Home Blog Page 1109

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka oo ku dhawaaqay qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019

0

Muqdisho, 21 Janaayo 2019: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.

Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac.

Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel.

“Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework)

Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul.

Shacabka degmada Xamar Jajab oo soo dhoweeyay dadaalada lagu soo celinayo bilicda degmadaasi

0

Muqdisho (SNTV):- Dadka ku nool Dagmada Xamarjabjab ee Gobolka Banaadir ayaa si weyn u soo dhaweeyay Qorshaha Cusub iyo dardarta ee uu layimid Guddoomiyaha cuusub ee degmadaasi Cismaaciil Mukhtaar Orange.

Guddoomiyaha Dagmada Xamar jabjab Cismaaciil Mukhtar Cumar oo maalinkii labaad ku howlan Olole nadaafadeed oo ka dhan ah nadaafad darida ka jirtay qeybo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara Dagmada.

Goobaha ugu daran ee uu Gudoomiyahae isbadalka adaafadeed ee la taaban karo ka sameeyay waxaa kamid ah Wadada dheer ee xiriirisa isgoyada Ceelgaabta iyo Afsiyooni halkaas oo ay ka jirtay cabasho xooggan oo bulshada ku nool iyo kuwa wadada maraba ay ku qabeen dhiiqo iyo wasaq isbiirsaday, islamarkaana sababtay in uu burbur xoog leh soo gaaro wadadii laamiga aheyd ee hore dib u dhiska loogu sameeyay.

Shacabka degmada Xamar Jajab ayaa tallaabo wanaagsan oo loo baahnaa ku tilmaamay dadaalada oo uu maamulka degmadaasi uu ku doonayo dib u soo celinta bilicda iyo sidii la isaga kaashan lahaa nadaafadarada ka jirta degmada.

Madaxweyne Lafta Gareen”Madaxda Qaranka iyo Dhaqanka K/Galbeed ayaan la kaashanayaa xalinta tabashooyinka jira”

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareeen ayaa tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo ee Maamulka koonfur Galbeed waxaa uu waday howlo dib u heshiisiineed ee uu ka sameynayay Deegaanada maamulka.

Madaxweynaha oo kaashanayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo sugan magaaladda Baydhabo ayaa maalmahanba waxay la kulmayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanada koonfur Galbeed iyagoo waxyaabaha ay ku guuleysteen ay ka mid yihiin in la sameeyo gudi ka socda Golaha odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed.

Guddiga odayaasha ka socda ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u faah faahiyay xaalada guud ee koonfur Galbeed iyo shaqaaqooyinkii Baydhabo ka dhacay doorashadii dhacday ka hor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan lagu soo Gaba-gabeynayo kulamadii socday ee dib u heshiisinta ahaa waxa uu la qaatay guud ahaan odayaasha dhaqanka ee deegaanada koonfur Galbeed,waxaana goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaashii Kulanka joogay oo sheegay in madaxweynaha ay kala shaqeyn doonaan xalinta wixii dhacay.

Mudane CabdiCasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ugu horeyn odayaasha u sheegay in wixii dhib ah ee Baydhabo ka dhacay doorashiidiisii ka hor uu aad uga xunyahay uuna maamulkiisa ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa wixii tabasho ah oo ay dadka deegaanadan qabaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Sidoo kale sheegay in isagoo kaashanaya Madaxda qaranka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed uu ka shaqeyn doono xalinta wixii cabasho ah oo ay qabaan bulshada ku nool deegaanada koonfur Galbeed.

