Home Blog Page 1124

Maxkamadda Ciidamada oo go’aano adag ka soo saartay Murankii ka jiray Baraawe.

0

Baraawe (SNTV)- Iyadoo ka duuleyso cabashada ka timid bulshada, Odayaasha, maamulka dhawaan uu magacaabay koonfur galbeed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay magaalada Muqdishoa ka dirtay Saraakiil Sare  uu hugaaminayo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side, Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamadada Qalabka Side Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kamey iyo Saraakiil kale oo ka socday qeybaha dambi barista.

Daqiiqada uun kadib ayagoo gudanaya howshooda ayay bilaaween xooraansiga xog-ogaalnimo ee bulshada, waxa ay qaabileen odayaasha  dhaqanka, maamulkii hore ee qaarkood diidanaa xilwareejinta kan dhawaan la soo magacaabay, taliyaha Boliiska degmada, saraakiisha  ciidamada xoogga dalka sida taliyaha Ururka,  abaanduulahiisa iyo u qaabilsanaha AMISOM Baraawe iyo goobaha u dhow.

Go’aanada masiiriga ah ee  laba maalin kedib ayaa noqday in meel  fagaara ah lagu gaaro go’aanno, waxaana sifa sharci lagu kala wareejiyay xilalkii muranka  ka jiray iyadoo sidoo kale  saraakiisha dowladdu dirtay kala xadiday xilal dhawaan ay u magacaabeen maamulka Koonfurgalbeed masuuliyiinta horay u maamuli jiray degmada.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buula kamey ayaa u sheegay dhammaan masuuliyiintii hore iyo  saraakiisha ciiidamada in lagu maxkamadeyn doono wixii hadda kadib ka hor yimaado  xalka ay dowladda dhexe ka gaartay muranka maamul ee ka jiray Baraawa.

Sidoo kale waxa uu weydiistay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida in si kumeel gaar ah looga joojiyo shaqada Taliyaha Boliiska degmada kaasi uu mad madow badan soo galay shaqadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fariin culus u diray dadka ku howlan abuurista dhiilada colaadeed ee ka jirtay Baraawe kuwaasi oo iyaga ku nool dibadaha, waxa uu ugu baaqay in Baraawe ay ka caawiyeen hadii ay dhab ka tahay la dagaalanka argagixisada, dhismaha xarumaha caafimaad iyo waxbarashada degmada oo gaabis badan ka jiro iyo horumarada kale ee degmada, waxa uu ku adkeeyay odayaasha dhaqanka, maamulka iyo saraakiisha ciidamada in ay u midoobaadan danaha degmada oo aysan warkooda maqal kuwa ku nool magaalada ka banaankeeda.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda go’aamisay  shaqa ka joojinta taliyihii saldhiga degmada Baraawe, baarista eedeysanayaal u xiran falal argagixisanimo iyo xilwareejin kama dambeys ah oo dhaqan gashay maalintan.

Masuuliyiinta dowladda dirtay oo ay wehliyaan kuwa degmada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa soo dhaweeyay cutubkii ugu horreeyay ee Boliis ah oo ay degmadu yeelato  kuwaasi oo ka degay Baraawe, iyagoo sidoo kale kormeeray xarunta taliska Boliska Baraawe, waxa ay sidoo kale socod dheer ku soo mareen fadhiyada ciidamada  ay ku leeyihiin daafaha magaala Xeebeedka Baraawe.

Ugu dambeyn wafdiga dowladda ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale ka hor inta aysan soo duulin  cagta soo mariyay garoonka loo dhisayo magaala Xeebeedka Baraawe oo ah Caasimadda dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Jaamacadda Ondokuz

0

Wasiirka waasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta JFS Mudane sheikh Nur Mohamed Hassan oo maalmahan safar shaqo ku joogay Dalka Turkiga ayaa martiqaad rasmi ah ka helay jaamacadda Ondokuz Mayis oo ku taalla gobolka Samsun kuliyadeeda shareecada & Qaanuunka.

Madaxweynaha jaamacadda ayaa Soo dhawayn ballaaran u sameeyay wasiirka & wafdigiisa iyada laga wada hadlay sidii kuliyadda Shareecada ay wasaaradda ugu deeqi lahayd  tacliin sare oo isugu jirta Bachelor  & Master.

Sidoo kale maamulka jaamacadda ayaa balanqaaday in ay shaqaalaha wasaaradda ugu deeqi doonaan waxbaarsho nidaami ah oo heerarka kala duwan ah & tababarro ku aaddan sidii ay u hormarin lahaayeen xirfaddooda shaqo .

