Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Tamarta Iyo Haweenka

Date:

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta kormeeray wasaaradaha warfaafinta, tamarta iyo Haweenka si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu ay la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku sedaxda wasaaradood oo ka wada tirsan guddi hoosaadka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in qorshaha booqashadu ay ahayd xoojinta dadaallada lagu xaqiijinaho fulinta ballan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa loo xil saaray daba galka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Wasiirrada Soomaaliya ayaa horraantii sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhammaan shaqooyinka dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...