Mudane Lafta gareen ayaa 16-kii bisha xafladiisa caleema saarka ka sheegay in howsha ugu horeysa ee uu maamulkiisa qaban doono ay noqon doonto dib u heshiisin waarta oo ka dhaqan gasha deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha oo la kulmay Ururada bulshada rayidka ee K/Galbeed

Baydhabo (SNTV) Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka oo qeyb muhiim ah ka matalaada shacabka deegaanada Koonfur Galbeed soomaaliya,waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ,Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’isulwasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ,Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shaabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu doonayay in ay Kaalintooda Nabadeynta ah Qaataan Bulshada Rayidka si loo sii dardar geliyo howlaha dib u heshiisiinta ah ee Maalmahanba uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ah u Joogo magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa talooyin Ku saabsan qaabka loo Gaarsiin karo Bulshada Rayidka Howlaha Dib u heshiisiinta iyo sida Looga Gudbi Karo Caqabadaha Hortaagan Hormarka Bushada Koonfur-galbeed,waxay la wadaageen Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo Kale Waxay Soo jeediyeen In Dhankooda Ay Qeyb Ka ahaadaan Ayna Ka Codsanaayaan In ay Qeyb Ka Ahaadaan Gudiyadda Ku Howlan Dib U Heshiisiinta Maadaama Ay Jiraan Shaqsiyaad Si Wanaagsan uga soo qeyb Qaatay Dib U Heshiisiino Badan oo Lagu Qabtay degaanada Maamulka Koonfur-galbeed,

Dhageysiga Soo Jeedimaha Ay Soo Gudbiyeen Ka dib Ayuu Gudoomiyahu Ka Hadlay Sida Ay Lagama Maarmaanka U Tahay In Ay Doorkooda Qaataan Bulshada Rayidka Maadaama Ay U dhexeeyaan Shacabka Iyo Madaxda Ama ay U Hadlaan Shacabka.

“Waxaan Aaminsanahay in aad tihiin Dadka Ugu Muhiimsan Oo Loo Baahanyahay In Ay Howlaha Dib U heshiisiinta ah Ka Qeyb Qaataan, Waad Ogtihiin Deegaanadan waxay u baahanyihiin Hormar dhinac walba ah Iyo sidii Bulshada Ay Iskugu Duubnaan Lahaayeen Waa Meesha Kaliya Oo aan Dadka kala Hadli Karno”Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Ayaa Intaasi ku daray in Ururada bulshada rayidka ay ku garab taaganyihiin wax walba oo ay u baahanyihiin si loo Xaliya Dhibaatooyinka Bulshada Dhexdeeda Haysta.

“Waxaan u baahanahay Bulshadaan Inay Hormarkooda ayaga Ay Ka Tashadaan Sidoo Kalena Ay Garab istaagaan Dawladooda “Ayuu Hadalkiisa Ku Soo Gaba gabeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dhaqan gelinta shuruucda Gaadiidka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa ka tashiga sidii la isaga kaashan lahaa dhaqan gelinta shuruucda Gaadiidka dalka ayna ka qeyb galeen Wasiirada Gaadiidka,Dekadda iyo Badda iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda,Saraakiil uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka kala socday Gaadiidleyda iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada,islamarkaana loo baahan yahay iney dhaqan geliyaan,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in kulanka maanta ay ugu magac dareen “Wada-tashi,”.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dhaqan gelinta shuruucda gaadiidka dalka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Sheikh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in dhaqan gelinta shuruucdani kaalin muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirada Gaadiidka, Dekadda iyo Badda iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dhaqan gelinta sharcigan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Beyruut kaga qeyb galay shirka madaxeedka carbeed ee dhaqaalaha

0

Lubnaan (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad , isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu ka qeybgalay maanta Shir madaxeedka carbeed ee afaraad ee horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada ee ay martigelinayso dowladda aanu walaalaha nahay ee Lubnaan.

Shir madaxeedka carbeed oo saaka ka furmay Magaalada Beyruut – sida ku xusan jadwal shaqeedka looga dooday kulankii gogol xaarka ee wasiirrada- ayaa waxaa looga hadlayaa 29 qodob oo ah waxyaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal maanta ay ka sameeyeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku soo qabtay saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,sida uu sheegay  Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xooga dalka oo ka hawgala deegaanadaasi Daahir Cali Mahame.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkaan gacanta ay ku soo dhigeen ay ahaayeen kuwo shacabka ku dhibaateynayay wadooyinka,islamarkaasina ay ahaayeen madax jabis.

Guud ahaan gobolada dalka waxaa ka socda howgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo dib looga xureynaya deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin.

