Nairobi (SNTV):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.
Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo masโuuliyiin kale ayaa raโiisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.
Raโiisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.
Raโiisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood.