Home Blog Page 1139

Qaramada midoobay oo soo dhoweeysay Heshiiskii Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya

0

Muqdisho september 10 (SNTV);-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeeray “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan dalalka Geeska Afrika.

War saxaafadeed uu soo saaray afhayeen Stephane Dujarric, Guterres wuxuu sheegay in heshiiska ay gaareen afar ka mid ah wasiirrada si ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka oo tusaale wanaagsan u ah gobolka iyo kuwa ka baxsan.

Waxa uu ku celiyay iney Qaramada Midoobay sii kordhin doonto taageerada wadamada gobolka si loo xoojiyo guulaha “cajiibka ah” ee dhowaanahan.

Natiijada Booqashada Khamiistii, Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku raacay in ay caadi u noqdaan xiriirka dib-u-dhiska diblomaasiyadeed kadib,murankii Xuduudaha ee Labada dal ka dhaxeeyay.

Sidoo kale,Soomaaliya iyo Eriteriya ayaa bishii july horaanteedii isku raacay iney soo celiyaan Xiriirkii diblomaasiyaeed.

Dhanka kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay horumarada siyaasadeed ee dhowaan ka hana qaaday Gobolka Geeska Afrika,gaar ahaan Heshiiskii wadajirka ahaa ee u dhaxeeyay Ethiopia,Eriteriya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay ka qeyb qaadashada wax ku oolka ah ee ku aadan caadi noqoshada xririirka Jabuuti iyo Eriteriya.

“ Horumaradan oo dhan waxay dhacayaan xilli isbedel wanaagsan uu ka jiro Gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta IGAD.waxaana lagu ammaanay hoggaanka iyo aragtida Gobolka.

Al-shabaab oo Musalsal ka dhigtay beegsiga Masaajidda

0

Sida looga bartay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay mar kale Qarxiyeen Masaajid dhinaca ku hayey xarunta degmada Howl-wadaag.

Gaariga Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey waxa uu baabi’iyey dhammaan jiritaanka dhismaha Masaajidka iyo goobo dad shacab ah loogu qidmeynayey adeegyada ay u baahan yihiin.

Waxaa Basbeelay qaar ka mid ah Kitaabadii Masaajidka, Minbarkii iyo dhammaan agabyadii cibaadada, tani waa farriin kale oo sheegeysa in Al-shabaab ay isu rogeen diin-laaweyaal diidan diinta ALLE.

Falkaan  lagu Qarxiyey Masaajidka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh, laakiin  islamarkiiba waxaa la arkayey dadweyne isxilqaamay oo u gurmaday dadkii wax ku noqday arxan la’aanta Al-shabaab.

Al-shabaab Musalsal ayeey ka dhiganayaan in ay beegsadaan Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka.

Duqa Muqdisho oo booqday Masaajidka ay Qarxiyeen Al-shabaab waxa uu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay, kuwaa ku dhaawacmay iyo askartii Naftii haligaha Rasaasta la dhacday oo qaar ay ka Shahiideen halkaas

Waxa uu ammaanay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow  dadweynihii gurmadka isxilqaamka ay ka qeyb-qaatay,  goobaha Cibaabada ALLE ee ay beegsadeen markii labaadna in si deg deg ah loo dhisayo.

Toddobaadkii hore Masaajid iyo Dugsi Qur’aan ayeey sidaan oo kale ka geysteen Fal Qarax ah, si ay u laayaan dadka cibaadeysanayey iyo ardeyda yar-yar, laakiin Masjidkii ay burburiyeen waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha gobolka Banaadir si loo tuso in aysan cibaadada ALLE ummadda Muslimka ah ka hor istaagi karin AL-shabaab.

 

Wasiir Maareeye oo Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Qadar

0

Muqdisho september 10 (SNTV);- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo booqasha ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidk Dowladda qadar.

