Home Blog Page 1104

Soomaaliya oo martigalineysa kulan Dalalka Iskaashiga Islaamka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan magaalada Muqdisho berri oo sabti ah.

Wufuud ka socota dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho , halka kuwa kalena la filayo in ay berri yimaadaan.

Martigalinta Soomaaliya ee shirkan muhiimka ah ayaa imaanaysa iyadoo la fulinayo qaraarradii ka soo baxay shirarkii 44aad iyo 45aad ee wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Iskaashiga Islaamku ku yeesheen Abdijan, Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Wufuudda ka soo qeyb galaya shirkan ayaa diirradda ku saari doona kulankooda sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabaneysa sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen.

Wufuud ka socda dalalka Sacuudi Carabiya, Malaysia, Turkey iyo wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee ururka Iskaashiga Islaamka Danjire Hishaam Yuusuf, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb geli doona shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya marti galineyso.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban dalalka kala ah;

1-Azerbaijan 2-Brunei 3-Djibouti 4-Egypt 5-Gabon 6-Iran 7-Kuwait 8-Malaysia 9-Pakistan 10-Qatar 11-Saudi Arabia 12-Sudan 13-Turkey 14-UAE 15-Yemen

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal ka dhacay Shabeelleda hoose

0

Muqdisho-(SNTV)- Sarkaal sare oo Ururka Al-Shabaab u qaabbilsanaa Canshuuraha ayaa lagu dilay howl-gal ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada hoose.

Horjooge ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo aan Magaciisa la shaacin ayaa lagu dilay weerar Qorsheysan oo ay Ciidamadu ka fuliyeen Laba Cisha ka hor degaanka Bariirre, sida ay Khamiistii Shalay ahayd sheegeen Saraakiisha howl-galka AMISOM.

Axaddii Todobaadkan ayay ahayd markii Ciidamada is-garabsanaya ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Argagixisadu ku lahaayeen Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dileen Toddoba xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyadooda Argagixisanimo u adeegsada Lacago iyo Xoolo ay si qasab ah kaga qaadaan Shacabka ku nool goobaha ay ka dhow yihiin, iyagoo sidoo kale macaash ka raadiya Canshuurta ay ka qaadaan dhoofka Dhuxusha sharci darrada ah, sida lagu sheegay war-bixintii ugu dambeysay ee ay QM laanteeda la socodka cunaqabataynta Soomaaliya soo saartay.

Isha/Daily Nation

Qaar ka mid ah Dadkii kusoo dhaawacmay Sool oo la keenay Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Xalay lasoo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho Diyaarad sidday 22 Qof oo ka mid ah Dadkii kusoo dhaawacmay dagaal Beeleedkii ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Dadkan oo ay qaarkood xaaladdadoodu aad u liidato ayaa waxaa laga soo qaaday Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inaan waxba loogu qaban Karin, iyadoo haatanna la dhigay Cuspitalka Erdogan (Ex-Digfeer).

Diyaaradda ayaa markii hore ka qaadday Muqdisho gargaar Caafimaad oo Dowladda Soomaaliya ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ku dhaawacmay dagaalka, ayaa waxaa la socday Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda, Cabdulahi Bidhaan Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysigga iyo Qeyraadka Badda, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kamid ahaa xubnaha ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay arrintan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan ku bixineyso siddii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Dhaawacyadda qaarkood aad ayey u jajaban yihiin qaarkood kalena aad ayey u liitaan waxaana u soo qaadnay siddii halkan loogu daweyn lahaa”. Ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Wasiirka arrimaha dibedda, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Xildhibaano iyo Masuuliyin kale ayaa Garoonka ku sugayey Diyaaradda sidday dhaawacyada, waxanay dhammaantoodba sheegeen inay si hagar la’aan ah wax ugu qaban doonto Dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo arrimo iskaashiga la xiriira kala hadlay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

Intii kulanku socday ayaa la isku dhaafsaday hadallo la xiriira xiriirka salka adag iyo iskaashiga wadaagga ah ee labada dal u dhexeeya.

Madaxweyne Farmaajo oo garsooreyaasha ugu baaqay in ay ka qayb qaataan sarreynta caddaaladda

Muqdisho, Oktoobar 25, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo.

“Waxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horgeyno Baarlamaanka.”

Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiraba.

“Waxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.”

Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha.

DHAMMAAD

Culimada Soomaaliyeed oo baaq kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Sool

0

Muqdisho (SNTV)- Hay’adaha Culimada Soomaaliyeed oo ka kooban Majmaca Culimada iyo hay’adda Culimada iyo Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa Maanta bayaan kasoo saaray dagaalka ka socda degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Sheikh Maxamed Cabduqaadir Soomoow iyo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamullada Soomaaliland iyo Puntland ugu baaqay inay u istaagaan joojinta colaadda.

Sheekh Nuur Baarruud Gurxan, Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Culimada iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi Baarri oo ah Guddoomiyaha Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada laga dhaxli karo dagaal sokeeye.

Culimada ayaa xusay waxyaabaha laga dhaxli karo Adduun iyo Aakhiraba colaad iyo dagaal sokeeye oo laga aamuso iyo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara, waxayna wada jir u sheegeen in la qaboojiyo dirirta iyaguna ay goobta tegi doonaan.

Sheekh Cali wajiis oo ku hadlayay Codka Culimada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadshada xallinta colaadda ka aloosan degaanka Dhumay, wuxuuna soo jeediyay in la sameeyo gurmadyo dhan walba ah oo xaaladda lagu qaboojinayo.

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay baaq kan la mid ah ugu soo saartay dagaalka sokeeye ee ka soconaya degaanka Dhumay ee Koofurta Gobolka Sool.

