Home Blog Page 1124

Maxaa loo dilay Daacigii Diinta faafinayay.?

0

Muqdisho (SNTV)-Maxmed Axmed Cabdi Oongooye waxa uu ahaa nin bartay cilmiga Diiniga ah iyo kan maadiga, isagoo dadaal badan ku bixinayay faafinta Diinta Islaamka iyo baridda shacabka Soomaaliyeed cilmiga maadiga ah si ay ula tartamaan bulshooyinka kale ee caalamka ka hor inta aysan dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab dilin 24kii bishan December ee 2018-ka.

Xiliga la dilayay Marxuumka waxa uu muddo afar sano ah ku noolaa Degmada Deyniile halkaasi oo uu ka soo shaqo tegi jiray, waxaana uu ka soo baxay gurigiisa isaga oo ku sii jeeday guri uu ku xareysan jiray gaari uu laaha, markii uu albaabka tegay oo uu gar garaacay gabar yar ayaa ku dhahday yaa waaye, kolkaasi ayuu dhahay Maxamed waaye ee iga fur, sug ayay tiri furaha ayaan soo qaadayaa, markii ay furaha u doontay si ay albaabka uga furto, ayaa labo arxan laawayaal oo hubeysan waxa ay ka soo baxeen luuq meesha ka dhawaa, dubarbadiiba madaxa ayay kaga dhufteen dhowr xabadood.

Oongooye waxa uu ahaa 30 jir ku dhashay deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose sanadku markuu ahaa 1988-kii.

Xasan Cabdiraxmaan Xuseen oo ay qaraabo dhaw ahaayeen Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa inoo sheegay in marxuumka isaga oo lix jir ah ay qosykiisa ula soo guureen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Xamar Jadiid oo uu ka bilaabay barashada Cilmiga Diiniga.

Burburkii dalka kadib Maxamed iyo Qoyskiisa waxa ay ka mid noqdeen dadkii Soomaaliyeed ee maciin baday Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya ee Dhadhaab, gaar ahaan xerada Xagar Dheer, halkaasi oo uu marxuumka ka bilaabay Waxbarashada maadiga ah, isaga oo ku qaatay Dusiga Hoose, Dhexe iyo Sare.

Maxamed waxa uu ka mid noqday ardaydii ka qalin jebisay dugsiga sare ee Xarada Qaxootiga Xagar dheer ee kaalimaha hore ka galay waxbarashada, intaas kadib waxa uu deeq waxbarasho ka helay dowladda Kenya, taasi oo uu ku muteystay dadaalkiisa waxbarasho ee dugsiga oo uu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee kaalimaha hore ka galay.

Allaha u naxariistee Maxamed Jaamacadda Jome Kenyatta ayuu ka bartay kuliyadda horumarinta Cilmiga bulshada oo uu ka qaatay heerka koowaad ee Jaamacadda, waxaana uu noloshiisa waxbarasho ku soo qaatay dalka Kenya.

Sanadkii 2014-ka ayuu Maxamed dalka dib ugu soo laabtay isaga oo muddo ka maqnaa, waxaana uu ku biiray Jaamacadda Horn of Africa oo uu ka bartay Kuliyadda Maamulka iyo Maareynta, intii uu ku guda jiray waxbarashada, maamulka Jaamacadda oo arkay kartida iyo dadaalkiisa dheeriga ah Maxamed waxa ay u shaqaaleysiiyeen in uu noqdo isku xiraha Barnaamijka Jaamacadda Horn of Africa iyo Jaamacadda  UNICAF ee faraceeda weyn oo ku taalo Jaziiradda Cyprus.

Oongooye waxa uu macalin ka ahaa Jaamacadaha kale ee magaalada Muqdisho ku yaalo iyo weliba Jaamacaddii uu wax ka bartay ee Horn of Africa, isaga oo ka mid ahaa macalimiinta loogu jecelyahay Jaamacadda.

