Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa maanta booqday xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybka uu ka koobanyahay xabsigaan oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka si iyana loo gaarsiiyo heerka xabsiyada caalamiga ah, waxa uuna u mahadceliyay dhammaan hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dhismaha xabsiga.

Halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada ayaa waxaa kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalku in ay guul wayn tahay in halbeeg kamid ah halbeegyadii muhiimka ahaa uu maanta fulay.

Xabsiga Guud oo loo qorsheeyay in lagu yareeyo culayska ka jiray xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa si rasmi ah u shaqo billaabaya February 22, 2019.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools...

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...