Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo soo dhaweyn u sameeyey wafuuda baarlamaanada Garowe ku sugan

Date:

Garowe (SNTV) Guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka puntland ayaa magaalada Garoowe munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyay golayaasha Baarlamaanada  heer Fedraal iyo heer dowlad goboleed.
Waxaa kulanka so dhaweynta diiradd alagu saaray arrimo ay kamidka yihiin muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhex martay baarlamaanada Heer Federaal iyo heer dowlada goboleed,si loo horumariyo danaha umadda Soomaaliyeed.
Ugu horeyn waxaa munaasibada ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C,xakiin Maxamed Axmed waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo hay,adaha wafuuda baarlamaanada ka kala socotay Dowladda SOomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.
Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir.shabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa madaxda baarlamaanka Puntland iyo shacabka uga mahadceliyay soo dhoweyntii ay reer Puntland u sameeyeen wufuudii Garoowe soo gaartay.
Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in Garoowe ay Tahay meel nabad ah dalxiisyadii loo tagi jiray Nairobi iyo Yuganda lagu badalo.
Munaasibada waxaa soo xeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu Sheegay in munaasibadan ay tahay mid loo baahnaa uuna u mahadcelinayo madaxda baarlamaanka Puntland .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...