Home Blog Page 1139

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday

0

Xuddur-(SNTV)-Beeraleyda Gobolka Bakool ayaa ka cabanaya hoos u dhac ku yimid dagallooda, markii ay degaannadaasi kusoo laa-laabteen abaaro, Biyo yaraan iyo cayayaanno wax yeello u geystay Beerahood.

Agaasimaha wax soosaarka Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Muuse Malisha, oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaatooyinka jira uu qayb ka yahay Cayayaanka, kaas oo wax yeelleeya Dalagyada kala geddisan, isla markaana sababta in laga niyad jabo tacbashada.

Cabdixamid Salaad Xasan, oo ah khabiir ku takhasusay ladagaallanka Cayayaanada Beeraha kana mid ah Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in sida loo yarayn karo  waxyeellada Cayayaanka ay tahay in isbeddel lagu sameeyo abuurka Beeraha.

Muktaar fuuje, oo ah isku-duwaha Wasaarada Beeraha ee Degmada Xuddur ayaa sheegay in baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan Beeraleydu ay ka mid yihiin in loo sameeyo ,wacyigelin, tababar, abuur, iyo in la siiyo agabkii Beeraha.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Degmada Xuddur uu u baahan yahay dayac tir buuxa iyo qalabayn, si uu u fuliyo howlihii Beeraleyda Gobolka Bakool.

Gobolka Bakool oo inta badan dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay wax soosaarka dalagyada Beeraha ayaa Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray abaaro iyo Cudurro saameeyay Dadka iyo xoolaha la dhaqdo, iyadoo Dadkii tacbatada ahaana ay intooda badan maciin bideen xerooyinka barakacayaasha duleedka Xuddur, iyadoo Dowladda dhexe iyo hay’adaha sama-falka ka dalbanaya in dib u dejin loo sameeyo.

Ilhaan Cumar oo loo dhaariyay xubin-nimada Kongareeska Maraykanka

0

Washington (SNTV) – Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay in ay ka mid noqoto Kongareeska Dalka Maraykanka, markii ay November 2018-kii ku guuleysatay Korsiga Degmada 5-aad ee Minnesota.

Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Congresska Dalka Maraykanka, markii ay taageeya badan ka heshay Dadka Muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku badan Minnesota.

Ilhaan Cumar oo ah Soomaali Maraykan iyo Rashida Tlaib oo asalkeedu yahay Falastiin, ayaa noqonaya Gabdhihii ugu horreeyay ee Muslim ah oo xubin ka noqda Kongareeska Maraykanka, taasoo iyana kasoo gashay Michigan.

Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka gaar ahaan shacabka reer Minnesota ayaa aad usoo dhoweeyay dhaarinta Ilhaan Cumar, waxanay sheegeen in ay wax badan u qaban doonto Dadkeeda taas oo ay iyaduba ay horay u ballan qaadday.

Danjire Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”

0

Muqdisho (SNTV)-Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa maanta, 3-dii bisha Jannaayo, Golaha Ammaanka ee QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa ugu horrayntiiba cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa, ayna ku dabajirto dadkii ka danbeeyey falkaas.

Danjiraha ayaa sidoo kale si faahfaahsan Golaha ula wadaagey horumarka dhinacyada badan leh ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay mudaddii uu xilka hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjire Abuukar ayaa sidoo kale xusay in dowladda hadda jirta ay si dhaw ula shaqaynayso hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey isaga oo sheegay in Soomaaliya ay QM ku biirtey isla markii ay sannadkii 1960-kii madaxbannaanideeda heshay, ayna ixtiraamto qawaaniinta iyo shuruucda QM.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda iyo sharafta dowladda Feradaalka Soomaaliya ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxa uu tibaaxay in xukuumadda hadda jirta ay ku hawlgasho doonista shacabka Soomaaliyeed ee ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo maqaam u qalma ku dhex leh adduunweynaha.

Danjire Abuukar oo ka hadlaya dhacdadii ay dowladdu ku cayrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya, Mudane Nicholas Haysom, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u kala duwan yihiin ururrada caalamiga ah ee ay ka tirsan tahay iyo falalka saamaynta taban leh ee uu qof gaar ah ku kaco. Danjiruhu wuxuu muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Danjire Abuukar waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid go’aannadeeda u madaxbannaan, ayna hadda dagaal kula jirto argagaxisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sidaasi darteedna ay u baahan tahay in la garab istaago oo aan la dibindaabyeyn.

