Home Blog Page 1110

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti

0

Jabuuti (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu muddo labo maalmood ku joogay dalka Burundi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta aanu ka soo ambabixin magaalada Bujumbura waxa uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo lagu adkeynayo xiriirka labada dal, hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhaqangelinta Qorshaha Kala-guurka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa Mudane Madaxweyne soo dhaweyntii iyo martisoorkii aad noo fidiseen aniga iyo wafdigayga. Waxaan rajaynayaa in booqashadan taariikhiga ah ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan amni ee labadeenna dal. Naf-hurnimada ay noo sameeyeen Ciidamada Burundi ma aha mid aan illaawi doonno, abaal ayaanuna idinkaga haynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa oo caawa gaaray magaalada Jabuuti ayaa berri kulan la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Akhriso: War Murtiyeedka Wadajirka ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Burundi

0

Bujumbura (SNTV):-Halka Hoose ka Akhriso War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Burundi

1- Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal.

2. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi.

3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada.

4. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta.

6. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM.

7. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya.

Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska oo loo furay Siminaar ku saabsan Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha

0

Muqdisho (SNTV)– Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska u furay Siminaar lagu baranayo dhowrista Xaquuqda Aadanaha Xilliyada ay ku jiraan Waajibaadka Shaqo ee loo xilsaaray.

Siminaarkaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa  Casharo ka bixinaya Xubin sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska oo aqoon gaar ah u leh arrimaha Xaquuqda Aadanaha.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sharaxaad ka Warbixiyey ujeedka Siminaarkaan, isaggoo tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin xubno ka yimid Bulshadda, islamarkaana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan Xaquuqda Aadanaha.

 

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town

0

Cape Town (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Safar shaqo ku jooga dalka South Africa ayaa maanta booqday College of Cape Town oo ah Xarun lagu barto Xirfadaha Farsamada Gacanta.

Wasiirka ayaa Xaruntaasi kula kulmay Madaxda College-ka, waxaana Warbixin ay ka siiyeen Habka ay u shaqeeyaan iyo Qalabka ay wax ku baraan Dhalinyadda Xirfadaasi barata.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay College of Cape Town oo ah mid lagu barto xirafadda farsamada gacanta , waxaan kula kulmay madaxda College-kan wuxuu faah faahin iga siiyay habka ay u shaqeeyaan iyo qalabka ay wax ku baran dhalinyarada barta xirfaddan” ayuu yiri Wasiir Goodax

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Maamulka Xaruntaasi in Gacan laga siiyo Siddii Soomaaliya looga hirgelin lagaa Xarumo Casri ah oo lagu barto Farsamada gacanta, si dhalinyaradda Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka ayaa Xusay in Wasaaradda Waxbarashadda XFS ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo Dugsiga farsamada gacanta, arrintaasi oo uu xusay in Shaqo abuur ay ka helayaan Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsanay inay gacan naga siiyaan sidii dalkeenna looga hirgelin lahaa xarumo casri ah oo lagu barto farsamada gacanta si dhalinyarada Soomaaliyeed uga faa’ideystan, Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare waxaa ka go’an  hirgelinta dugsiga farsamada gacanta taasoo sahleysa in shaqo abuur ay helan dhalinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

 

 

Shirkadda Spectrum oo sheegtay in shirkii London lagu xaraashin xirmooyin shidaal ah

0

Muqdisho (SNTV):-War ay soo saartay shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ee lo yaqaano Spectrum ayaa lagu sheegay in shirkii London ka dhacay aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya,xili dowladda Kenya ay ku doodayso in meel lagu muransantahay xirmooyin shidaal xaraash lagu sameeyey.

Madaxda sare ee Shirkadaasi Spectrum ayaa sheegay in dhul badeedka sahminta shidaal lagu sameeyay ee xogtiisa lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay leedahay Soomaaliya.

Sidoo kale Spectrum  warsaxaafadeedkeeda waxaa ay ku cadeysay in aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadeeda ay taallo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Shirkadda Spectrum Qoraalkan ay soo saartay waxaa lagu soo bandhigay qariiradda muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay.

