Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Horumarinta Islaamka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta la kulmay madaxwayne ku-xigeenka bangiga horumarinta Islaamka, Mansur Muhtar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhaqaalaha iyo dadaaalka xooggan ee madaxda qaranku ugu jiraan in dhaqaalaha dalku uu heer sare gaaro.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wassiirrada maaliyadda iyo xannaannada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa horay gudaha dalkaasi Sucuudiga kulamo kala duwan kula qaatay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo madax ka ah hay’ado kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...