Home Blog Page 1110

Taliska Ciidanka Xoogga ee gobolka Hiiraan oo sheegay iney sii socon doonaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

0

Baladweyne (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu ka hadlay Howlgalada Ciidamada Dowlada ugu xuraynayaan haraadiga Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Korneyl Faarax Cali Waasuge waxaa uu sheegay in ay ka qabsadeen Deeegaanno badan Argagixisada oo hadana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada, islamarkaana uu sii socon doono  Howlgalka lagu furayo wadooyinka.

“Howlaglka wali ma dhamaan wuu socdaa cadawgana meel walba waan ka saareynaa ilaa iyo inta lagu guuleysanyo cadawga Alshabaab”ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha Ciidamada  Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada looga baahanyahay iney la shaqeeyaan ciidanka si looga guuleysto Cadowga.

Hadalka Taliyaha Ciidamada  Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa waxaa uu imaanayaa xili bulshada ay si aad ah usoo dhaweeyeen guulihii ciidamada ay kasoo hooyeen Howlgalada iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Bartamaha gobolka Hiiraan.

Ciidanka Booliska ee Degmada Xudur oo Sameeeyey Howlgalo lagu baacsanaayo Maleeshiyaadka Al-shabaab

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Booliska ee ka howlgala Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool ayaaa deegaano hoostaga Degmadaas waxaa ay kasameeyeen Howlgalo ay ku baacsanayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab kuwaas oo dhibaato ku hayey dadka Shacabka ah.

Xuseen Maxamed Axmed Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmadda Xudur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meelaha ay tageen ay isaga sii careen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaan Tagnay Deegaano badan oo hoos yimaada Degmadda Xudur oo Maleeshiyaad Al Shabaab ka tirsan dadka Shacabka ah dhibaatooyin aad u badan ku hayeen waxaana u xusay in ay deegaanaadaas ka xureeyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Degmadda Xudur ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay Howlgalkooda sii wadi doonaan tan iyo inta Maleeshiyaadka Al Shabab ka saarayaan meelaha ay ku dhuumaleysanayaan.

Dhanka kale qeybo kamid ah Gobolka Bakool ayaa waxaa Ciidanka Malatariga ay kawadaan Howlgalo balaaran kuwaas oo ay ku baacsanayaal Maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xalay kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir si uu ugu kuur galo amniga caasimadda , isagoo waqtina la qaatay shacabkii halkaasi uu kula kumay xiligaas.

Goobaha ay isku yimadaan bulshada muqdisho ayuu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaaliya kula kulmay qeybo ka mid ah shacabka kuwaa oo uu waydiinayey talooyinka iyo tabashoyinka ay qabaan ee ay doonayaan in ay dowladdu wax kala qabato, isagoo si cadi ah uga jawaabayey su’aalihii ay wadiinayen qaar Kamid ah dadkaasi.

Mudane Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska oo ku jiray xiligaas howlgallo ay ku xaqiijinayeen amaanka Caasimadda, waxa uuna ku boogaadiyey kulana dar daarmay in ay laban laabaan  wajibaadkooda ku aadan ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka.

Kormeerkan xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda,isagoo horay sidan oo kale dhoor Mar Kormeeray qaar Kamid ah Degmooyinka Gobolka Bamaadir.

Rafcaanlayaal  go’aan ay ka gaartay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side

0

Muqdisho (SNTV)- Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay   ku dhintee    dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayayay waddada Bacaacow ee  degmada Afgo’e, halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn  uu ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali  Labadii bishii kow iyo tobneed ee sanadkii tegay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ku xukuntay in ay bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka bishii sideedaad ee sanadkan ah.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

10k- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side  muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana sedax  cisha kadib loo ballamay in loo fariista Maxkamadeynta Sedaxda  eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaacca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Xeer Ilaalinta ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday in ay ahaayeen kuwa ku tala gal ah, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasha lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyaha  Ciidamada Qalabka Side.

Qareenada u dooday  eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireen  howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxa ay weydiisteen garsoorka in loo naxariisto  halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka oo  dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn  go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay sedax dhibane ee uu dhaawaca soo  gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu  u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb  galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Side.

Kulan ku saabsan ka wacyi gelinta bulshada xag-jirnimada ayaa ka furmay Nairobi

0

Shir ku saabsan sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa xagjirnimada gacan ka hadalka ku dhisan ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, ayaa si gaar ah looga hadlayaa diyaarinta istaraatiijiyada warbaahinta ee barnaamijka PCVE ee  la dagaallanka xagjirnimada.

