Home Blog Page 1105

Shiinaha oo dhisay Buundada dunida ugu dheer

0
(SNTV)…Dawladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay Buundada aduunka ugu dheer ee Badda laga sameeyo, taas oo gaaraysa 55-km.

Buundadan oo isku xirta Honkong iyo Zhuai-Macau waxaa loo isticmaalay farsamo cajiib ah marka la eego sida looga taxadaray inay ku dhacaan Maraakiibta Badda gooshaysa amaba ay hakiso Duulimaadka garoonka Hongong oo ay u dhawdahay.

Dhismaheeda waxaa la soo bilaabay 2009-kii, waxaana ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo Doller, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.

Madaxwaynaha Shiinaha oo buudadan furay waxa uu sheegay in ay calaamad u tahay horumarka ay ka sameeyeen dhismayaasha muhiimka ah, ayna xaqiijiyeen hadaf muddo la hiigsanayey.

Buundadan waxa ay 20-jeer ka dheertahay midda ku soo xigta ee San Francisco ee Golden Gate, waxaana ay 7-km hoos martaa Badda, iyadoo sii maraysa jasiirado lagu hakan karo.

Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeyb galay Jabuuti

0
(SNTV)..Wadanka Jabuuti ayaa lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayo sidii wadamada Afrika uga faa’iidaysan lahaayeen Tamarta dabiiciga ah sida dabeysha iyo cadceeda, waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay shirkan iyo Muhiimadda uu Soomaaliya ulahaa.

“Shirkan wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, waxaad moodaa shirka inuu anaga naga hadlaayay sababtoo ah waxaan hodan ku nahay Dabeysha iyo Cadceeda, waxyaabo fiican ayaana kasoo baxay, Dalkeena Tamar ayuu u baahan yahay hadii aanan la helin shaqo la’aanta lagama baxaayo Horumar balaaran la sameynaayo”.ayuu yiri Wasiirka.

Adeegga Korontada oo ah wali mid qaali ah kuna tiirsan Shidaalka ayaa caqabad ku noqon kara warshadaynta oo u baahan xoog koronto oo badan, waxaana dawladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynaysaa sidii loo samayn lahaa Koronto la awoodi karo.

Australia oo cunaqabateyn saartay 5-Jeneral oo Myanmar ah

0

(SNTV)…Xukuumadda dalka Australia ayaa manta oo Talaado ah soo bandhigtay cunaqabateyn dhan ka ah 5-sarkaal oo Myanmar ah oo awood ku lahaa ciidamada Mileteriga,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay daawanayeen xasuuqii loo geystay muslimiinta Rohingya.

Tallaabadaan ayaa daba joogta ama la mid ah cnaqabateynta ay horay u soo rogeen Mareykanka,Midowga Yurub,waxaana dalka Australia uu shaaca ka qaaday in la fariisinaayo hantida saraakiishaasi oo uu ku jiro Sareeye Gaas oo ahaa taliyihii hogaaminaayey xasuuqii cadowtinimo ee lagula kacay muslimiinta  Rohingya .

Wasiirka Arimaha Dibadda Australia Marise Payne ayaa sheegay in saraakiishaasi oo kala ah – Aung Kyaw Zaw, Maung Maung Soe, Aung Aung, Than Oo, and Khin Maung Soe –ay masuul ka ahaayeen rabshadihii biniaadanimo ee loo geystay muslimiinta Barma.

Saraakiishaasi oo qaarkood ay iska casileen xilalkii ay haayeen ,haddana waxaa laga mamnuucay in ay u safraan dalka Australia .

Laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii  illaa 7-boqol oo kun oo Rohingya ah ayaa ka barakacay gobolka Rakhine oo dhaca K/Galbeed ee dalka Myanmar.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Eedeysane  dhaawac geystay.

0

Muqdisho (SNTV)- Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana  eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID)  kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

Hey’adda  dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda  in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac  sababay in lugta laga jaro taliyihiisii,  waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.

Madaxweynaha Suudaan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

0

Kahrtoum (SNTV) Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.

Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo Shacabka Suudaan sida wanaagan ay usoo dhaweeyeen.

Dhinaca kale Madaxweyne Al Bashiir ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsi ka guddoomay Safiirada Dalalka Malaysia, Spain, Sri-lanka iyo Croatia.

Guddoomiye ku-xigeenka M/Mulka G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

0

Muqdisho (SNTV):Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa uga qeyb galaya magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska Shirka Maayarada Caalamka oo sanadkaan lagu qabanaya Bristol.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta caasimadaha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose ee Caalamka.

Guddoomiye Xuseen ayaa inta uu ku sugan yahay Bristol waxa uu kulammo doceedyo la qaadan doonaa madaxda Caasimadaha ee ka soo qeyb galaya shirkan.