Wasiir “Maareeye” iyo Wasiirka Isgaarsiinta Qadar Jssim Seif Ahmed al-Sulaiti, ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal sida xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha Gaadiidka iyo Labada Wasaaradood.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlaha horumarineed ee Dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay iney faa’ido weyn u leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo ka tacsiyadeeyey qaraxii maanta

0

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cambaareeyey Qaraxi maanta kadhacay magaalada muqdisho.

Madaxweyne Farmajo oo ka hadlayey furitaanka kalfadhiga 4 aad ee golaha  parlamaanka soomaaliya ayaa  tacsi udiray eheladii dadkii kudhintay iyo kuwa kudhaawacmay qarax maanta ka dhacay xarunta degmada hodon  ee magaalada muqdisho, kaasoo ay geysteen kooxda Argagaxisada ah ee  shabaab

Madaxweynaha waxa uu  sheegay in kooxaha argagaxisada ah ee ashabaab aysan unaxeyn shacabka soomaaliyeed ayna bartilmaameedsanayaan goobaha loogu adeego bulshada   soomaaliyeed, taasina ay muujineysa buu yiri  sida ay cadow ugu yihiin shacabka, waxana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo ciidamada qalabka sida inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha argagaxisada ah.

kooxda argagaxisada ah ee alshabaab waa koox caadeysatay daadinta dhiigga ummada soomaaliyeed waxana ay ku xiranyihihiin kooxo kale oo argagaxiso ah oo aduunka jooga.

Duqa Muqdisho oo Cambaareeyay weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada ay ka geysteen degmada Hodan

0

 

Muqdisho(SNTV);- Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta mar kale weerar ismiidaamin naftii halignimo ah ka geystay xarunta degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,halkaasi oo ay ku bur buriyeen Masaajid ku dhow xarunta degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa,wuxuuna sheegay in Qof naftii halige ah xoog uu ku jiiray Ciidamada,wuxuuna u mahad celiyay Ciidamadii geesiyaasha ee hor istaagay xabadahana ku furay,isagoona sheegay in naftii haligihii uu is qarxiyay markii uu soo gaaray goobtii Cibaadada (Masjidka).

Guddoomiye Yariisow ayaa tacsi u diray Ehalada dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee Kooxda argagixisada ka fulisay xarunta degmada Howlwadaag kuna bur burisay Masjidka Alle,isagoona Alle uga baryay inuu janada ka waraabiyo.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa u mahad celiyay Shacabka soo gurmaday islamarkiiba naftoodana u huray haddii xitaa Qarax kale dhici lahaa,wuxuuna sheegay in shacabka markaan soo jeesteen oo ay diidan yihiin argagixisada iney dhibaato u geystaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in warbixin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qarax dib ka soo sheegi doonaan,maadama hadda Wali Hay’adaha amniga wadaan baaritaan ku aadan weerarka wuxuushnimada ah,isagoona dhanka kale tilmaamay in dad dhaawac la geeyay Cisbitaalada kuna booqanayaan halkaasi si gurmad loogu sameeyo.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa 2-dii bishan September weerar naftii halignimo ah ku qaaday xarunta degmada Howlwadaag,halkaasi oo ay ku bur buriyeen Masjid iyo Dugsi Qur’aan oo carruur Soomaaliyeed Qur’aanka Kariimka ah lagu barayay.

Tubaakada”Khatarta heysata Jiilkeenna dahabiga ah”

0

 

4 illaa 5sano kahor waxa aad loo yaqaanay qaadka, sigaarka, badeecada oo shiishada ah, tubaakada iyo calaqa; balse waxaa ka dambeeyay oo dalka yimid maandooriye ka gedisan intaas oo dhan – qaab isticmaalka – kana fudud isla markaana ay qabatimeen in badan oo kamid ah jiilka aan looga baran maandooriyayaasha. Kuma cusuba maqalka dhagahaaga oo waxay ila tahay inaad maqashay maandooriyaha Taabuuga.

Taabuugu waa tubaako farsameysan oo casri ah, waxaa la qiyaasaa inay soo baxday horraantii 1930-kii iyada oo siyaabo kala duwan u gaartay wadamada adduunka. Waxa uu ka sameysan yahay daroogada sigaarka iyo shiishada oo laga isticmaalo badi wadamada soo koraya.

