Muqdisho (SNTV)ย Xoghayaha joogtada ah ee ย Wasaaradda Qorsheynta iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kulan la qaateen Madaxa Hayโadaha MSF ee Soomaaliya.
Kulanka oo socday mudo sadax saacadooda ahย ayaa waxaa looga hadlay howlaha Hayโada dhaqaatiirta aan xaduuda lehyn (MSF) Soomaaliya ay ka wado,ย hanaanka ay u socdaan Mashaariicdan dhinaca caafimaadka, Iyada_oo kulanka ayย goobjoog ka ahaayen Madaxda Wasaaradda iyo Masuuliyiinta Hayโada MSF.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Qorsheynta,Maalgshiga iyo Horuamrinta Dhaqalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamedย ayaa ku bogaadiyay hayโada Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee (MSF)ย howlaha ay ka wadaan dalkeena in dib u bilaabaan tan iyo sanadkii 2013 ka dib.
โWaxaan marka hore soo dhaweynaa in howlahii hayโadan ay ka waday Soomaaliya in dib ay u bilaawdo ka dib markii ay hayโdan ay hakisay sanadkii 2013 shaqadii dalka ka waday sababla xariira in shaqaalaheeda dhibaato la kulmeen, waxaan hada ay bilaaben shaqada ay ka wadaan dalka inagoo taooyin ka siinay qaabka dalkeena xiligan u howlgalayo in ay dar dargailyaan shaqadooda ayuu yari Xoghayaha.
Sidoo kale Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegay in ayย ka wada haldleen Istaaraatijiyadaย 2019 ee hayโadan ay uga howlgaleyso qorshaheeda Soomaaliya iyo sidii looga saleyn lahaa baahiyaha caafimaad ay wadaan kuwa ahmiyd u leh shacabka Soomaaliyeed.
โwaxaan isla garanay in ay noo soo gudbiyaan istaraatijiyada sanadka 2019 shaqooyinka dhinaca caafimaadka dalkeena iyadoo qorshahooda u gudbin doonan Wasaaradda Caadimaadka dalka, Sidoo kale waxaan isla garanay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka u dhashay in ay siiyaan Tababaro la xariira howlaha Cafimaad sida qaliinka iyo cudurada guudย in ay ku howlgalaan ayuu yari Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda.
Madaxa Hayโada Dhaqaatiirta aan Xaduuda Lahayn ee MSF ayaa soo dhaweeyay hanaanka ay u socdaan geedi socodka shaqooyinka Soomaaliya ee dhinaca samafalka ah, taalabo wanaagsanย ku tilmaamay sida ay ula xisaabtameysoย Wasaaradda Qorsheynta Hayโadaha gar gaarka isla amrkaana la ogaanayo shaqooyinka ay ka wadaan Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacayย xarunta Wasaaradda Qorsheynta ayaa tilmaamo ka baxinayo dadaalaada kala duwan ee Wasaaradda ayย wado ee muga leh eeย dhinaca la xisaabtanka hayโadahaย iyo ka warqabka hayโadaha ka howlgala dalkeena si loo ogaado shaqooyinka dalka ay ka wadan isla amrkaana shaqooyinkaasi lagu saleeyo baahiyaha umadda Soomaaliyeed.