Maxamed Allaha u naxariiste sanadkii 2015-kii bishii 12 tobnaad waxa uu ka mid noqday shaqaalaha Rayidka ee dowladda, Madaxda Wasaaradda Awqaafta ayaa Maxamed u mgacabaay in uu noqdo Agaasimaha Xiriirka iyo Kormeerka Hay’adaha Islaamka ee Wasaaradda.

Marxuumka xiliga la shaqaaleysiiyay ilaa iyo hadda waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliya, waxaana bishii todobaad ee sanadkan loo badalay Agaasimaha Waaxda Cilmi Baarista iyo Tirikoobka.

Maxamed waxa uu ahaa shaqi ku wanaagsanaa Diinta, waxaana uu ahaa Daaci Diinta faafiya, oo aad looga yaqaan bulsada, waayo waxa uu ahaa mutacalim xagga Diinta iyo mutacalim maadiga si fiican u yaqaan.

Xasan Cabdiraxmaan Xuseen mar uu ka hadlayay shaqsiyada Marxuumka iyo sifooyinka uu leeyahay, waxa uu tilmaamay in Maxamed uu ahaa nin Ahlu Diin ah oo Alle aaminsan, ogna in uu dhimanayo waqtigiisa oo aan saacad loogu dareynin, waxaana uu ahaa nin aftahan ah, dadkana si fudud wax ku fahamsiiya, nin diinta Islaamka faafiya, nin ku wanaagsan jiheynta bulshada, nin hodan ku ah qancinta shacabka, waxa uuna ahaa shaqsi lafdhabar u ah bulshada uu ka baxay.

Waxa uu ahaa nin ka baxay bulshada oo aan la iloobi karin taariikhdiisa iyo doorka uu ku lahaa barbaarinta dhallinta.

 

Allaha u naxariista marxuumka waxaa ku jirtay in uu bulshada si wnaagsan u samata bixiyo, isagoo dadka si mutudawacnimo ah u bari jiray cilmiga Diiniga iyo kan maadiga, isla markaana xoogiisa iyo aqoontiisa ku sadaqeysa shacabkiisa.

Marxuum Maxmed Axmed Cabdi Oongooye waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo saddex carruur ah.

 

W/D: Maxamed Macalin Xasan

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka oo doortay Guddoonka Guddiga

0

Muqdisho (SNTV)- Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho galabta ku doortay guddoonka guddiga maaliyada.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xiggeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo siddii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

 

 

Madaxweynaha cusub ee Koofur galbeed oo maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay

0

Baydhabo (SNTV)-Madaxweynaha cusub Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xilka hoggaanka Koofur galbeed oo Xildhibaanada maamulkaasi dhawaan ay u doorteen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dawlad goboleedka Koofur galbeed Mudane C/qaadir Shariif Shiikhuna oo ahaa Ku-simaha Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Xilkaasi Mudane C/casiis Lafta gareen.

Munaasabadda Xil wareejinta oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Koofur galbeed  ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha cusub Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa u mahad celiyey Madaxdii hore ee maamulkaasi, isaggoo tilmaamay in shaqada ugu horreyso ee u taalla ay tahay dardar gelinta howlaha amniga lagu xaqiijinayo.

“Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynanimo ee Koonfur Galbeed kaas oo uu ku sime ka sii ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KG Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa Maye”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxdii hore maamulka halkaan soo gaarsiiyey howsha, waxaan rabaa dardargelinta howlaha muhiimka ah ee na hor yaallo oo ay ugu horreyso amniga in aan si wadajir ah wax uga qabano”

“Waxaan shacabka reer koonfur galbeed ugu baaqayaa in si cadaallad ah aan ugu shaqeyn doono, taasi oo horey la iigu dhaariyey la iguna doortey” siddaas ayuu yiri Madaxweynaha koofur galbeed.

