Home Blog Page 1125

Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dib-u-habeyn loogu sameeyay Guddiga Maaliyadda Golaha

0

Muqdisho (SNTV):-Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nuqul kamid ah soo gaaray SONNA ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Halkan Hoose ka Kha Akhriso Wareegtada

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo Kulan Muqdisho ku Yeeshay

0

Muqdisho (SNTV)-Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho.

Guddiga ayaa war bixin ku aadan safaradii guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaaladda Kismayo iyo dalka Turkiga oo looga hadlayay arrinta falastiin kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.

Kulanka markii uu dhammaaday ayaa waxa saxaafadda la hadlay Hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdikaafi Macalin Xassan.

Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV): —Shirka Toddobaalaha ah ee tubta arrimaha bulshada oo maanta uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka.

Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallimee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxar Cadde ee degmada Hiliwaa.

Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo.

Amarka tubta arrimaha bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda.

Wafdi ka socda Hirshabeele oo maanta tagay Buula Burde

0

Hiiraan(SNTV). Ujeedka socdaalka wafdigan ka socday dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa iugu jiray u kuurgalka xaaladaha guud ee degmada Buula burte,nolosha bulshada iyo ka qeybgalka xil wareejinta maamulka cusub ee degmadaasi iyo kii hore.

Guddoomiyaha Degmada Buuloburte Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay kadib markii loo magacaabay Xilkaan 19/12/2018.

Waxaa Xafkadda Xil wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Masuuliyiintii hore ee maamulka Degmada buulaburde ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Buuloburte Cabdi Daahir Guure ayaa xilka ku wareejiyay  Guddoomiayaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cabdicasiis Duurow isagoo xusay in u la shaqeyndoono,sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa uga mahadceliyaya waxqabdka maamulkii ka horeeyey,isagoo ka codsaday shacabku in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadaasi oo isugu jiray xildhibaano wasiiro,waxgarad iyo marti sharaf kale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lala shaqeeyo maamulka cusub,si uu u guto waajibaadkiisa shaqo,iyagoo ku dheeraaday ka hadalka baahiyaha loo qabo in shacabka deegaanadaasi ay helaan adeegyadii ay u baahnaayen o dhameystiran.

Ugu danbeyntii wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee degmadaas,Waxaana uu kula dardaarmay Xubnaha ka wada tirsan maamulka degmadaas in ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

“Waxaa la idinka rabaa in maamulka cusub aad garab istaagtaan oo aad la shaqeysaan,taasi waxaan hubaa in ay keeni karto waxqabad wanaagsan,gudoomiyihii hore wuu ku mahadsanyahay in xilkii si wanaagsan uu u wareejiyay,isagoo og in xilka uu yahay mid meerto ah,marka waxaan idin dardaarmayaa in aad wadashaqeysaan oo aad wax wada qabsataan”. Ayuu yiri Wasiir Caadle.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo tababar u furtay 270 macalin

0

Muqdisho (SNTV)-, December, 25, 2018:- Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdisho tababar  ugu furtay 270 macallin oo wax ka dhigi doona dugsiyada ku yaalla gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 270-kan macalin ayaa socon doona muddo 10 maalmood ah, waxana tababarka macallimiintaan soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Macallimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkaana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali oo tababarka furay  ayaa sheegay in macalimiinta lagu tababari doono manhajka cusub ee buugaagta dugsiyada hoose ee dhawaan la daabacay.

“Wasaaradda waxbarashada XFS,waxaa ka go’an kor u qaadista aqoonta macallimiinta wax kadhiga dugsiyada dowladda tababarka macalimiinta waxa uu ka sameyneynaa guud ahaan dalka,’ayuu yiri  Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Xasan Maxamed Cali.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Hay’ad u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta.

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xildhibaan Sheikh Nuur  Maxamed Xassan  oo maalmahan howlo shaqo ku joogay Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Hay’adda u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta.

Waxaa Wafdiga Wasiirka soo dhawayn u sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda  Eng. Cabaas Cabdulqani Qudbaan & Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda.

Labada dhinac waxaa ay dib isula eegeen caqabadihii qabsaday Xujayda Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay, iyada uu Wasiirku xoogga saaray sidii xujayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg ku tayo ah xujayda dowladaha kale ka yimaada.

Wasaaradda & Hay’adda ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay tayaynta adeegga la siiyo Xujayda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro acmaasha Xajka.

Dadaalka wasiirka ayaa wax wayn ka badalay haybadda xujayda Soomaaliyeed maadaama sanadkan 2019 ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 si la mid ah dowladaha Caalamka isla markaasna ay heli doonaan adeeg la mid ah xujayda kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo kormeeray Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile iyo Warta nabada

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile Iyo Warta Nabada.

Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa la kulmay Masuuliyiinta Labada degmo iyo Bulshada degmooyinkaas, wuxuuna wareystay Xaaladihii ugu dambeeyay iyo wadashaqeynta u dhaxeysa.

Sidoo kale Waxaa uu kormeeray Maxaabiista ku xiran labada Saldhig si loo ilaaliyo Xuquuqda Maxaabiista

Guddoomiyaha Maxkamdda Rafcaanka Gobollka Banaadir ayaa kormeer joogta ku sameeya Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir asagoo u kuur galaya howlaha shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah.

Maamulka Hirshabeelle oo wada Dadaallo dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan

0

Maamulka Hirshabeelle ayaa wada Dadaallo dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dagaal beeleed ka dhacay deegaan u dhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku sugan Maxaas ayaa wadaxaajood la leh Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka si loo qaboojiyo colaadan xalna looga gaaro.

Waxaa lagu wadaa in la qabto shirar dib u heshiisiineed, kaas oo la isugu keenayo dhinacyadii colaaddu dhex martay, islamarkaana la sameeyo heshiis xabad joojin ah.

 

Trump oo ogolaaday casumaad uu fidiyay Madaxweyne Erdogan

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa ogolaaday in sanadka soo socda uu booqasho rasmi ah  ku tago dalka Turkiga,sida uu ka dhawaajiyay Afhayeen u hadlay xafiiska Madaxtoyada dalkaasi.

Afhayeenkaasi oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa sheegay in casuumad uu fidiyay Madaxweynaha dfalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu aqbalay Donald Trump,isala markaana uu sanadka soo socda doonayo in uu safar ku yimaado magaalada Ankara,inkasta oo la tilmamay in aan waqti loo qaban.

Aqaqlka Cad aya xaqiijiyay casuumadda soo gartay Trump waloow aysan bixin sharaxaad iyo xilli mucayin ah .

Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump bishii May ee sanadkii teey waxa uu martigaliyay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan .

Tallaabadaan ayaa timid ka dib kolkii todobaadii tagay ay khadka taleefanka ku wada xiriireen labada hoggaamiye,kuwaas oo ka wadahadlay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Siiriya.

Ciyaaraha Xilliga Qaboobaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Yurub oo lasoo Gaba gabeeyay

0

Ciyaaraha xilliga Qaboobaha ah ee Hirda oo sanadkasta ay isugu yimaadaan kooxaha ciyaaraha qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool qaaradda Yurub ayaa lagu soo gabangabeeyey dalka Netherlands, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariiisow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa bogaadiyey Ururka soo qabanqaabiyey ciyaarahan oo isdhexgal iyo isbarasho ay ka helaan dhalinyarada qurbaha ku nool.

24-kooxood oo ka kala socday wadamada Yurub ayaa ka qaybgalay tartankan oo loogu talagalay in sare loogu qaado xirfadda ciyaartoyda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaana sanadkan ku guulaystay koobka koox ka socotay dalka Finland.