bixi doonta doorashada.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada lagu arkaya ciidamo isugu jira kuwa maamulka Koonfur Galbeed,iyo kuwo kale oo halkaasi gaaray si ay u xoojiyaan sugidda nabadgeliyada xiliga doorashadu ay dhacayso.

Mudane Xasan Xuseen Maxamed  oo ah wasiirka amniga Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka hadlayay ciidamo shalay gaaray magaaladaasi ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay u xoojin lahaayeen ka hortaga in kooxaha argagixisada Alshabaab ay weerar ka geystaan magaalada inta lagu guda jiro arrimaha doorashada.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo Federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalku oo isgarabsanaya waxbadan ka tarayaan sugidda amniga magaalada Baydhabo,oo haatan ah goob mashquul xoogan oo siyaasadeed uu kajiro maadaama ay dhacaysa doorasho ayna muhiim tahay in amniga shacabka siweyn loo adkeeyo iyo hanaanka doorashada.