Madaxweynaha JFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ย oo ย Booqasho shaqo kusoo kala bixiyey Wadamada Burundi iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay kawada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...