Home Blog Page 1121

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Tamarta Iyo Haweenka

0

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta kormeeray wasaaradaha warfaafinta, tamarta iyo Haweenka si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu ay la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku sedaxda wasaaradood oo ka wada tirsan guddi hoosaadka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in qorshaha booqashadu ay ahayd xoojinta dadaallada lagu xaqiijinaho fulinta ballan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa loo xil saaray daba galka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Wasiirrada Soomaaliya ayaa horraantii sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhammaan shaqooyinka dawladda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa maanta booqday xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybka uu ka koobanyahay xabsigaan oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka si iyana loo gaarsiiyo heerka xabsiyada caalamiga ah, waxa uuna u mahadceliyay dhammaan hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dhismaha xabsiga.

Halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada ayaa waxaa kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalku in ay guul wayn tahay in halbeeg kamid ah halbeegyadii muhiimka ahaa uu maanta fulay.

Xabsiga Guud oo loo qorsheeyay in lagu yareeyo culayska ka jiray xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa si rasmi ah u shaqo billaabaya February 22, 2019.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin Jian.”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo Dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed waxtar weyn u leh.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan xog-waraysi ah la qaatay Ganacsatada Dalka

0

Axad, Feberaayo 03, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.

“Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, si taa looga dhabeeyana dawladdu waxa ay horay u qaaday tallaabooyin muhiim u ah oo ay kamid tahay dar-dar gelinta shaqooyinka Tubta horumarinta dhaqaalaha.

Himilooyinka Tubta Horumarinta dhaqaalaha hal-beegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda qorshaha dayn cafinta taas oo fudayn karta kobac dhaqaale oo ballaaran iyo maal-gashi shisheeye, oo ay ka abuurmayaan fursado shaqo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo meel mariyey Qorshe Howlleedka 2019

0

 03 FEB, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka gaar ah oo lagu meel mariniyey qorshe howlleedka Maamulka Gobolka Banaadir sanadkan 2019-ka.

Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshahan, iyagoona bogaadiyey xeel-dheerayaashii Soomaaliyeed ee asteeyey qorshe taabanaya nolasha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo heer Gobolba in laga dhabeeyo fulinta qorshe sannadeedka 2019-ka, isagoona adkeeyey maamul wanaagga iyo in si siman loogu adeego dhammaan bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in kororka qoondada loo qorsheeyey baahinta adeegyada asaasiga ah, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta bilicda ay ka tarjumayso hiigsiga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan sanadkan 2019-ka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xal u helista dhibaatooyinka nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo qoraheyaasha kale ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashada dawladda ee asaasiga ah oo haatan Maamulka Gobolku ay gacanta ku hayaan waxbarashada 12 Kun oo arday.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa shacabka Caasimadda kula dardaarmay xoojinta xiriirka ay leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay maleegayso, sidoo kalena ay ilaaliyaan hanti guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dib u dhiska lagu sameynayo.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah oo howlgal ku dilay 13-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xero maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay 13-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab,xerada la weeraray ayaa lagu diyaarinayay dhagar ka dhan Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa ka hortagay dhagarta Al-Shabaab,islamarkaana baabi’iyay saldhigii Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda gabalkooda uu sii dhacayo.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

Muqdisho (SNTV):– Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inta u dhaxeyso deegaanada Buq-goosaar iyo Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan duqeyn lagula beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed ayaa soo sheegaya in duqeynta lala bartilmaameedsaday saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Boq-goosaar,waxaana la soo sheegayaa iney jiraan khasaaro ba’an oo la gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa deegaano badan ka saaray Kooxda Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda si dhuumaaleysi ah ugu nool dhulka howdka ah,waxaana socda qorshe maleeshiyadaasi looga xoreynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Kormeeray Wasaaradaha Kalluumaysiga, Ganacsiga, Xannaanada xoolaha iyo Beeraha

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta booqday wasaaradaha kalluumaysiga, ganacsiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha, si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu ay la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku ku tegay afarta wasaaradood ayaa sheegay in u jeedka booqashadu ay ahayd qaabkii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinaho qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in dhammaan wasaaradaha ay maanta booqdeen ay ballan qaadeen in ay sidda qorshuhu ahaa u fulin doonaan ballan qaadyadii ay sameeyeen, si looga dhabeeyo hir-gelinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u xil saaray daba galka hannaanka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishii Janaayo ee sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya.

“Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya. Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Akhriso: Madaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee maamulkaasi

0

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa magacaabay qaar kamid ah Golaha Wasiirada K/galbeed Soomaaliya.

Hadaba Hoos ka Akhriso Xubnaha cusub ee la magacaabay.