Taliyaha Qeybta 43-Aad ee Ciidanka XD oo sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda Jubbada Dhaxe

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Nawaaxiga degaanka Xagar oo u dhaw Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhaxe.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda gobolka jubbada Dhaxe.

General Bogmadow waxa uu sheegay in ujeedka uu yahay in Nabadiidka Al-shabaab laga Xureeyo Magaalada Buaale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow ayaa tilmaamay in Magaalada Bu’aale ay hada kaabiga ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa jubbaland

Ugu Dambeytii general Cali Bogmadow ayaa Xaqiijiyay in Howlgalada ka Socda degaanada Jubbaland Al-shabaab looga guuleestay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...