Home Blog Page 1121

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah.

Mudane, Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana Shacab weynaha Dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

Golaha Aqalka sare BFS oo saaray War saxaafadeed ku aadan xaaladda Galmudug

0

Muqdisho (SNTV)- Guddiga joogtada ah ee Golah Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa warmurtiyeed kasoo saaray Xaaladda dawlad goboleedka Galmudug iyo is af garan waaga ka dhex jira Madaxda sare ee Maamulkaasi.

Fadhigii 17aad, farqadiisa 2aad oo maanta ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa waxay soo saareen war murtiyeedka hoos ku xusan:-

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Daraasad lagu soo bandhigay Kalsoonida Shacabka..

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey Cilmi baaris laga sameeyey Kalsoonida Shacabka ay ku qabaan waxqabadka dawladda Soomaaliya.

Cilmi baaristaan ayaa diiradda waxaa lagu saaray Waxqabadka Hay’addaha kala duwan ee dawladda ee dhinacyadda arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, iyaddoo Natiijada Cilmi baarista lagu sheegay in tirada ugu badan ee dadka su’aalaha la weydiiyey ay qireen in  dawladda ay ku socoto Wadada Horumarka.

C/risaaq Maxamed Aadan  oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baaristaan sameysay ayaa sheegay in cilmi baarista laga sameeyey gobolada Soomaaliya, isaggoo xusay inay soo arruuriyeen aragtida 1,500 oo qof oo ay wax ka weydiiyeen arrimaha amniga,  dhaqaalaha dalka iyo kalsoonida Shacabka ay ku qabaan hay’addaha dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay inay so dhaweynayaan cilmi baaristaan, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay qireen in dawladda Soomaaliya ay jiho sax ah ay ku socoto.

Guddiga Garsoorka iyo Cadaaladda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada

Muqdisho (SNTV)- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Guddoomiyaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii Guddiga iyo Wasaaradda ay wada shaqeyn joogta ah u yeelan lahaayeen, taasi oo ah is xog wareysi ku saabsan tayeynta Cadaaladda iyo garsoorka Dalka.

Guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay howsha Wasaaradda iyo qorshayaasha hadda horyaala kuwa dhow iyo kuwa fog.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga uga mahadceliyay wada shaqeynta wasaaradda kala dhaxeysa, sidoo kalena Guddiga ayaa wasaaradda u ballan qaaday in wada shaqeyntooda ay joogto noqon doonto, si kor loogu qaado tayeynta Cadaaladda garsoorka Dalka.

 

Duqa Muqdisho oo xaqiijiyey in muddo Laba Bilood kadib lagu cayaari doono Stadium Muqdisho

0

Muqdisho, October 02 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh.

“Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”.

Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay Garoonka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye-xigeenka Howllaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo 100-ka qof ee shaqo abuurka loo sameeyey si ay nadaafadda Garoonka u dar-dargeliyaan.

Wasiirka Haweenka XFS oo saxiixday Qaraarka Qaramadda Midoobay ee Xaquuqda dadka Naafada ah

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin ayaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka maanta ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Soomaaliya ayaa noqoneysa Dalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah, iyaddoo Dawladda Soomaaliya u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Qorsheneysa inay diwaangaliso Xisbi Ummada u horseeda barwaaqo.

0

Muqdisho October 2 (SNTV):-

Dowlada Federaalka ee soomaaliya ayaa Qorsheyneysa inay diwaangaliso xisbiga talada kaaso ay rajeyneyso inuu wadanka u horseeda horumar iyo barwaaqo.

Ra’isalwasaare kuxigeenka Xukuumada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa maanta ka gudoomay guddiga madax bannaan ee doorashooyinka qaranka habraaca xibiyada siyaasada iyo shuruudaha rasmiga ah ee ku aasaasmaan xisbiyada.

Mudane Mahdi Maxamed guueed Khadar oo kula hadlay warbaahinta qaranka xarunta guddiga ayaaa sheegay in ujeedkiisu uu yahay inuu soo qaato Dukumiintiyada iyo habraaca xisbiyada isagoo matalaya xukuumada federaalka ah ee soomaaliya.
Guddiga Madax bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxay diwaabgaliyeen 22 xisbi siyaasadeed oo KMG, iyadoo la qorsheynayo in la baahiyo nidaamka Axsaabta faraha badan ee jamhuuriyada Soomaaliya.

Xisbigu waa hay”ad guud oo ka yimaado xubno ka tirsan muwaadiniinta, waxaana looga baxaa nidaamka qabyaaladda, wuxuuna u ololeeyaa kuguuleysiga doorashooyinka parlamaaniga ah iyo madaxtinimada.

