Home Blog Page 1109

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada London

0

London-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Dr, Bayle ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka dhinaca maamulka maaliyadda ah ee ay samaysay Dawladda Soomaaliya, waxaana uu kula dardaarmay inay ka qaybqaataan dib u soo kabashada Dalka.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Dalka Ingiriiska waxa uu Khubado ka jeediyey jaamacadda Oxford iyo Machadka Chatem House ee Magaalada London, isagoo ka war-bixiyay horumarinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka iyo guulihii laga gaaray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadam Dagaal, ayuu wasiirku sheegay in Marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, Ummadaha Carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Wasiirka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Safaaradda, Siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Mudane Lataliye / Abdirahim Tajuddin Alzain.

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo la horgeeyay hindise sharciyeedka Ganacsiga

0

Jowhar (SNTV);- Shirka Golaha WWasiirada Maamulka Hirshabelle oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, (20/10/2018)  lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xiriira dhinaca amniga, dhaqaalaha,wax soo saarka, Dib u dhiska iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyo hirgelinta mashriicda Horumarineed ee hadda diyaarka ah.

Goluhu waxa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Hirshabeelle oo ku dheeraaday dhinaca amniga oo la isla gartay in la dar dargaliyo dhismaha ciidmada Hirshabelle oo la qorsheeyay dabayaaqada bishan in Hirshabelle loo tababaro Ciidamo Booliis ah oo ay Hirshabelle yeelato, sidoo kale iyana la taageero dadka isku xilqaamay la dagaalanka argagaxisada, kuwaasi oo ilaa 2000-ciidan ahaan loo qarameyn doono sida uu sheegay Wasiirka amniga Gudaha Maamulka Hirshabelle Mudane C/qaadir jeelle.

Iyadoo laga duulayo qorshaha Horumarinta iyo Dib u Dhiska Hirshabelle waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Horumarinta Beeraha, iyo dhismaha Waddooyinka.

Sidoo Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle wuxuu soo dhoweeyay mideynta Canshuurta Hirshabelle oo ay Wasaaradda Maaliyadda Hirgalisay,waxaana nidaamkaasi lagu ammaanay Wasaaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo ay ku dooneyso horumarinta Dhaqaalaha.

Ugu danbayn Golaha Wasiirada waxa la horgeeyay Hindise sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, iyadoo loo qeybiyay Wasiirada Hindise sharciyeedkaasi shirarka soo socdana looga doodi doono.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray fariisimo ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka Kismaayo

0

Muqdisho (SNTV);- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ku yaalo deegaanada Baarsanguuni,Buulagaduud iyo deegaanka Jammaame oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa ku dhiira geliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab,isagoona ku ammaanay siday ay u wiiqeen awooda maleeshiyada Al-Shabaab.

“ Aad iyo aad waxaan idin kugu dhiira gelineynaa inaad iska dhicisaan nimankaasi,anaguna waxaan balan qaaddeynaa inaan idin ku taakuleyno sidii la isaga dhicin lahaa ama aqoon ha noqoto ama qalab ama wax walba oo aad Dowladda uga baahan tihiin,idinkana waajibaadkiina sidaasi oo kale baan idin ka rabnaa inaad u gudataan,aad baad u mahadsan tihiin waxaan isku ognahay guul iyo gobanimo,” ayuu yiri Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Jubbaland iney soo diraan ragga ugu wanaagsan ee ugu geesinimada badan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland si tababar heerkiisu sareeyo loogu siiyo Xerada tababarka Turk-som ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa kormeeray fariisimo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland kaga sugan yihiin deegaanka Baarsanguuni iyo Buulagaduud oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose,wuxuuna ciidamada kula dardaarmay iney laba jibaaraan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argixisada.

