Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo Kulan wadatashi ah u qabatay Hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta Maamulka Galmudug

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulanka wada-tashiga ah oo muhiimad ballaaran u leh horumarka dalka iyo deegaannada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada Baarlamaanka, Agaasimayaasha Hay’addaha Dawlad gobaleedka Galmudug iyo Madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Inta uu socday kulanka ayaa la qeexay hab-raaca Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ,tiirarka uu ka kooban yahay, yaraynta saboolnimada iyo geeddi-socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Hay’addaha dowlad gobaleedkan Galmudug ayaa soo dhaweeyay wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad oo ahmiyad weyn u leh Galmudug iyo guud ahaan dalkaba.

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka  Galmudug ee ka soo kala jeeda dhammaan  deegaannada maamulka ayaa soo bandhigay xogaha dhabta ah ee ka jira deegaannada qaar ee ay gacanta ku hayso Galmudug iyo xaaaladaha ka jira, isla amrkaana soo badnhigay hannaanka saboolnimada halkaasi ka jirta.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa soo bandhigay talooyin ku aaddan waxa sababay saboolnimada ka jira deegaannada Maamulka Galmudug iyo qaabka hadii la qorsheeyo looga baxi karo, wax ayna Golaha Wakiillada Galmudug bogaadiyeen qaabka wanaagsan ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay u waddo wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Wasiirka Qorshaynta Dowladd gobaleedka Galmudug  Mudane Cabdi Kafi Maxamed Maxamuud ayaa qiray in howl adag maalmahan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta Galmudug ay wadeen oo ku aaddan Wada-tashiga Qorsaha  Horumarinta Qaranka 9aad, ka Galmudug ahaana qiimo wayn ugu fadhiyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socata Dowladd gobaleedka Galmudug iyo sida wanaagsan oo ay ugu qeyb qaateen wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Agaasime Asad ayaa sharraxay muhiimadda wada-tashiga uu u leeyahay dalka iyo in la dhageysto ummadda waxa ay leedahay loona qorsheeyo  “ hada wareegga kowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ayaan ku jirnaa waxaan Sameyn doonaa ilaa sadax wareegg kale oo aan la yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogan, waan idinku soo laaban doonaa si aan u dhageysano taladiina”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...