Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay xulashada hannaanka federaaleynta Maaliyadda, Qaan-gaarsiinta Maamul gobaleedyada, Hannaanka iyo qorshaha dhab-u-heshiinta qaran, Qiimaynta iyo maal-gelinta Halbeegyada Tubaha Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ka qayb galayaasha shirka usoo jeedisay xulshooyinka hannaanka Federaalaynta Maaliyadda Dalka arrintaas oo si qota dheer looga hadlay intii uu socday shirka maanta ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo looga hadlay dib-u-habaynta iyo tayeeynta adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, qorshaha tayaynta shaqaalaha rayidka iyo qorshaha ololaha isxilqaan ee 2019 lagu dhisayo Jamaacadda Umadda, Bangiga dhiiga, Isbitaalka Xooga, Maktabadda, Madbacadda Qaranka, taallooyinka taariikhiga ah iyo jardiinooyinka magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....