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka sareeye Gaas Indho Qarshe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in sanadka soo socda Maleeshiyada Al-Shabaab laga xoreeyo dalka oo dhan la iskuna furo waddooyinka muhiimka ah ee Gobollada dalka sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo iyo waliba in la furo wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho (SNTV);- Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga Degmada Afgooye.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Al-Shabaab oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka sahanka ah, kaasi oo doonayay in uu bixiyo xogaha ciidamada.

“Maanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AS, tabinayayna xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi wax kuma noqon. Qabashadan waxay qayb ka tahay nabad kusoo dabaalida caasimadda,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya howlaha sugida amniga iyo waliba dabinada loo dhigayo dhaqar-qabayaasha maleeshiyada Al-Shabaab ee doonaya iney bulshada dhibaateeyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS oo la kulmay Saraakiil ka tirsan AMISOM

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Cukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM, iyo xubno ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

Saraakiisha uu la kulmay wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah  Johnson oo ka tirsan Booliska AMISOM iyo Yoonis Nuur oo ka socda gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga hadlay  siddii wada jir la iskaga kaashan lahaa  wacyi gelin loo sameeyo ardeyda wax ka barta iskuullada gobolka Banaadir islamarkana laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee dhaliya rabshadaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in xubnahan ka socday saraakiisha booliska AMISOM iyo gobolka Banaadir isku afgarteen qodobada ay ka wada hadleen.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay saraakiil ka tirsan booliska AMISOM oo uu ka mid yahay Johnson iyo Yoonsi Nuur oo ka socday maamulka gobolka Banaadir, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii iskaashi looga sameyn lahaa  sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa ardeyda taasoo ku saabsan in laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee ka dhalata rabshadaha, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta siddii loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka iyadoo Wasiirka Waxbarashada Cabdulahi Goodax Barre uu maalintii shalay ku dhawaaqay in la dhisi doono guddiga tacliinta sare ee dalka, si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada jaamacadaha dalka, loona ogaado tayadooda.

Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Maaliyada iyo dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaarada ahna ku-simaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli uruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka Wasiirradda Xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.

 

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo furay Shirka Xirfadleyda Teknoojiyada

0

 Muqdisho (SNTV);- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md Cabdi Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u furay shirka xirfadleyda teknolojiyada ee Soomaaliya Network Operators Group (SomNOG), kaas oo isku keenay khubarada internetka, shirkadaha ka ganacsada internetka, bahda waxbarashada iyo dadka daneeya arrimaha internetka Soomaaliya.

Shirkan oo hal-hayskiisu yahay “Sida internetku u xoojiyo dhaqaalaha dalka,” ayaa imanaya maalin kadib markii SomNOG ay soo xirtay aqoon-isweydaarsi socday afar maalmood oo loo qabtay xirfadleyda internetka ee dalka, waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin sida loo dhisi karo Xarunta Isku-xirka Internetka (IXP), Hirgelinta IPV6, sida ay shirkaduhu u wadaagi karaan qalabka isgaarsiinta, iyo shuruucda internetka iyo maamulkiisa.

Guddoomiyaha SomNOG, Eng. Axmed Siyaad, ayaa sheegay in shirkan uu yahay madal sanadle ah oo la qabto xilligan oo kale, waxay ka kooban tahay siminaarro, shirar iyo kulamo ay isku bartaan bahda internetka Soomaaliya. Shirkan oo ah kii saddexaad ee la qabto, waxaa ka qeybgalaya illaa 150 xirfadley iyo aqoonyahan ka shaqeeyaha arrimaha isgaarsiinta iyo teknoolojitada.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegay in hay’addu ay taageereyso hawlaha SomNOG maadaama ay ka shaqeynayaan horumarinta aqoonta xirfadleyda maadaama isgaarsiinta iyo teknoolojiyada aan horumar laga gaari Karin haddii aan la dhisin aqoonta xirfadleyda.

