Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya uu baal maray hanaankii u degsanaa xafiiskiisa, isla markaaana ay dowladdu ka qaadatay go’aan cad oo ah in uusan dalka ka shaqeyn karin.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee dalka looga eryay ay tahay in uu hareer maray hanaankii iyo asluubtii UN-ka, isla markaana uu meel uga dhacay Qaranimada Soomaaliya, dowladuna ay ka qaadatay go’aan ah in uu dalka isaga baxo.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Danjire Nicholas Haysom uu sameeyay waxyaabo fara gelin ku ah Qaranimada Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn soo saaray warqado uu u qoray qaar ka mid ah xafiisyada dowladda oo uu eedeymo u jeedinayay, taasi oo uu Wasiirku ku sheegay inay tahay mid meel looga dhacayo Qaranimada Soomaaliya.

“Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma deg degin, ee waan la fiirsanay, waxaana siinay waqti innagoo u gudbinay talooyin, balse maalinkii uu dalka yimid wuxuu samaynayay hadalo meel ku dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...