Waxaa uu wasiirka hoolka jaamacadda kulan kula qaatay ardayda kuliyadda shareecada & Qaanuunka.

Waxaa ay sidoo kale ballan qaadeen in ay tababarro siin doonaan Imaamyada, macallimiinta Qur’aanka & culimada soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ugu dambayn u mahadceliyay maamulka & shaqaalaha jaamacadda sidii diirranayd ee loo soo dhaweeyay isaga & wafdigiisa.

Kulankan Ayaan imaanaya iyada oo todobaadkii hore uu wasiirka la qaatay Madaxa Diinta & Awqaafta Dalka Turkiga kulan miro dhal u ah shacabka soomaliyeed.

Guddiga Joogtada ee Aqalka sare oo sheegay Xilliga uu furmayo Kalfadhiga Golahaasi

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa kulan ay yeesheen maanta waxay kaga hadleen Xilliga fadhiyada Golaha la bilaabayo, Warbixinadii Xog Aruurinta Guddiyadii loo kala diray Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Fadhiga ayaa markuu soo gaba gaboobay waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Sen, Cabdi Kaafi Macalin Xasan oo ah Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Ajendaha  uu ka koobnaa dhowr Qodob fadhigana lagu Magacaabay Guddi laanta fulinta Dowlada kala xaajooda dhameynta Khilaafka soo kala dhex galay Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada dhexe, iyadoo dhanka kalena uu habdhoore C/kaafi Macalin Xasan uu sheegay in fadhiyada Golaha Aqalka sare BFS la go,aansaday inay bilowdaan 10 ka bishan.

“Waxaa la magacaabay Guddi laanta fulinta dowlada Federalka kala xaajooda dhameynta Khilaafkii soo kala dhex galay Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Fderaalka Soomaaliya , Mida kale fadhiyada golaha Aqalka sare BFS waxaa la go’aansaday uu bilowdaan 10 ka bishan”ayuu yiri Habdhoore C/kaafi Macalin Xasan

Dhawaan ayay aheyd markii xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare uu gudfoonka u diray inay xog aruurin kasoo sameeyaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, si xal dhab ah looga gaaro Tabashooyinka jira.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Markab sida Dhuxul oo ku xirtay Ciraaq.

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baalle oo war-saxafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay iney si qoto dheer kaga wallaacsan yihiin markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid ah Dekadaha Koonfurta Soomaaliya,kaasi oo ku xirtay Dekadda Ciraaq ee Ummu Qasri.

Safiirka ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darada ee dhuxusha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, maaddaama dhoofinta dhuxusha ay tahay ish ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo gelo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharcidarada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga iyo Doorashooyinka 2020

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray.

“Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

Agaasimihi Wasaarada Boostada isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada oo Xilka wareejiyey

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Agaasimihii ee hore ee Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada Cabdiraxmaan Maxamed Cadow oo xilka wareegiyey ayaa sheegay in mudadii uu xilka soo hayey ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay kamid tahay Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta COD.

Agaasimaha Cusub ee ee Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada Cabdixasiis Duwane Isaaq ayaa ka codsay Shaqaalaha Wasaaradda inay siwada jir ula shaqeeyaan COD.

Wasiirka Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada Ing Cabdi Canshuur Xasan ayaa tilmaamay in uu soo dhaweynayo isbedelka cusub ee Wasaaradda ku yimid loona baahan yahay in Agaasimaha cusub uu la-yimaado dardargalin dhanka Shaqadda ah.

Wasaaradda Boostayadda, Isgaarsiinta iyo Teknoojiyada ayaa waxyaabaha u qabsoomay waxaa kamid inay soo wareejiso Astaanta .SO kaas oo horay u maqneyd.

Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya oo kulan la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya  Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur oo  safar shaqo ku joogta dalka mareykanka  ayaa jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota waxay ku soo dhaweeyeen Magaalada Minneapolis.

 Munaasabad wayn oo ay ka soo qaybgaleen madaxda jaaliyadda iyo qaybaha kale ee jaaliyada ayaa waxaa wasiirku ku soo bandhigtay talaabooyinka horumarineed ee ay wasaaraddu u qaaday in adeegga caafimadka la gaarsiiyo bulshada.

