Home Blog Page 1120

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan.

Hannaanka dib-u-heshisiinta Qaranka oo qabyo ah, marka lasoo gebegebeeyana la lor gaynayo golaha wasiirrada ayaa muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah la jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin, baahina loo qabo soo kabsasho degdeg ah oo dhan walbo ah iyo isdhexgal bulsho oo damaanad qaadaya isu socod, is aaminaad iyo is ixtiraam.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulaysto himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan.

Kulanka maanta ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadkaan 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno.

Banbax-howleed wadajir ah oo u dhaxeeya Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo furmay

Muqdisho (SNTV) Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Banbax-howleed u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kaasoo socon doona muddo afar maalin ah.

Inta uu socdo shirkan banbax-howleedka ayaa waxay seddexda hay’ad uga arinsan doonaan waxqabadkooda iyo horumarka ay ka sameeyeen dib-u-eegista Dastuurka iyagoo ka doodi doona qorshaha loo bahanyahay in la diyaariyo ee ku saabsan howlaha la qaban doono sanadkan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimada banbax-howleeedka.

“Shirkan waa mid muhiim u ah shaqooyinka seddexdan hay’ad, inta uu socdo shirkan seddex geesoodka ah waxaan uga arinsan doonnaa sidii aan howlaha soo socda u wajihi lahayn oo ay ugu horeeyso kulamada la-tashiyada dadweynaha Guddiyada iyo Wasaaradda ay u tagi doonaan Dowlad Goboledyada. Guddiga Madaxabanaan wuxuu soo bandhigi doonoo howlihii uu qabtay iyo caqabadihii ka horyimid” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Sen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay guddi ahaan sida ay shirka u arkaan.

“Shirkan waa mid aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qaybgalno waxaana rajeynayaa in wax wanaagsan ay ka soo baxaan inaga oo diiradda saareyna sida aan u qabaneyno howlaha ina horyaalla, waxaa naga go’an inagoo gacmaha is heysana inaan wadasahqeyno si aan u wada guuleysano” ayuu yiri Gudoomiye Sen Abdiqaybdiid.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo muhiimadda shirka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta shirka wada qabsanay, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkan soo gaarnay anagoo maanta ka arinsaneyna waxqabadkeena, waxaana heerkan ku soo gaarnay isku tanaasul iyo wadashqeyn dhexdeena ah. Maanta meesha aan taagannahay waa inaan soo dhameeystirnay tobonkii cutub ee ugu adkaa Dastuurka, inta hartay ee arrimaha siyaasadda quseeya waxaan rajeyneynaa in dhowaan soo dhamaadaan, shirkan waa mid noo iftiiminaya wadada aan qaadeyno si aan sanadkan guul taariikhi ah u gaarno” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Ugu dambayn, seddexda hay’adood ayaa u saaray Guddi-farsamo inay soo diyaariyaan qorshaha wadajirka ah ee hay’adaha ee sanadkan iyo xal ka gaarista caqabadaha jira.

Wasiir Beyle oo maanta la kulmay safiirka Britain ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu danbeeyay ee xafiiska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda,wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya

“Waxaan maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda,  waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah ka furay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa daahfuray Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan waxqabadka iyo Istaaratiijiyada Hay”adda Caalamiga ee WorId Vision ee Soomaliya  2019 2020.

Kulankan waxaa ku sugnaa  Wasiirada Dowladd gobaleedyada qaar,Wasaaradaha Dowladda dhexe iyo madax ka Socotay Dowladd Gobaleedyada.

Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay”adan WorldVision sida ay ugu Jawaabtay go,aankii Dowladda, xafiis Waynna ay ka furatay Soomaaliya kana shaqo bilowday.

Dhinaca kale, Wasiirka Jamaal ayaa tilmaayay in Istaaraatiijiyada Hay”ada 2019 2020 in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaaliyeed oo ay ku cad yahiin Baahiyaha wax ka qabashada u baahan ee Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Asad Yuusuf Afrax ayaa sharaxay Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo hada socda wadatashigiisa wareegga Kowaad kaas oo la diyaarinayo sanadkan.

Agaasimaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Soomaaliya ay  u baahan tahay in wax laga qabto iyada_oo lagu shaqeenayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Qorshaha Dib u kabashada Abaaraha RRF.

Jaaliyadda Puntland ee Ohio oo Taageeray Maamulka Cusub ee Madaxweyne Deni

0

Columbus (SNTV):- Xaflad si weyn loo soo abaabulay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareynkanka.

Xafladan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Puntland ohio waxaa lagu taageerayay isbadalka Maamulka Puntland iyo doorashadii dhawaan ka dhacday halkaasi.

