Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Kormeeray Wasaaradaha Kalluumaysiga, Ganacsiga, Xannaanada xoolaha iyo Beeraha

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta booqday wasaaradaha kalluumaysiga, ganacsiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha, si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu ay la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku ku tegay afarta wasaaradood ayaa sheegay in u jeedka booqashadu ay ahayd qaabkii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinaho qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in dhammaan wasaaradaha ay maanta booqdeen ay ballan qaadeen in ay sidda qorshuhu ahaa u fulin doonaan ballan qaadyadii ay sameeyeen, si looga dhabeeyo hir-gelinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u xil saaray daba galka hannaanka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishii Janaayo ee sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...