Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin Jian.”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo Dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed waxtar weyn u leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...