Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Iskaashatooyinka Kulluumeysatada

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururada Iskaashatooyinka Kaluumeysatada Soomaaliyeed,iyagoo ka wada hadlya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Kaluumeysatada.

Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa Wasiirka Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaasha Ururada Iskaashatooyinka Soomaaliyeed,waxaa ay xooga saareen arrimo ay kamid yihiin diwaangelinta doomanka kaluumeysi,Kalluumeysatada iyo habka bixinta ruqsadaha kalluumeysi oo ay bixiso Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Soomaaliya ay sameyso suuq geyn dibadd aah kaluunka dalka,iyo in la abuuro hab cusub oo lagu uruurinayo  laguna keydinaya xogaha arrimahaasi la xiriira.

Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday in suuqa ugu weyn ee Kalluunka Soomaaliya laga furayo Muqdisho,gaar ahaan Xamarweyne.

Ugu dambeyntii wuxuu ku booriyay Kaluumeysatada in ay ilaaliyaan oo ay ka taxdiraan tayada iyo nadaafadda Kalluunka ay iibinayaan si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada,maadaama ay cabashooyin ka imaanayaan xiliyada qaar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...