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo xarigga ka jaray xafiiska Care International oo Muqdisho laga furay

0

Muqdisho(SNTV):- Maaagaalada Muqdisho maanta si rasmi ah looga furay xafiiska Hay’adda Care International ee Soomaaliya,waxaana xarigga ka jaray Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan iyo madaxda Hay’adaasi,iyadoo sidoo kale uu goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaardda Qorsheynta C/qaadir Maxamed Aadan.

Xafiiska Hay’adda Care International ayaa laga soo raray Kenya,taasi oo qeyb ka ah dhaqangelinta go’aan horey ay u soo saartay dowladda Soomaaliya oo ahaa in hay’adaha arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya ay u soo guuraan Soomaaliya.

Hay’adda Care International waxa ay ka shaqaysaa barnaamijyada Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, tababarada macalimiinta, bulshada Rayidka iyo horumarinta saxaafadda.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka,iyo sidii guudahaan adeegyada loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen,iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel k abaxsan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiiska Hay’adda Socdaalka ee IOM,si howlaheeda shaqo ay uga bilowdo gudaha Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka “Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho.

Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka, si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ugu gogol xaareyso ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

Gadiidka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka ee ka shaqeeya gudaha Magaalada iyo kuwa yar yar, waxaana meel la isla dhigay in ay laga maarmaan tahay hubinta tayada gaadiidka iyo in ay u dhameystiran yihiin sharciyada looga baahnayahay sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka Mudane Cali Gacal Gaaboow.

Maxamed Kulmiye Axmed waa Qabiir ku xeel dheer Gadiidka iyo dhulka waxaa uu ka hadlay sida ku haboon ee looga hortagi karo ciladaha ku yimaada gawaarida isla markaana loo baahanyahay in tijaabo la mariyo gadiidka ka howlgala gudaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Omaar)  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Gaadiidka ay mari doonaan tijaabo, si loo dhaqan geliyana  loo bahanyahay in ay u hoggaansamaan sharciga.

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Waxaa kaloo Wasaaraddu sheegtay  in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, si loo ilaaliya nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha Iyo Taliska Booliiska

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, iyo xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda kula kulmay wasiirka wasaarada Maryan Aways, agaasimha oo xog ka siisay hannaanka ay u socdaan howlaha wasaaradda iyo shaqooyinka uga qabsoomay qorshayaashii laga doonanay in wasaaraddu ku guulsaysato sannadkaan dhammaadka ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqday xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed halkaas oo kulan uu kula qaatay taliyada booliiska dalka, General Bashiir Cabdi Maxamed iyo ku-xigeennadiisa oo ay ka wada hadleen dar-dar gelinta hannaanka adkaynta amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimadda.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ee isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Shir-weynaha Qaran ee Dhalinyarada oo Muqdisho ka furmay

0

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Magalada Muqdisho si rasmi ah uga furay shir-weynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa goob joog ka haa sidoo kale shir-weynahaas furitaankiisa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diriye,wasiirro,xildhibaanno, dhalinyaro ka kala socota maamul goboleedyada iyo gobolkan Banaadir diblomaasiyiin iyo Marti sharaf kale.

Mudadii uu socoday waxaa hadallo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare KuXigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  iyo Wasiirka dhallnyarada Khadiijo Maxamed Diiriye,iyagoo ka hadlay ahmiyadda ay arrintan u leedahay bulshada.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ujeedka shirkan uu yahay sidii loo cadeyn lahaa kaalinta ay dhalinyaradu kaga jirto arrimaha siyaasadda ,maadaam ay yihin laf-dhabarkii dalka.

