Jaaliyadda dalka Mareykanka oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wasiirka Gaadiidka

Date:

Kullan-weynahan ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ee Gobalka Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo dhaweynayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Mareykanka.

Waxgaradka, Haweenka, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo madasha soo dhaweynta ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu Wasiirku qabtay muddadii uu xilka hayay iyo guulaha ay gaartay dawladda Soomaaliya.

Jaaliyadda ayaa si gaar ah Wasiirka ugu amaanay dadaalada mira-dhalay ee la wareegida Hawada Soomaaliya iyo soo celinta hadda loogu jiro Shirkadii Diyaaradaha ee Somali airlines oo uu dadaal badan galiyey.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Wasiirka, wuxuuna ku ammaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed  dadaalka ay ka wadaan dalka iyo dibaddisa. ..

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka mahadceliyey kulanka ay u qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle, wuxuuna sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dowladnimada Soomaaliya iyo sidii ay sameynta ugu yeesheen siyaasadda dalka ay kunool yihii ee Mareykanka.

Mudane Oomaar wuxuu Jaaliyadda warbixin ka siiyey howlaha shaqo ee ay qabatay dowladda Federaalka iyo howlaha muhiimka ah ee ay qabatay Wasaaraddiisu, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan taageerada ay la garab taaganyihiin dowladooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...