sii ahayaha wasiirka Tamarta oo kulan laqatay ganacsato kasoo jeedah dalka Qatar

Date:

Sii hayaha xilka wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo maanta wefdi ganacsato reer Qatar ah kula kulmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka wada hadleen fursadaha maalgashi dhanka tamarta ah ugu  sameysan lahaayeen Soomaaliya…

Iyadoo dhawaan ay wada galeen heshiisi Soomaaliya iyo Qatar kasii oo ku aadanaa maalgashiga, C/casiis Al Duliami oo kamid ah ganacsatada reer Qatar waxaa  magaalada Muqdisho kula kulmay, Sii hayaha xilka wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka, mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo ay wehliyaan howlwadeenada wasaaradda.

Inta kulanka uu socda, waxaa ay labada dhinac ay is dhaafsadeen arrimaha ku qotoma maalgashiga Tamarta Soomaaliya oo ah mid intiisa badan hal abuur dhaqaale.

Helitaanka Tamarta oo ah baahi aas aasiga ah ayaa qiyaastii 10% shacabka Soomaaliyeed heystaan Tamarta, dadaalo badan oo ay hormuud ka tahay wasaaradda Tamarta ayaa socda sidii loo heli lahaa Tamarta ku filan oo qiimaheeduna yahay mid la ibsan karo oo ay dadku  awoodo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...