Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Date:

Jabuuti, Feb 20, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdi-saciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...