Mudane Mahdi maxamed Guuleed ayaa amaanay kalinta dhalinyarada ay ku leeyihiin horumarka dalka,isagoo ku dhiirogeliyay in ay sii xoojiyaan dadaalkoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Shirkan oo socon doono muddo labo maalmood ah ayaa lafilayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah,waana Shir sanadkiiba mar la qabto.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Loo Sameeyay Kooxda Kubbadda Cagta Som United

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf ay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dalku u sameeyay kooxda kubbadda cagta Som United ee dalka Sweden oo Muqdisho u joogta ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kooxda Som United iyo maamulkeeda uga mahaceliyay dadaalka ay uga qayb qaadanayaan soo noolaynta ciyaaraha dalka iyo is-dhex galka Bulsho, waxa uuna sheegay in Qurbajoogta ay mas’uuliyad wayn ka saarantahay ka qayb qaadashada dib u soo noolaynta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku ammaanay dardar-gelinta horumarinta ciyaaraha iyo dhiirri gelinta dhallinyada.

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa munaasabadda ka sheegtay in casha sharafta ay u sameeyeen dhiirri gelinta kooxda Som United ee dalka Sweden oo dalka u timid horumarinta ciyaaraha dalka iyo is-dhex galka bulshada.

Bashiir Cilmi Maxamed, madaxa wafdiga ka socda Som United oo ka mahadceliyay casho sharafta ayaa ballan qaaday in ay badi doonnan socdaallada ay ku imaanayaan dalka si ay u dhiiri geliyaan horumarka ciyaaraha dalka, is-dhexgalka bulshada iyo barnamijyada horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda casho sharafta ah oo lagu qabtay hoteelka Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha xariirka kubadda cagta Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab, Bashiir Cilmi Maxamed oo ah madaxa wafdiga kooxda kubbadda cagta Som United, dhammaan ciyaartooyda kooxda ee Muqdisho ku sugan iyo marti sharaf kale.

Seminaar ku saabsan sida Dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan Doorashada 2020-ka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV) Seminaarkan lagu baranayay Wacyi galin ku saabsan Doorka Dhalinyarada ,Haweenka  iyo Dadka Laga tira Badanyahay ay ugu Qeyb qaadan karaan Arrimaha Doorashooyinka ee Dalka ka dhici doona 2020 kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta ee Sido ayaa Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Siminaarkan ka faa’iideystay Dhalinyaro ka kala yimid  qaar ka mid ah  Jaamacadaha Dalka  iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir Waxaana inta Siminaarka socday Laysku Weydaarsanayay Qaabka ugu Fiican ee Bulshadu ugu qeyb Qaadan karaan Arimaha Doorashooyinka Dalka.

Qaar ka mid ah dadka ka Faa’iideystay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Seminaarkan ay ku barteen sida looga qeyb qaadan karo Arrimaha Doorashooyinka iyo Doorka dhalinyarada ay ku leedahay Cod bixinta Doorashada dalka ka dhici doonto.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka ee sido C/llahi Cali Jimcaale ayaa kahadlay ujeedada Seminaarka iyo ahmiyada uu u leeyahay  dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaa loo baahanyahay in laga gudbo qaabka Qabiilka iyo nin jecleysiga ah ee lagu doorto loogana gudbo qaabka Waxqabadka ah in loo fiiriyo qof Muxuu qaban karaa, Aqoon ma u leeyahay waxa loo dooranayo, in aad la xisaabtami kartid wax qabadkiisa marka dhalinyarada waxaa looga baahanyahay in ay fahmaan Arrimahaasi isla markaana ay u gudbiyaan waxa halkan ay ka barteen dadka kale”.ayuu yiri Guddoomiye C/llahi Cali Jimcaale.

Waxaa la filayaa in markii lagaaro laba kun iyo labaatanka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah taasi oo ay isku diyaarinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Waare“Dagaal Beeleedyada Hiiraan Iyo Galgaduud Ka Soo Cusboonaaday Waxay Taageero U Yihiin argagaxisada”.

0

Hirshabeele (SNTV) Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Deegaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda argagaxisada Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna  uu u rajeeyay caafimaad qab.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka.

“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.

“Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joogaan sidii loo joojin lahaa Colaadahaasi.