Siminaar laxiriira Hormarinta xirfadddah Gabdhaha ka shaqeeya Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV)- Ururka u dooda Xaquuqda Haweenka Saxafiyiinta  Soomaaliyeed ee (SOWJRA} Somali  women Joournalist’s rights Association ayaa dood la xariirta sida kor loogu qaadi karo xirfada Gabdhaha Saxafiyiinta  ah ee ka howla gala Warbaahinta gudaha ilaa in ka badan 20 Suxufi   ugu qabatay Magaaalada Muqdisho.

Dooda ay ka soo baxeen qodobo dhaxal gala ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Aqoonyahano tabarayaal dhanka Saxaafada ah ,qabiiro, Gudoomiyaha SOWJRA  Leyla Cadceed Osman iyo gudoomiye ku xigeenka  ururka  Naciimo Saciid Saalax iyo xubno kale.

Gabdhaha Suxufiyiinta oo kala socdeen qeybaha Warbaahinta ayaa soo bandhigay  in ay jiraan caqabado badan oo ku gadaaman gabdhaha Saxafiyiinta ah , sidoo kale waxa ay xuseen in ay jirto sinaan la’aan fursadaha tabaradda, shaqadda, ayagoo kaalin ku lahayn go’aan gaarista ama cod ku lahayn Warbaahinta Dhaxdeeda.

Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa intaa ku dareen in waqtigaan Warbaahinta ay sii noqonayso mid la jaan qaadaysa Tiknoolajiyadda  casriga ah sidaas darteed loo baahan yahay in  ay ayagana  la-jaan qadaan Horumarka dhanka Teknoolijidda ah ee Warbaahinta.

Gudoomiyaha Ururka u dooda xaquuqda  Haweenka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee (SOWJRA)  Leyla  Cadceed Osman ayaa sheegtay in dooda la xariirta sida kor loogu qaadi kro xirfadaha Gabahdaha Saxafiyiinta ah iyo sida ay u difaacan karaan xaquuqdooda Somali women Journalist’s rights (SOWJRA ) ay ka mid yihiin in kor loo qaado xirfadaha Haweenka Warbaahinta in loo oleeleyo xaquuqda gabdhaha, in laga hortogo xadgudubyada iyo in la aqoonsado kaalinta gabdhaha Suxufiyiinta.

Ugu dabeyb gabdhihii  Saxafiyiinta ahaa ee ka soo qeyb galay dooda aqoon is waydaarsiga ahayd ayaa uga mahad celiyeen Ururka (SOWJRA) dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u hormarin lahaayeen Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed isla markaan u heli lahaayeen Xuquuqda ay ku leeyihiin Warbaahinta..

Soomaaliya oo ka qeyb gashay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha

0

Shiinaha(SNTV) Dabaaldeggii afaraad ee Wasaaradaha Dhaqanka dalalka Carabta iyo Shiinaha, ayaa ka socda dalka Shiinaha magaalooyinkiisa Beijing iyo Chengdu.
Soomaaliya, waxaa uga qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle.
Furitaanka dabaaldegga, ayaa ka dhacay matxafka magaalada Beijing, waxaana furay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ee dalka Shiinaha Luo Shugong, oo sheegay in tan iyo markii uu bilowday dabaaldegga Dhaqanka Carabta iyo Shiinaha ay wax badan ka fahmeen dalalka Carabta, taasina ay keentay in xiriirka ay la leeyihiin dalalka Carabta uu aad u wanaagsanaado, maadaama fahamka dhaqan ee dal uu muhiim u yahay iskaashi kasta ee laba dowladood.

Hadaba halkan ka akhriso Warbixnta

Booqashada-Wasiir-Geelle-ee-Shiinaha

Howlgal lagu xoraynayo degmada Ceelbuur oo ka bilawday Gobolka Galgaduud

0

Dhuusa-Mareeb-(SNTV)– Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa wadda Qorshe la-doonayo in Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saaro deegaanno dhowr ah,kuwaas oo ay qayb ka tahay Degmadda Ceel-buur ee Gobolkaas.

Deegaanka Ceel-qorax oo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa laga sameeyay Xarun KMG si-ay Saldhig ugu noqdaan Howlgaladda lagu qaadayo Maleeshiyaadka Al Shabaab si-looga saaro Degmadda Ceel-buur.

Munaasabadda lagu furayey Xaruntaan KMG ah ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale iyo Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale.

Gudoomiyaha Degmadda Cee-Buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Qorshahan Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saarayo Ceel-buur muddo laga soo shaqeynaayay balse hadda ay ku rajo weyn yihiin siddii arrintan loogu dhaqaaqi lahaaa.

“Markaan waxaan rabnaa inay kama danbayn inoo noqoto, waxaana tegi doonaa meelaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Degmada Ceel-buur oo muddo dheer dhibaato ku hayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab” sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha degmada Ceel-buur.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale ayaa isna sheegay in layska kaashado siddii Maleeshiyaadka Al Shabaab dadka looga kor qaadi lahaa.

Degmadda Ceel-buur ayaa waxaa ay muhiim tahay isku xirka Dagmooyinka Gobolka Galgaduud, balse Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa muddooyinkii danbe dhibaato ku hayay dadka Shacabka ah ee ku nool dagmadaas, waana taas midda soo dadajisay sidii Al Shabaab looga saari lahaa.

Dowladda Soomaaliya oo go’aanno ka soo saartay maraakiibta ganacsi ee dalka

0

Muqdisho-(SNTV)- Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay  wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

Wareegtada wasaaradda ka soo baxday ayaa u qornayd sidatan:-

“Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay, sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:-

1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed.

3-Markabkii/Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba.

4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka.

5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.”

Gabagabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta.