Miinooyin laga soo saaray waddooyin kuyaala Jubada Hoose

Date:

Jubbaland (SNTV) Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubada hoose ka sameeyey hawlgal miino saaris ah oo waxyaabaha qarxa looga nadiifinayo waddooyinka ay maleeshiyada Al-shabaab ku aaseen.

Deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada Hoose ayaa ka mid ah meelaha laga saaray Miinooyinka, kuwaas oo kooxda xagjirka ah ay doonaysay inay shacabka iyo ciidamada ku waxyeelayso.

Horraantii todobaadkan ayaa hawlgal ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubada hoose lagu dilay in ka badan 70-ka tirsan kooxda Al-shabaab, ka dib dagaal dhulka iyo duqayn cirka ah oo lagu qaaday.

Alshabaab ayaa soo food saartay cabsi iyo walal kadib markii ay sii xogeysteen howlgalada ka socda qeybo kamid ah gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,gaar ahaan meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deeganadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee...

Wasiir Maareeye “Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray Awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan hordhac ah la qaatay Ugaas Maxamed iyo Dadka deegaanka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...