Mudadii ay xafladu socotay qadka Teleefonka waxaa uga soo qeyb qalay madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdilahi Dani oo qurba joogta Puntalnd ku ammaanay doorkooda dhaqaale iyo siyaasadeed oo sida uu sheegay aan la xaqiri karin,

Waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed gobol walba oo ay ka soo jeedaan in laga qeyb qaato sidii Soomaaliya markale u noqon lahayd dowlad xooggan iyo in lala shaqeeyo maamulada dalka ka jira iyada oo la siinayo talooyin wax ku ool ah.

Mas”uuliyiintii ka hadlay xaflada oo aad u badnaa ayaa diirada saaray sida loogu baahan yahay in la taageero isbadal walba oo dalka horumar u horseedi kara,isla markaana laga shaqeeyo sidii is faham iyo is dhexgal bulsho loogu samayn lahaa shacabka Goboladda.

Madaxweyne Dani ayay ku ammaaneen doorkiisa bilowgaa ee dhex dhexaadinta Madaxda dowladda iyo maamulada dalka ka jira, iyaga oo ku booriyay in uu ku sii dhiirado taabo galinta howlaha Nabadda.

Waxaa xaflada dhankooda qeyb ka ahaa Fanaaniin Soomaaliyeed oo dadka madadaalinayay iyo dhalinyaro soo bandhigtay ciyaaraha dhaqanka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada,

Wasiirka waxbarashada  waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya  Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.

“Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.”

“Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah  xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw  labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada

Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz wuxuu  ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.

DowladdaTurkiga  waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay  dib u soo kabashada  dalka, waxaan u uga mahad celinayaa  danjiraha  dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dhagax-dhigay Dhismaha Xarunta Degmada Hodan

0

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Hodan oo loo dhisayo qaab casri ah, taasoo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Sebtembar ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha degmada Hodane Cabdixakiin Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-dhismaha xarunta Degmada, isagoo ka sheekeeyey dhibaatadii dhacday bishii Sebtemar 2018, taasoo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka, Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Hodan.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntii adeegga, wuxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu awooddiisa galinayo in Hodan ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan dib-u-dhiska.

Guddoomiye Xuseen ayaa ka codsaday bulshada degmada Hodan in lala shaqeeyo maamulka iyo kan gobolka Banaadir, islamarkaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda.

“Xarunta degmada Hodan ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankeena, waana in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dib-u-dhac lana doonaya, maamulka gobolka Banaadir na wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmadiina iyo sidii dib loogu soo celin lahaa kaalinteedii”.ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah.

Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa maanta soo xiray tababarka xoojinta isku xirka howlaha taliska guud iyo saraakiisha qeybaha Ciidanka Xoogga dalka,kaasi oo mudo saddex cisho ah Muqdisho ka socday.

Mudada uu tababarkan socday ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin furista waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo sidii loo tayeyn lahaa Ciidanka Xoogga dalka,waxaana kulanka lagu sheegay in sanadkan kun askari oo ka tirsan Ciimada AMISOMA la dhimayo.

Munaasabada soo xiritaanka tababarka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Gaashaandhiga dalka,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka,Abaanduulah iyo saraakiil ka kala socotay AMISOM iyo Turkiga.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmo Indho-Qarshe ayaa sheegay iney xoogga saari doonaan sanadkan furista dhammaan waddooyinka isku xira gobolada dalka si loo hagaajiyo isku socodka Bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Cali xagaa ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in koox yar oo sidata fikir guracan ay dhibaato u geysato Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Difaaca dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in kulankan uu daahfur u yahay nuuca shaqo sanadkan ee taliska iyo qeybaha ciidanka Xoogga dalka si loo dardar geliyo howlaha ciidanka Qaranka dalka.

Madaxwayne Farmaajo oo Guddoomiyay Shirka Tubta Amniga Iyo Caddaaladda.

0
Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hay”adaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhammaystirayaan sannadkaan 2019.
Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda.

Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya H.E. Donald Y.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiir H.E. Donald Y. Yamamoto,ay ka wada hadleen arimo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha Dalkeena,wuxuuna  intaasi raaciyay in Mareynkana uu muhiim u yahay dib-u-habeynta Maaliyadda sidoo kalena uu yahay saaxiibka Soomaaliya

“Waxaan la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya H.E. Donald Y. Yamamoto oo aan ka wada hadalney arimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Dalkeenna. USA waxa uu muhiim u yahay dib-u-habeynta Maaliyadda sidoo kale waa saaxiibka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.