“Warbixintii uu sanadkan soo saaray Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta (ITU), Soomaaliya waxay ka mid tahay 5ta dal ee ugu liita caalamka dhinaca helitaanka internetka. Waxaa nalaga doonayaa inaan ka wada shaqeyno sidii arrintaas aan wax uga qaban lahayn innaga oo wada jirna oo mudnaanteeda ay leedahayna siineyna,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.Maareeye Cabdi Sheekh.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay Buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta saxiixay buugga diiwaangelinta Tacsida  Madaxweynihii hore ee dalkaasi General C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) kaasi oo ka furan safaarada sudan ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) ayaa dhawaan ku geeriyooday Isbitaal Mileteri oo ku yaal magaalada Riyad ee Caasimaada Boqortooyada Sacudi Carabiya halkaasi lagu daweynayay, waxaana uu soo noqday madaxweynihii 5-aad ee soo mara dalkaasi Sudan sanadkii 1985 ilaa 1986.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga tacsiyay shacabka iyo dowladda Suudan geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab)

Safiirka Safaaradda Sudan ee Somaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa gudoomiyaha ka gudoomay dhambaalka tacsida, waxaana safaaradu ay sheegtay in buugaasi Tacsida marxuumka uu furan yahay maalmaha sabtida ,Axada iyo Isniinta saacadda 11 ka Subaxnimo ilaa 4 ta Galabnimo oo ka bilaabmaysa manta oo Sabti ah,  waxaana buugga diwaangelinta Tacsida uu yaallo Xarunta safaarada ee Muqdisho.

Dowladda Sudan ayaa  saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, iyadoo ka taageerto dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan dhismaha ciidamada, waxayna sanad walba waxbarasho bilaash ah siisaa boqolaal arday Soomaaliyeed ah.

Dib u dhis lagu sameynayo Masjidka Taariikhiga ah ee Suuqa Afleershe

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda  Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir, guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusamaan Yariisow iyo Safiirka Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u dhagax-dhigay Dib u dhis lagu sameynayo Masjidka Taariikhiga ah ee Suuqa Afleershe ee Degmada Boondheere.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadda dhagax-dhigga xildhibaanno iyo madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya oo hirgelinaysa mashruucan dib u dhiska masjidka.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda qadar Charaty oo maalgelinaysa dib u dhiska masjidkan waxuuna  shacabka ugu baaqey in ay baneeyeen dhulkaasi.

“Waxaa sharaf inoo ah in maant aaan halkan ka dhagax dhigno Masjidkii Suuqa Afleershe oo loo dhisi doono sida masaajidda casriga ah ee ka dhisan Khaliijka oo kale,marka waxaan u mahadcelinayaa Hay’adda Qadar charity,waa waxyaabo kheyr badan in la dhiso masjid,runtii Kaalmada ay inoo fidinayaan Qadar charity,anagana waxaa nalaka rabaa in aan ka qeyb qaadano dib u dhiskiisa,waana qeyb kamid ah bilic soo celinta”. Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Wasiiru dowlaha Owqaafta iyo arrimaha Diinta XFS C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xil gar ah iska saari doonto la socodka arrimaha la xiriira goobaha cibaadada si loo xoojiyo fidinta diinta Islaamka.

“Waxaan u mahadnaqayaa cidkasta oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha Masjidkan Hay’adda Qadar,iyo shacabka dhamaan iyo maamulka gobolka oo fududeynaya,waxaa ay ila tahay in aan maant isugu nimid camal aad u wanaagsan,anaga waxaan si dhow ula soconaaa goobaha cibaadada in dhulalkooda si shaqsi ahaan loo qaadanayo,marka arrimahaasi waa in la joojiyaa,wasaaradduna waxaa ay wadaa sidii dhulalkii masaajidda loo soo celin lahaa”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha

Masjidkan kuyaala Suuqa Afleershe Xaafadda Daljir degmada Boondheere ayaa la dhisay sanadka markuu ahaa 1932,iyadoo uu kamid yahay xarumaha danta guud oo sanadihii ugu dambeeyey burbursanaa.