Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso

Date:

GAROOWE  (SNTV) Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Munaasabadda ayaa waxaa job jog ka ahaa madax ka tirsan maamulka puntland odayaal dhaqameed iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Cabdullaahi Goodax bare ayaa soo dhaweeyay horamarinta bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso,

Waxaan   magaaladda Garoowe  uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya markasta waxaa ka go’an in ay kaalin mugleh ka qaadato soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo micno weyn ugu fadhiya  bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar u mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka oo ugu horeyo wasiirka waxbarashada Puntland Abshir, Aw-Yuusuf iyo Nabadoon  Ciise Maxamed.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka  Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go,antahay soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...