R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo Ankara uga qeyb galay Doorashada Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga

Date:

Ankara (SNTV): Waxaa magaaladda Ankara ee Dalka Turkiga lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guud iyo Guddoomiyaha Gollaha dhexe ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (UMASET).

Raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibaanno ka tirsanย  labadaย  Aqalย  ee baarlamaanka Soomaaliya, Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga yo Howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee Ankara ayaa goob-joog ka ahaa doorashada.

Doorashada oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha UMASET Shacraawi Maxamed Bashir Halka Guddoomiyaha Gollaha dhexe loo doortay Cabdullaahi Isaaq Cumar oo ah arday heerka labaada ee jaamacada (Master ).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku bogaadiyay Ardayda wax ka barata dalka Turkiga in ay ka faaโ€™idaystaan fursadaha ay maanta haystaan oo aysan heysan dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah, isagoona u Hambalyeeyay Gudoomiyaha cusubย  ay doorteen Ardayda.

Ururka Ardayda UMASET ayaa la aas aasay February 2015 taasi oo dabooshay baahidii ay ardayda Soomaaliyeed ee dalka turkiga u qabeen Urur ay ku mideysan yihiin Ardaydaย  Soomaaliyeed ee waxkabartaย  dalka Turkiga, iyadoona kaalin aas aaska Ururka uu ka qaatay U qeybsanaha Arimaha Tacliinta Hidaha iyo dhaqankaย  ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Cabdicazis Sheekh Cabdiraxmaan.

ifrah Abdullahi (Ankara)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...