 Drs. Fowsiyo Abikar Nuur ayaa sheegtay in wasaaradda ay u qabsoomeen hawlo baaxad leh mudada 18-da bilood ah oo ay xafiiska joogtay, kuwaas oo ay ka midyihiin in la taageero Isbitaallo badan oo dalka ku yaala iyo in la qaabeeyo siyaasadda horumarinta caafimaadka dalka.

 Proff Siciid Saalax oo ah mid ah aqoonyahanadii kulankaas ka qaybgalay ayaa bogaadiyey waxqabadka wasaaradda, waxaana uu ku dhiiri galiyey qurbajoogta inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalka iyo dadaalada horumarineed ee dalka ka socda.

 

10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Kenya

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Ugu yaraan 10 xubnod oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal Maanta oo Isniin ah ka dhacay Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo,Paul Njuguna ayaa sheegay inay xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab laayeen xilli ay howlo gaaf meer ah ka wadeen waqooyiga Lamu.

“Qiyaastii 06:45 a.m., ee Maanta ayay ciidamada difaaca ee KDF weerareen degaanka Taksile oo ka tirsan Lamu, halkaas oo ay ku sugnaayeen Malleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Afhayeenku.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay Malleeshiyadaasi ka furteen Toddoba Qori oo nooca AK47 ah iyo saanad ciidan.

Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidankoodu uu Saddex ka mid ihi dhaawac kassoo gaaray iska hor imaadka dhex maray iyaga iyo Malleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka oo u gurmaday Qoysas danyar ah oo kunool deegaanka dhanaane

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Ciidamada Xoogga dalka ayaa raashiin u qeybiyay Qoysas dan yar ah oo ku nool deegaanka Dhannaane oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeella hoose.

Qoysaskan danyarta ah ee Ciidamada Xoogga dalka u gurmadeen ayaa ka soo cararay deegaano fog oo ay kaga yimaadeen dhibaato ay maleeshiyada Al-Shabaab ku hayeen,waxayna Ciidamada Xoogga dalka Xoog uga saareen Al-Shabaab deegaanka.

Deegaanka Dhannaane ee Gobolka Shabeellaha hoose malahan Ceel-biyood,Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa horay u diiday in la qodo,balse shacabka hadda waxay qabaan rajo maadaama Ciidamada Xoogga soo gaareen.

Qaara ka mid ah Shacabka deegaanka Dhannaane oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin iney gurmad ka helaan Ciidamada Xoogga,halka maleeshiyadii Al-Shabaab dadka ay dhibaateynayeen,waxayna uga mahad celiyeen gurmadkii ay soo gaarsiiyeen.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa muujiyay in Ciidamada Xoogga dalka ay deegaanka Dhannaane u tageen dadkooda oo dhiban ayna la garab istaageen gurmadkii ay awoodeen.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada Gobolka Shabeellaha hoose ayaa u suurta gashay iney xoog argagixisada Al-Shabaab uga saaraan deegaano badan.

Dowladda Soomaaliya oo ballanqaaday horumarinta goobaha dalxiiska dalka

0

Muqdisho October 1 (SNTV):- Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo ah degmo Taariikhi ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u diyaarineysaa goob dalxiis oo dalka daqli badan uu ka soo galo.

Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cabdi C/llaahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo tagay degmada Warsheikh ayaa ujeedada ay halkaasi u tageen ku sheegay iney qiimeyn iyo baaris ku sameeyaan degmada iyo goobaha ay kaga haboon tahay in lagu dalxiiso si dib u dhis loogu sameeyo.

Degmada Warshiikkh waxay ahaan jirtay xarun Diimeed oo Diinta Islaamka looga looga iman jiray Gobollada dalka iyo qaar ka mid ah dalalka Shisheeye,sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Axmed Xuseen Axmed Shiidka.

Nolol maalmeedka dadka ku nool degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay ku xiran tahay Jallaabashada Kalluunka,Beeraha iyo waliba dhaqashada Xoolaha nool hadana waxaa ku soo kordhay dalxiiska oo dad badan maalmaha fasaxa u dalxiis tagaan si ay u soo qaataan neecowda iyo jawiga qurxoon ee xeebta degmada.

C/risaaq Xuseen Axmed oo ku magac dheer “ Shiino” wuxuu ka mid yahay qurba joogta Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay inuu dalxiis ku tago degmada Warshiikh,isagoona Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay ugu heelan tahay horumarinta dalka,wuxuuna Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ku dhiira geliyay iney ku soo laabtaan dalkooda kana qeybtaan dib u dhiskiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay horumarinta goobaha dalxiiska dalka,islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney maalgashadaan dalkooda hooyo.