Maamulka Guud ee Madaxtooyada JFS oo shaqaalaha Madaxtooyada ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin Olalaha Isxilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV):-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada  JFS Drs Aamina Sicii Cali oo hoggaaminaysay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo kaltankii seddaxaad maanta ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan ayaa hawl-wadeenada ku ammaantay kaalinta ay ku leeyihiin Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Agaasime Aamina ayaa sheegtay in Shaqaalaha Madaxtooyadu dadaal xoog leh muujiyeen inta ay ku jireen Isxilqaan, waxa ayna ku dhiirigelisay in ay sii xoojiyaan shaqada ay wadanka u hayaan.

“hawl-wadeenada Madaxtooyada Qaranka oo ka jawaabaya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u taagan Ololaha Isxilqaan oo ay ka sameynayaan Madxafka iyo Maktabadda, waxaan ku ammaanayaa sida waddan jacaylka leh ee ay dib u dhiska uga qeyb qaadanayaan, waana uga mahadcelinayaa hawsha adag ee ay hayaan” ayay tiri Drs Aamina Siciid Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS.

Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo wata Agabkii ay ku shaqayn lahaayeen ayaa saakay aroortii xaadiray dhismooyinka Madxafka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka iyaga oo ay u ahayd maalin Isxilqaan , waana markii seddaxaad oo hawl-wadeenada Madaxtooyadu ay ka qeyb qaataan Olaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo, Madxafka, Maktabadda iyo Tiyaatarka.

Halku-dhigga saaka ee ay ku hawl-galeen Shaqaalaha Isxilqaan sameeyay ayaa ahaa “ asoo  fiicnaa  adaa  fiiqee hadda  fiicnee”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools...

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...