Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta Xarunta Wasaaaradda Arrimaha gudaha waxaa uu kula Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga ee dhawaan lasoo magacaabay iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa labadda dhinac ka wada hadleen sidda loo sii xoojin karo wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya,kuwaas oo si toos ah isaga kaashada dhinacyo badan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Safiirka Dowladda Turkiga ku qaabilo Xafiiskiisa kaas oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

“Waxaaan soo dhaweeyey Safiirka Turkiga iyo sidoo kale kuxigeenkiisa waxaan ka wada hadnay arrimaha wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Safaaradda maadaama aan wadaagno Shaqooyin badan iyo waliba sidoo kale Xiriirka ka dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soomaaliya, Waxaa kale oo aan kawadalnay sidda loo wajahayo Mashaariicda xiliyada qaar imaanka iyo qaabka loo maareynayo” sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Safiirka cusub Dowladda Turkiga Mr. Yilmaz ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in wado shaqeyn dhow la yeelanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ugu danbeyntii kulanka waxaa sidoo kale joobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...