Home Blog Page 1120

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha XDS oo tababar u xiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa maanta tababar u xiray Ciidan isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno oo Muddo hal sano ah tababar ku qaatay gudaha Dugsiga tababarka Turkisom ee magaaladda Muqdisho, waxaana maanta loo dhaariyay Ciidankaasi kamid noqoshada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya, Wakiilo ka socday Ciidanka Xoogga Turkiga, Saraakiil iyo Madax ka socday Wadamada Caalamka iyo qaar kamid ah Ehelada Ciidanka maanta tababarka loo  xiray, si ay ula qeybsadaan Farxadda.

Ciidankaan ayaa muddadii tababarka uu u socday waxaa la baray Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Sharciyadda Ciidanka Xoogga dalka, Habka dagaalka oo Baraatiko ay la socoto iyo Xogta Milatariga, si kor loogu qaado Xirfadooda.

Taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom S/guuto Cumar Faaruuq ayaa sheegay in saraakiishaan maanta la dhaariyey ay isugu jiraan Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, waxaana uu xusay ay qaateen tababaro kala duwan oo heer sare ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Saraakiisha cusub ee tababarka loo xiray, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu dhismayo, isla markaasna hadda uu ku jiro ciribtirka Maleeyshiyada Kooxda arxanka darran ee Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.

Dhinaca kale Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhawaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno.


 

Wasiirka Howlaha Guud oo Golaha Shacabka ka hor akhriyey naqshadeynta Magaalooyinka

Muqdisho (SNTV) Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul

Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan C/fitaax Geeseey ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhulka oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay, iyadoo qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka hindisa sharciyeedkan, waxaana la soo gaba-gabeeyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hindise  loo gudbin doono gudiga uu quseeyo si uu ula kaashado Wasaarada howlaha guud.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeelanaya Hindise Sharciyeedka Nashqadeynta magaalooyinka

0

Muqdisho (SNTV):-Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa maanta la sheegay in Ajendaha horyaala uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Nashqadeynta magaalooyinka, kaas oo xiligaan dalka muhiim u ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmhii la soo dhaafay dood ka yeeshay dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Kulan looga hadlay xoojinta Nabadgelyada Caasimadda oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Taliyeyaasha ciidanka booliska iyo Guddiga abaabulka wacyigelinta Qaran, kaasi oo looga hadlay xoojinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay 3,000 saddex kun oo askari, kuwaasi oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan Nabadgelyada Degmooyinka, isla markaana lagu soo kordhiyay Degmooyinka, si ay u xaqiijiyaan amniga caasimadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka  Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in wadashaqeyn la’aanta ay tahay tan ugu badan ee dhibaatada ka soo gaarto shacabka, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in markale ay dhacdo wada shaqeyn la’aan dhex marta Maamulada degmooyinka iyo taliyeesha saldhigyada booliska.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng, Yariisow) ayaa kula dar daarmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska inay xoojiyaan la shaqeynta Guddoomiyeyaasha Waaxyaha ilaa iyo heer tabeelle ee Degmooyinka, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.

Wasiirka Amniga ee Xumuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in mas’uul kasto lagula xisaabta tami doona shaqadiisa ee dhanka ammaanka magaalada, isla markaana aan cidna lagala gorgortami doonin sugidda Nabadgelyada.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka digay in la dhisto dhulka ciidanka

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo ka hadlayey Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay qabaan walaac ku aaddan in ay socdaan isku dayo lagu boobayo dhulalka deegaanka u ah ciidanka ee ku yaalo qaar ka mid ah Gobollada dalka, waxa uu ka digay arrintaas, hasa yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in sannadka soo socda ee 2019-ka qorshaha uu ugu jiro in ay dhisaan 6 Xero ciidan oo si wanaagsan loo diyaariyey.

Tababarrada ciidanka Xoogga dalka ayaa loo sameeyey hal Manhaj oo mideeyey tababarrada ay waddamada saaxiibada ah ka caawiyaan ciidanka Malateriga Soomaaliya, taasi oo fursad weyn u ah dib u dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Si Nabad iyo horumar weyn loo gaaro  waa in xasillooni ay helaan dadka  iyo deegaanka Soomaaliyeed, taasina ay gacanta ugu jirto sida ay shacabka uga go’an tahay in ay si ficil ah uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Xoogga Dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe).

kulanka todobaadka

0

Muqdisho (SNTV)- Waa mid kamid ah barnaamijyada aad  ka daawataan SNTV, sidoo kale aad ka dhageystaaan Radio Muqdisho.

waxaa si gaar ah  loogu faaqidaa todobaakaas waxa ugu weyna, waxaana marti ku ahaa maalintan Taliyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Haddaba halkan hoose guji ku riix si’aad u hesho arrima badan oo dheeraad ah

Sama wade

0

Muqdisho (SNTV)- Waa  mid kami dah barnaamijyada ka  baxa telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaraa dhibaatooyinka argagixisada ku hayaa shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa si  gaar ah barnaamijkan diiradda loogu saaray isxilqaanka shacabka ku dhaqan qeyba kamid ah gobalka Shabeelaha Dhexe ay sameeyeen kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen Maleeshiyada Alshabaab.

Haddaba halkan  hoose ayaad ka daawan kartaa xog intaas ka badan

Taakuleynta Ciidamada

0

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Boliiska oo  dib u dayactir ku sameeyay xaruma lagu xanaaneeyo caruurta agoonta Boliiska.

Arrintaas ayaad timid kadib markii ay isxilqaameen ciidamada oo mushaaraadkooda ay ku tabaruceen sidii ay u heli lahaayeen  caruurta walaalahood ay ka geeriyoodeen daryeel.

Arrima kale oo dheeraad ah ayaad Muuqaalkan hoose ka ogaan kartaa.

 

Jubbaland oo taliye KMG ah u magacawday hawlgalka ka socda Jubbada Hoose  

Muqdisho (SNTV)- Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in isbedel lagu sameeyay saraakiisha horkaceysa hawlgalka ka dhanka ah  maleeshiyada  Al Shabaab ee ka socda gobolka Jubbada Hoose.

General Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal ayaa wuxuu sheegay in isbedel lagu sameeyay saraakiisha ciidanka, islamarkaana uu qorshaha yahay sidii Shabaab looga saari lahaa degmada Jamaame oo ay kaabiga ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay Korneel Macalin Nuur in si KMG ah uu uga hawgali doono degaanada gobolka Jubbada Hoose ee ay ku sugan yihiin ururka Al Shabaab ee qorshaha uu yahay in maleeshiyada  laga saaro.

Dhinaca kale taliyaha cusub ee la magacaabay Korneel Macalin Nuur ayaa wuxuu sheegay inay laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, wuxuuna shacabka ka dalbady in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay murashax-nimada Mukhtaar Rooboow

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojisay inuu xilka Madaxtinimo ee maamul Goboleedka Koofur galbeed isu soo sharraxo, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur), markii uu Shalay ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweyne-nimo ee K/G Soomaaliya.

Qaoraalka ay Murashaxnimada Sheekh Rooboow kasoo saartay Wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa waxa uu u qornaa sidan:-

Sheekh, Mukhtaar Roobow Cali, oo ka tirsanaa Saraakiisha ugu sarreysa ee Al-Shabaab ayaa Dowladda Soomaaliya isu soo dhiibay Bishii August ee Sanaddii 2017-kii, markii uu sheegay inuu ka tanasulay fekerkii hore ee Argagixisanimada ku dhisnaa.