Xaaska Madaxweynaha Mareykanka oo Socdaal kumareysa Qaar kamid ah wadamada Africa

0

Muqdisho October 2 (SNTV):- Safarkeeda kuma wehliya ninkeeda, laakin hooskiisa ayaa la socda, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.


Mrs. Melania ayaa tagi doonta waddamada Ghana, Malawi, Kenya iyo Masar, iyadoo dib ugu laaban doonta Washington October 7, waa safarkeedii ugu horreeyey ee caalami ah oo Afrika ku timaado.


Dooddo iyo hadal heyn badan ayaa hareeyey safarkeeda Afrika haweeneydan 48-jirka ah,


Waxaa kaloo la lee yahay waxaa ka caansan marka laga hadlayo Afrika Michelle Obama xaaska madaxweynihii horre ee Mareykanka oo dhowr jeer safar ku imaatay Qaaradan Afrika.


Diyaarad ay lee dahay dowladda Mareykanka ayey ku safreysaa Melania, taasoo galabnimadii Isniintii u soo qaaday Afrika.


Waxaa la sheegayaa in safarkeeda iyo meelaha ay booqanayso la jadwaleeyey, waxaana ku baxaya kharash badan, waxaa la socda diblomaasiyiin iyo dad ku xeel dheer dhaqamada iyo taarikda waddamada ay booqaneyso.


Sidoo kale, saraakiil gaar ah ayaa loo xil saaray ammaanka haweeneydan kuwaasoo la socon doona meelaha ay booqanaeyso sida iskuulada iyo isbitaalada carruurta, halkaasoo ay rabto in ay ka soo qaadato dhaqanka gobalka.


Hadal ay toddobaadkii horre ka sheetay magaalada New York, ayaa Mrs Trump ku sheegtay in ay jeceshay quruxda Afrika iyo dadkeedaba, iyadoo hadalkeeda intaas ku dartay in ay sii wadi doonto taageerada carruurta gaar ahaan in ay ka taageerto fayoqabka meelaha ay ku nool yihiin.


Mrs. Trump ayaa sheegtay in ay diiradda saari doonta daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana ku wehliya safarkeeda saraakiil ka socda hey’adda kaalmada Mareykanka ee USAID si ay u arkaan barnaamijyada ay ka shaqeynayaan sidii ay u taageeri lahaayeen waddan kasta.


Stephanie Grisham, Agaasimaha isgaarsiinta Mrs Trump, ayaa u sheegay CNN in safarka Manilia uuu ugu muhiimsan uu yahay booqashadeeda diblomaasiyadeed iyo mid bini’aadanimo.

Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Sagaal Maleeshiyo oo Argagaxisada Al shabaab ka tirsan

0

Muqdisho October 2 (SNTV):-War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday Meleeshiyaadka Alshabaab,ka dib markii ay Al shabaab weerar ku qaadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka.

Weerarkan xagga cirka ah ayaa laga fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana lagu dilay 9-Maleeshiyo ka tirsan Al shabaab.

Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah,uuna ku kooban yahay Argagixisadda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarad lagu bartilmaameed-sanayso maleeshiyada iyo horjoogayaasha Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay argagixisada Alshabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Wasaaradda waxbarashada oo Buugaagta Manhajka cusub u qeybisay Iskuullada Dowladda

0

Muqdisho October 2 (SNTV):-Wasiirka xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta saree ee xukuumadda Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed ayaa Maanta iskuullada Dowladda u qeybiyay Buugaagta Manhajka ee dhawaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Iskuulladan oo ku yaalla Gobolka Banaadir islamarkaana ah Dugsiyadii dhawaan Dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada, isagoo Ardayda u qeybiyay Buugaagta cusub.

Agaasimaha waaxda Dugsiyada wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Muuse Maxamed Carraale, ayaa bogaadiyay Manhajka waxbarashada Dalka isagoo kula dardaarmay Waaliddiinta in ay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka Caruurtooda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Mudane Feysal Cumar Guuleed, ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegtay Dowladda intooda badan loo qeybiyay Manhajkan cusub.

“Maanta waxaan nasiib u yeeshay in iskuulladii dhawaanay la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare inaan u qeybiyo Buugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenku.

Mudane, Feysal ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashadu ay la soo wareegi doonto dhammaan iskuullada ay leedahay Dowladda, islamarkaana loo dhameystirayo Manhajka waxbarshada Dalka.

“ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Maanta ay leeyihiin Manhaj mideysan oo wax lagu barayo Ardayda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane, Feysal Cumar Guuleed.

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay la soo wareegto 24 Iskuul oo ku yaalla Gobolka Banaadir.