Adeegsiga taabuuga wuxuu ku badan yahay dhalinta Soomaaliyeed iyaga oo u isticmaala awood siinta jirka iyo inay firfircooni ka helaan. Qaarkood kama heystaan faham buuxa waxa yaabaha  uga imaan kara.

Majirto qof kamid ah dhallinyarada isticmaasha Taabuuga waxa kagag   sheegi kara waxa ay  ka helaan oo waxaa ka muqanaya xishood kamana sheekeyn. Taas beddelkeeda waxay ka dharagsan yahiin  in ay tahay khalad isticmaalkiisa balse ay qabatimeen.

Qeybahiisa soo gaaray dalka waxaa kamid ah; Hot & Galaxy. Way kala duwan yiihin, qofba waa midka uu barto uuna qabatimo, inta badan waxaa loogu isticmaal badan yahay nooca la yiraahdo Galaxy. Nuucan asal waa uu qiimo sarreeyay balse waxaa hadda yimid isaga oo lasoo dhimay sida ay sheegayaan  ganacsatada  iibisaha Taabuuga ama tubaakada.

‘Waa ka saameyn badan yahay inta aad fileyso‘ waa hal-ku-dhegga ku qoran nooc kamid ah Taabuugasi Ama Tubaakada.

Sidee loo fahmi karaa dadka isticmaala Taabuuga?

Hadal badan oo aan daal laheyn, Dhidid tiro badan, mararka qaar qofka oo maqane jooga noqda, fahamka ardeyga oo aad u yaraada, dhaq-dhaqaaq faro badan ama ficillo aan xakameysneyn iyo Astaamaha lagu garan karo isticmaalayaasha Taabuuga Ama Maandooriyaha Tubaakada.

Khatarta caafimaad ee Taabuugu leeyahay  Ama Tubaakada.

Ka sokow doorsanaanta qofka inta uu u saaran yahay taabuuga, waa maxay dhibaatada caafimaad ee uu leeyahay taabuuga? waxaa ka jawaabaya Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale.

“Dhibaatada ugu weyn oo uu geysan karo waxay tahay bushimaha inuu ku yimaado dilaac taas oo sababi karta kansarka afka, si lamid ah dheecaan ayaa ka baxaya, wuxuuna waxyeelaynayaa dhuunta,” ayuu yiri Dr Cawaale.

Dr Cawaale oo sii hadlay waxa uu xusay in la qabsiga ‘adaption’ taabuuga tahay khatar inteeda la’eg.

Ragga iyo dumarka yaa ku khatar badan Taabuuga?

Jinsi ahaan ma loo siman yahay saameynta mise farqi ayaa jira? Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale oo ifinaya arrintaasi waxa uu yiri; “Bulshadda marka laga hadlayo dumarka ayaa ku halis badan waayo dhibaatada ugu badan waxa uu u geysan karaa dhalmada,dhiig bax mar walba oo hooyada uur qaado, markay gabar tahayna waxaa macquul ah inuu ku yimaado caado wareer.”

Sidee loo iibiyaa tubaakada taabuuga?

Qaab iibinta lagu garto ayaa ah mid iyana cajiib ah oo koox waliba waxay u taqaan magac gaar ah, qaarna waxay adeegsadaan astaamo aamusnaan ah oo indhaha uun la iskala hadlayo.

Tusaale marka aad joogto goob aad ogtahay in lagu iibiyo waxaa adag inaad ogaato qof iibsanayo sabab la xiriirta qofka oo aan hadlin ayaa dhiibaya lacagta isaga oo lala hadlin ayaana la siinayaa wax gacanta loogu daboolay oo aan bannaan lasoo dhigin.