Danjire Abuukar oo arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in labadii doorasho ee Soomaaliya ugu danbeeyey ay Wakiillada QM u qaabbilsan Soomaaliya ku celcelin jireen in doorashada qof argagaxiso hore ugu lug lahaa ay noqonayso tallaabo dib-u-gurasho. Sidaasi darteed waxa Danjiruhu Golaha u sheegay inaanay aqbali doonin dhalleecayn iyo in xubno argagaxiso ah la difaaco iyaga oo laga dhigayo kuwo aan waxba galabsan oo jallaatada gadi jirey

Shirkadda Korontada BECO Iyo Maalgashadayaal Qadar Ka Socda oo Is-Afgarad Kala Saxiixday

0

Muqdisho (SNTV):-Shirkadda Korontada BECO iyo Maalgashadayaal ka socda dalka Qatar oo Muqdisho u jooga qorshayaal maal gashi ayaa maanta kala saxiixday is-afgarad qorshihiisu yahay in lagu horumariyo korontada dalka

Cabdiraxmaan Cali Jaamac oo ah guddoomiyaha Shirkadda Korontada BECO ayaa is-afgaradka u saxiixay dhanka shirkadda.

Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo ah madaxa kooxda maalgashadayaasha Qatar ee Muqdisho ku sugan, ayaa dhanka Maal-gashadayaasha isna u saxiixay is-afgaradaka.

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya iyo Maalgashadayaal Qatar Ka Socda oo is-afgarad Kala Saxiixday

0

Muqdisho (SNTV):-Wasaaradda Batroolka iyo macdanka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Khayraadka Macdanta iyo Batroolka dalka Qatar ayaa maanta is-faham ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maalgashadayaasha Qatariyiin ah oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka.

Wasiirka wasaaradda, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo.

Wasaaradda Tamarta XFS iyo maalgashadayaal Qatar Ka Socda Oo Is-afgarada Kala Saxiixday

0

Muqdisho (SNTV):-Wasaaradda tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) iyo maalgashadayaal u dhashay dalka Qatar ayaa maanta waxa ay is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaasha Qatar ka socda ayaa si wadajir ah u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud oo si rasmi maanta Xilkaasi ula wareegay

0

Muqdisho (SNTV)-Xafladaan oo Xilalka ay kula kale Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

Xafladaan ayaa Waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud, Wasiir ku xigeenka Wasraadda Jamaal Xasan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaradda Howlaha guud  Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa ugu horeyn hadalka qaatay wuxuuna ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay oo ay kamidyihiin Heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah & Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaliya.

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Sheegay inuu la imaan doono hufnaan Cadaalad iyo howlkarnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore & Wasiirka Cusub ayaa ammaanay Shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay ku tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibedda oo ka qayb qaatay ololaha Is-xilqaan

0

Muqdisho-(SNTV)-In ka badan 180 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeybgalay wejiga Labaad ee mashruuca “Is-xilqaan” ee  dib loogu dhisayo, laguna dayactirayo, Tiyaatarka Qaranka oo ku bur-buray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Mudane, Danjire; Saciid Xaaji Maxamuud ayaa kaalin muuqata ka qaatay ololaha.

Shaqaalaha Wasaaradda ayaa olole nadaafad iyo dhireyn ka billaabay Tiyaatarka, markii Wasaaraddu ku deeqday 150 Geed mirood iyo kuwa la harsado, taasi oo ka dhigan hindisihii ugu horreeyay ee Qaran, kaasoo ah mid lagu taageerayo howsha mutadawacnimada ah ee is-xilqaan.

10 argagixisada Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Bay

0

2-dii Bishan January, 10 ka tirsan maleeshiyada argagixisda Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka dhacday meel 150 km Koofur galbeed uga beegan Muqdisho, kana tirsan gobolka Bay.

Ujeeddada duqeyntan dhanka cirka ah ayaa ahayd in lagu wiiqo isku dayga maleeshiyadan argagixisada ahi ku dooneyso in ay ku dhibaateyso dadka deegaanka iyagoo ka qaadaya lacago baad ah, kuna haya cabsi gelin joogto ah.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda Mareykanku waxa ay adeegsan doonaan awood kasta oo suurto gal ah si shacabka rayidka ah ee soomaaliyeed looga difaaco argagixisada.

Waxaan mar walba hubineynaa in aan khasaare dhimasho ama dhaawac soo gaarin dadka rayidka ah.