Ciidamada xooga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa wada dadaalo ay uga hortagayaan boobka askareynta ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku haayaan carruurta dhigata dugsiydaa baadiyaha ah iyo kuwa xoolaha raaca.

Wariyeyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn Diyaaradeed

Muqdisho (SNTV)-Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burbiriyey Xaruntii Idaacadda Maleeshiyaadka Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Duqeynta ayaa khasaaro lixaad leh gaar siisay Wariyeyaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas xiliga duqeyntu dhacday ku sugnaa xarunta.

Saraakiil ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in duqeyn lala beegsaday Idaacadda Al-Andulus oo ah idaacad ku hadasha Afka Al-Shabaab, iyadoo halkaas lagu dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyo.

Balse Warar hoose Warbaahinta Qaranka heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 kamid ah Wariyaal isku sheega Al Shabaab halkaas lagu dilay sidoo kalena lagu buriyey Xarunta Idaaacadda.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in Duqeynta kadib haalkaas dusha kaga soo dageen kumaaandoos katirsan Malatiriga Soomaaliya kuwaas oo goobta ka sameeyey howlgal kaatay muddo saacad ah.

Maleeshiyaadka Idaacada Al Shabaab ka hadlayey ee ladilay waxaa kamid ah Feysal Yare, Maxamed Aadan, Cabdikariim  iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobolka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.

Idaacadan ayaa ka shaqeyneysay in Urururka Al Shabaab u adeegsadaan inay dadka ugu gudbiyaan Ficilada foosha xun oo ay sameeyaan, iyadoo sidoo kale muddo haatan laga joogo 4 Bilood duqeyn loo geystay ay sababtay inay muddo hawada ka maqnaanto.

Idaacadan ayaa waxaa ay hadba sidhuumaaleysi ah ugu shaqeyn jirtay Deeganada ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Shalay ayay  Saraakiisha Militariga Soomaaliya sheegeen in duqeyn ka dhacday Magaalada Bu’aale ay ku dileen afar Wariye oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in mar sii horaysay dagaal ka dhacay isla magaalada Bu’aale oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Isku haysta baa’binta Shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab iyo Daacish uu ku dhaawacmay mid ka mid ah xubnaha sar sare ee idaacadda Andulos.

12-bilood ee la soo dhaafay waxay ahaayeen Bilihii Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Al-Shabaab, iyadoo in ka badan kun isugu jira Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan kooxda lagu laayay Howlgalo iyo dagaalo toos ah oo ciidamada Qaranka ay sameeyeen.

Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Malatariga Soomaaliya ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka

Baydhabo (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiracmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka bilaabay  deegaanada maamulkan.

Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka hirgasho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyoMaamul wanaaga deegaanadan, Isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, Wuxuuna kula dardaarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka dowlad  Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan.

Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Beledweyne oo ka wada hadlay Iskaashiga Dawladaha Hoose ee dalka

0

Baladweyne (SNTV) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan qeyb ka ah kulamadii lagu xoojinayay xiriir Dawladda Hoose ee Muqdisho ay la leedahay Dawladaha hoose ee Magaalooyinka Waaweyn ee dalka la qaatay Duqa Degmada Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa tilmaamay in ujeedku uu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala dhaxeeya Dawladaha Hoose ee dalka, gaar ahaan adeegyada bulshada iyo dhismaha Maamul hoosaadka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa xusay Maamulka Gobolka Banaadir uu muddooyinkii la soo dhaafay waday qorsheyaal lagu adkaynayo xiriirka Dawladaha Hoose ee dalka, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhankiisa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Duqa Beledweyne. Iyadoo lagu wareejiyey gaari Bas ah oo loogu adeegayo bulshada.

Duqa Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta iyo iskaashiga lagu adkaynayo Maamul hoosaadyada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir isagoo ka duulayo baahida loo qabo xoojinta iyo iskaashiga Dawladaha hoose ee dalka ayuu wadatashiyo lagu adkaynayo iskaashiga Dawladaha Hoose waxuu bilihii la soo dhaafay la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dawladaha Hoose ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.