Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan xog-waraysi ah la qaatay Ganacsatada Dalka

Date:

Axad, Feberaayo 03, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.

“Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, si taa looga dhabeeyana dawladdu waxa ay horay u qaaday tallaabooyin muhiim u ah oo ay kamid tahay dar-dar gelinta shaqooyinka Tubta horumarinta dhaqaalaha.

Himilooyinka Tubta Horumarinta dhaqaalaha hal-beegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda qorshaha dayn cafinta taas oo fudayn karta kobac dhaqaale oo ballaaran iyo maal-gashi shisheeye, oo ay ka abuurmayaan fursado shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...