Shirkan ayaa waxaa kaloo ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socota Midowga Afrika iyo khubaro dhanka xiriirka bulshada, kuwaas oo ka soo qeyb galeyaasha la wadaagay hababka ugu wanaagsan ee bulshada looga wacyi gelin karo xagjirnimada.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ka qeyb-galay maanta ayaa sheegay in guddigaan uu awoodu leeyahay dib u habeynta Tayada Waxbarasho ee Tacliinta sare, isla markaaana Jaamacadaha dalka oo dhanna uu dib u habeyn ku sameynayn doono.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in sanadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in Jaamacadda Ummadda ay  awood u  yeelato in ay qaadato sannad walba 10,000 oo Ardey (Toban Kun oo Ardey).

Taliyaha CXDS: “Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad

0

Kismaayo-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa Maanta Gaaaray Magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo, wuxuuna Gen; Indha-qarshe ka mahad celiyay sidii diirranayd ee loo maamuusay.

Gen; Daahir Aaden Cilmi, ayaa sheegay inay booqashadiisa Kismaayo ku saabsan tahay in uu Indha-indheyn ku sameeyo una kuur-galo xaaladda Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan CXDS, sababta aan u leennahayna waxa weeye waa meesha ugu badan ee Xuddudta u ah Nimankaas Argagixisada ah, marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno”ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa qaybtan 43-aad ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh, maaddaama ay ka howl-gasho goobaha ugu badan ee ay Ciidamada xoogga Dalku kula dagaallamaan Kooxda cadawga ah ee Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay taliyuhu inuu aaminsan yahay in haddii uu Ciidanka ku sugan degaannada Jubbaland helo Agab Militeri oo ku filan in uu cirib tiri karo kooxaha Argagagixisada, kana saarayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan, kana dul qaado dhibta saran Shacabka Soomaaliyeed

Maamulka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Shabeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre, ayaa soo dhoweeyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane,Maxamed Ibraahim Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo, Ciidamada Booliska, nabad sugidda iyo Maxkamad heer Federaal ah, lana soo celiyo adeegyadii wax-barashada ee Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in uu Madaxweynuhu faray Wasaaradaha ay arrimahaasi Khuseeyaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Gobolka, si ay halkaasi ugu hir-gelyaan adeegyadii ay Shacabku u baahnaayeen muddada dheer.

Sidoo kale Mudane, Barre oo u warramayay war-baahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaariyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo tan Degmada Marka, isagoo intaa raaciyay inay ku faraxsan yihiin in halkaasi la geeyo Ciidamada Boliiska iyo nabad-sugidda, maaddaama buu yiri ay la shaqaynta Bulshadu iyaga ku wanaagsan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Wasaaradaha amniga, Caddaaladda iyo Wax-barashada faray in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin Bulshada halkaasi ku dhaqan, mar uu Shalay ka hadlayay shirkii Golaha Wasiirrada ee ka dhacay Muqdisho.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta deegaanka

0

Nairobi-(SNTV)-Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay horumarinta degaanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Kulankan oo Socday muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay gaba-gabadiisii Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

Ajandaha shirka ayaa ahaa hannaanka maamul wanaagga degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha Dhulka, waxaana Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaasi xoogga lagu saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamada Gobolka, yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon.

“Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Mudane; Ciid, ayaa sidoo kale sheegay in shirku ay kasoo baxeen talooyin aad muhiim u ah, oo lagu xoojinayo ahmiyadda uu leeyahay maamul wanaagga Dhulka, isagoo intaa raaciyay in Dhulku uu si toos ah xiriir ula leeyahay dhinacyada horumarka, degaan wanaagga, Magaalooyinka iyo Beeraha.

Mashruucan oo ay maal-gelintiisu leedahay Dowladda Switzerland, ayaa waxa uu Dalalka Gobolka kasii socon doonaa Muddo Afar Sano ah, kaasoo wax weyn ka tari doono sidii loo horumarin lahaa degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Dekadda magaaladda Muqdisho oo lagu qabtay Kontainer Khamri ah

0

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta dekadda magaaladda Muqdisho ku qabtay kontainer Khamri ah, kaas oo saxaafadda loo soo bandhigay, iyaddoo goobta lagu soo bandhigay ay joogeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kontainerka ay ku jiraan 905 kartoon oo Khamri ah, kuwaasi oo isla maanta lagu gubay duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xiggeenka arrimaha bulshadda maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in sidoo kale Khamri kale lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo boorsooyin lagu dhex qariyay.

Taliye ku-xiggeenka Hoggaanka dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliya Sarreeye guuto Bishaar Abshir Geeddi iyo Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee  ciidanka booliiska Sarreeye guuto C/laahi Xasan Bariise ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta goob jooga ka ahaa gubista iyo burburinta Khamrigan.