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo xalay casho soo dhaweyn ah uu sameeyay dhiggiisa Burundi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Burundi ayaa waxaa xalay casho soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayo isaga iyo wafdigiisa u sameeyay dhiggiisa dalkan  Mudane Pierre Nkurunziza.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la qaadanayaan dhiggooda dalka Burundi.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaalada lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika, si la isaga kaashado dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira,la isuna weydaarsado khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta gudiga Madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka ka dib Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga La socodka iyo Hirgalinta Dastuurka ee BFS, Masuuliyiin ka socotay Golaha Aqalka sare , Gudiga dib u eegista Dastuurka ee BFS, Lataliayaal Arrimaha dastuurka, UNDP iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa Madasha goobjoog ka ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa waxa uu sheegay in dhulka xaruntan laga furay uu ugu deeqay Golaha Aqalka Sare, dhismahana ay fududeeyeen UNDP iyo Wadamo taageera Soomaaliya.

Sen, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Guddiga La socodka iyo Hirgalinta Dastuurka ee BFS ayaa sheegay in Xukuumada iyo UNDP looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii Dowlad Goboleedyda Xubnahooda dib u eegista dastuurka ay ugu soo dari lahaayeen howshan socota.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ku amaanay sida uu ugu dadaalay isku keenida Hay’adaha qaabilsan Dastuurka si wadajir ahna ay u shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ugu dambeyn Goobta ka hadlay wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida ay u wada shaqaynayaan Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Dastuurka ayna diyaar u yihiin gacansiintooda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan oo kulan ku yeeshay Caasimadda Jubba

0

Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan oo aay soo qaban qaabiyeen Gudigga Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xubnaha gudigga (SOBASS), Madax ka socotay Dowladda Koofurta Suudaan, Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan, Masuuliyiinta Ururka Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed, ganacsato iyo waliba bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan oo sanad walba mar la qabta ayaa waxaa loogga arrinsadaa wax yaabahii u suurta galay Gudigga Ganacsatada Soomaaliyeed Muddadii sanadka aheed ee la soo dhaafay.

Guuddoomiyaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan Cabdishakuur Maxamed Xuseen ayaa ugu horeyn dadweynahii ka soo qeyb galay Kulanka soo dhaweyay, asigoona Mahadcelin balaaran u jeediyay Xubnahii soo abaabulay Shirweynaha.

Sido kale Shirka ayaa lagu soo bandhigay, Waxqabadkii gudigga Ganacsatada iyo Waliba hiigsiga gudigga ee Sanadka 2019.

Sido kale Xisaab Celinta Miisaaniyadda Sanadkii tagay ayaa iyadana meesha lagu soo bandhigay.

Ku xigeenka Safiirka ahna Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan Mudane Shaafici Nuralas Faarax ayaa dhamaan Soomaalida Koofurta Suudaan u soo jeediyay inay isku xirnadaan Midowaan islamarkana aay ilaaliyaan sharciga Dalkan u dagsan.

Gabagabadii Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan ayaa waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Dadkii sida aadka ah ula shaqeyay Gudigga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

(Caasimadda Konforta Suudaan Jubba)

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dhismaha Waddooyinka Jowhar Iyo Afgooye

Muqdisho(SNTV):--Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye ee maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan madaxwaynayaasha Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu ku faraxsanyahay billaabashada mashuurcaan oo muhiim u ah qorshaha horumarinta dalka, isaga oo u mahadceliyay dawladda Qatar oo bixinaysa qarashka lagu dhisayo waddooyinka iyo dawladda Turkiga oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo raja wayn ka muujiyay in waddooyinkaan ay lamid noqdaan waddooyinka casriga ah ee caalamka, ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkaani uu yahay mashruucii ugu waynaa ee dalka laga fuliyo intii xukuummaddu jirtay, uuna qayb muhiim ah ka yahay soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Maanta waa maalin iftiin cusub u ah ganacsatada iyo beeralayda labada Shabeelle oo ay u dhib-yaraan doonto mustaqbalka in ay ganacsadaan. Maanta waa maalin inftiin u muujinaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, sababta oo ah shaqadii ay soo billaawday xukuumadda laba sano ka hor ayaa mira dhashay, laba sano kadibna waxaa la arki noonaa mashruucyadaan oo dhammaaday”, ayuu yiri Ra’iisl Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaanka maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed, ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan shirkadaha dhisaya waddooyinka.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.