“Shirkani waa mid ahmiyad gaar ah noo leh, maadaama Caasimadda Muqdisho ay soo kabanayso xiligan una baahan tahay xiriir wanaagsan oo la yeelato Caasimadaha kale ee Caalamka”.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa khudbad ka jeedin doona shirka isagoo warbixin ka siin doona madaxda shirka ka soo qeyb gashay horumarrada kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir ka sameeyey Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo Khayraadka Biyaha

0

Muqdisho (SNTV):Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha warfaafinta, boostada iyo khayraadka biyaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyada oo uga warbixiyay habsami u socdka shaqooyinka wasaaradda, halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubooyinka ay qaybta ka tahay iyo qorshayaasha howlaha hor-tebinta u leh wasaaradda.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa qayb ka ah  xarumaha uu ra’iisul wasaaruhu kormeerka ku tegay, halkaas oo uu kula kulmay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyaha oo ra’iisul wasaarah uga xog-warammay hannaanka ay shaqada wasaaradda u wadaan.

Mudane Xasan Cali Khayre  ayaa ugu dambayn kormeeray wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo waci-gelinta oo uu kula kulmay wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhammaan masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday waxa uu faray in si hufan ay uga qayb qaataan barnaamijka is-xilqaan iyaga oo ka bilaabaya qurxinta iyo dib u hagaajinta xaruaha wasaaradahooda iyo in ay laba jibbaaraan dardar-gelinta shaqooyinka ay u hayaan qaranka si loo gaaro hadafka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

0

Muqdisho (SNTV) Ajendaha kulanka guud ee golaha shacabka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Hanti dhowraha oo uu golaha horkeenay guDdiga Maaliyada iyo Miisaaniyada ee golaha shacabka ,waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ay aragtiyadooda ka dhiibteen hindise sharciyeedkan,sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa gudiga su’aalo ku aadan hindise sharciyeedkan wax ka weydiiyay.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gudiga Maaliyada ee golaha Shacabka ,waxa uu ka hadlay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu leeyahay,waxaana uu sheegay in hindise sharciyeedkan uu dalka muhiim u yahay islamarkaana ka gudi ahaan ay tix gelinayaan talooyinka Xildhibaanada.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa  faray gudiga maaliyada ee golaha shacabka in ay soo diyaayiraan Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan iyagoo kusoo daraaya talooyinka xildhibaanada ee akhrinta labaad.

Howlo Nadiifin iyo Laami Dhaqis ah oo ka bilowday Muqdisho

0

Muqdisho  (SNTV) Shirkadda Nadaafadda Gobalka Banaadir ee ECCO ayaa xalay Magaalada Muqdisho ka fulisay Barnaamij cusub oo Nadiifin ah kaasoo lagu soo saarayo Quruxda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaadiid loogu tala galay inay xaaqaan ka dibna ay dhaqaan ayaa loo adeegsaday nadiifinta Wadada xiriirisa Sayidka iyo Dabka oo ka mid ah Waddooyinka loogu isticmaalka badan yahay Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Shirkadda Nadaafadda Gobalka Banaadir ee ECCO Cabdi Xakiin Yuusuf Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Barnaamijkan

“Caawa waxaan bilownay Barnaamij cusub oo aan hore looga baran Magaalada oo ah in Waddooyinkii dib loo nadiifiyo iyadoo qashinka laga qaadayo ka dibna la meyrayo wadada si quruxdeeda loo soo saaro”.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa ugu baaqay dadka degan agagaarka waddooyinka iyo kuwa ku ganacsada inay si toos ah shaqadaasi kala qeyb qaataan oo aan Waddooyinka Qashinka lasoo dhigin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhawaan sheegay in Nadaafaddu Caasimaddu ay Maamulka Gobalka Banaadir u leedahay mudnaan sare, waxaana shacabka Caasimadda uu ugu baaqay in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii.

Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka saddex bilood laha ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,kaasi oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay”adda,waxaana sidoo kale mudada uu socdo lagu soo bandhigayaa caqabadaha iyo horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 7-aad ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soconaya mudo labo maalin ah waxaana inta uu socdo diirada lagu saarayaa tayeynta iyo sare u qaadista shaqada adag ee hortaalo Hay”adda.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha Guud ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashanle Sare Cornel Maxamed Adam Jimcaale Koofi,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale”,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Ahmed Cali Daahir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mr. koofi oo ka hadlay shirkan oo ah kii 7-aad oo Hay’adda ay u qabato Mas’uuliyiinta Laamaha ee Gobolada dalka ayaa sheegay in howlo muhiim ah ay qabteen saddexdii bil ee la soo dhaafay,isagoona xusay in Hay”adda ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta dakhliga dalka oo ay uruurisay dhaqaalo fara badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Injneer Yariisow) ayaa shegaay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka Go”an tahay Xoojinta Wadashaqeynta adag ee Ka dhaxeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Ayaa shegaay in loo bahan yahay dhowrista sharciga dalka u yaalo si loo ilaaliyo Qaranidimada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow “Ducaale” oo ka hadlay shirka ayaa kula dardaarmay Shaqalahaa iyo Mas’uuliyiinta Hay”adda Socdaalka iney ka dheeradan wax walibo oo musuq-maasuq ah oo caqabad ku keeneyso shaqada Qaranka loo haayo,isagoona Hay”adaha amniga faray iney Hay’adda socdaalka kala shaqeeyaan xoojinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo qorshayaal ay ka mid yahiin dhammestirka dib u howlgalinta bar Koontoroolada Xuduudaha Dalka, dar dargalinta dhismaha Xarunta dhaxe ee Hay”adda, dhammestirka dib uu eegista sharciyada  Socdaalka ,Baasaboorka iyo Sameynta Sharciga dhismaha Hayadda.