Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah oo howlgal ku dilay 13-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xero maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay 13-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab,xerada la weeraray ayaa lagu diyaarinayay dhagar ka dhan Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa ka hortagay dhagarta Al-Shabaab,islamarkaana baabi’iyay saldhigii Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda gabalkooda uu sii dhacayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...