Wejigii 1-aad ee dib u hesiisiinta K/Galbeed oo la soo geba gebeeyey

Date:

Baydhabo (SNTV) Munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay wejigii koowaad ee dib u heshiisiinta K/Galbeed iyo taageeridda maamulka cusub ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan,C/weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweyne Laftagareen,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya  iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

XIldhibaanadii,wasiiradii iyo odayaashii dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodi muujiyay in ahmiyad ay leedahay midnimada shacabka Koonfur Galbeed,Ugu horeyn  Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed.

C/casiis Maxamed Xasan(LaftaGareen) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in horumarka iyo maamul wanaaga koonfur Galbeed ay ku xirantahay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka koonfur Galbeed,wuxuuna ku booriyay maamulka iyo bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay wadashaqeeyaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay dadaalada dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed,wuxuu guddoomiye Mursal uu sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka si looga gudbo dhibaato kasta horumarna loo gaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...