Sida uu dalka uu kusoo galo taabuuga lama oga. Qaar baa ku leh waddamo Aasiya ku yaalla ayuu ka yimaadaa isaga oo soo mara ama lasoo raacsiiyo badeecadaha dakadda kasoo daga, qaar kale waxay kuu sheegayaan inuu ka yimaado wadamada dariska oo uu garoonka kasoo dago, malahan hubanti sax ah balse waxaa hubaal ah in Af-Soomaali uu ku dul qoran yahay taabuuga oo waxaa la fahmayaa in dad  Af-Soomaali yaqaan ah ku lug leeyihiin naqshadeynta, haggaajinta iyo suuq-geyntiisa.

Dhibaatada intaa la’eg ayaa ku foolan wadan dadkiisa kasoo kabanayaan ku dhawaad 30-sano oo dib-u-dhac ah, ubadkiisana aysan haysan tacliin tiir adag ku taagan si lamid ah aan laheyn hoy wacyi-galin iyo dhaqan-celin iyo damaanad qaad caafimaad leh – iyada oo taasi jirto ayaa waxaan jirin adeegayaal faya-dhowr oo u istaagi kara waxa soo galaya dalka goob kasta.

Waxaa qoray Fardowsa Sheik Abdirahman

Al-Shabaab oo mar kale Qarxiyay Masjid ku yaala Degmada Hodan

0

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab oo lagu yaqaano ficilo aanan diinta Islmaanka raad ku lahayn ayaa mar kale Qarxiyay Masjid ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyadaan ayaa Gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa waxay ku burburiyeen Masjidkaan oo ku yaala meel aanan ka fogayn xarunta Degmada Hodan, iyadoo uu jiro burbur soo gaaray qaybo ka mid ah Xarunta Degmada.

Waxaa la sheegay in ilaa iyo Shan qof ay ku dhinteen Qaraxaan kuwaasi oo dad shacab ah, sidoo kale waxaa jira dad kale oo dhaawacyo ay soo gaareen oo la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale waxay u Qarxiyeen Masjid ku yaala degmada Howlwadaag iyo waliba dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Madaxweynaha JFS oo maanta furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka

0

Muqdisho(SNTV);– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah u furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,,Xildhibaanada Baarlamaanka,xubno ka socda Beesha caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa horay u iclaamiyay in 10-ka bishan September ee sanadkaan uu furmayo kalafadhiga afaraad ee Baarlamaanka,waxaana Xildhibaanada horyaala howlo muhiim  u ah dalka.

Madaxweynaha Sudan oo kala diray Golihii Xukuumadda

0

(SNTV)-:Madaxweynaha dalka Sudan Omar al-Bashir,ayaa kala diray golihii xukuumadda,si uu wax uga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

Hadal uu Madaxweynuhu soo saaray saacidihii dambe ee shalay,ayuu ku sheegay in taallaabada uu qaaday ay ku jiraan sidii golaha Wasiirada looga dhigi lahaa 21-xubnood,halka ay horay u ahaayeen 31.

Omar al-Bashir ,ayaa intaa raaciyay in uu dhisayo dowlad mar kale soo celisa rajada dadka Sudan,isla markaana wax ka qabata dhaqaala xumida ka jirta dalkaasi.

Tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha ayaa lagu macneeyay mid uu ku xallinaayo xaaladda murugada leh iyo niyadjabka soo wajahay dalka Sudan,gaar ahaan xilliyadii u dambeeyay.

Deegaano ka tirsan Shabeelooyinka oo lagala wareegay Al-shabaab

0

Hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka Komandostu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayay kula wareegeen deegaanada Basra iyo Baqdaadi.

Hawlgalkaas ayaa lagu soo furtay dad shacab ah oo u xirnaa maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo hadda dib ula midoobaya ehelkooda.

Ciidanka ayaa deegaanadaas ka wada hawlgallo nabadgalyada lagu xoojinayo, islamarkaana miinooyinka looga saarayo jidadka ay maleeshiyadu goysay, sida uu Sonna u xaqiijiyey sargaal sare oo ka tirsan xoogga dalka.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana looga furtay saanad ciidan.