Home Blog Page 1102

Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV);- Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada dadaalka Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan iney ku dhistaan mustaqbal adag oo dalkooda ah, ayuu yiri Hesham Youssef, kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka ee OIC.

Hadalkaan ayuu kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka Ururka OIC ka jeediyay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay 27-ka October 2018,ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dhanka kale  dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siiso Soomaaliya ayna ku dadaali doonto sidii loo siin lahaa kaalmada lagama maarmaanka u ah waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi oo Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaaliya ka taageertay horumarinta dhinacyada amniga,awood-siinta dhaqaalaha,barnaamijka shaqo abuurka ee dhalinyarada,nabada iyo dib- u-heshiisiinta,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Qadar ay hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dugsiyada, isbitaallada, xarumaha caafimaadka, guryaha loogu talagalay dadka saboolka ah iyo mashaariic lagu taageerayo dadka danta yar.

Wuxuu tilmaamay in Qatar Red Crescent Society iyo Qatar Charity ay bixiyeen gargaar bani’aadamnimo ah ayna fuliyeen mashaariic horumarineed oo qiimahoodu yahay $ 200mn, oo ay ku jiraan dhismaha iyo dayactirka xarumaha dawladda iyo waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho ee magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar Mr. Al-Muraikhi wuxuu ku celiyay taageerada joogtada ah ee Qatar ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan rajadooda iyo rabitaankooda ku aaddan in ay dhistaan Qarankooda, si ay u xaqiijiyaan mustaqbal barwaaqo ah oo jiilalka soo socda, ayna ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Shirka Kooxda xiriirka Soomaalia ee OIC oo 27-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka.

Howlgal maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo degmada Xarar-dheere oo ka socda Gobolka Mudug

0

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa wada abaabul ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Dhowaanahan Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii Kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow,waxaana ciidamada Xoogga dalka ay doonayaan iney Bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Qaranka ee ku sugan degmada Hobyo Baashe Cali Xaashi,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa shalay gaaray deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo degmadaasi iyo deegaanada Ku dhow.

Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug waa meesha keliya ee maleeshiyada Al-Shabaab hadda kaga sugan yihiin Gobolka Mudug,waxaana shacabka ku nool ay dhibaato xooggan ku qabaan Maamulka Kooxda argagixisada oo dul dhiga amaro culus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab,islamarkaana shacabka loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee Dowladda uga baahan yihiin.

Al-Shabaab oo Argagax galin iyo Qafaal ku haaya Shacabka degmada Jilib 

0

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa laba jibaaray dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan Xoola Dhaqatada iyo Beeralayda deegaanada qaar, iyagoo shacabka ku boobaya Diinta Islaamka oo ay ka been sheegayaan.

Dadka Beeralayda ah ee ku nool deegaanada Miyiga ah ee degmada Jilib ayaa ka cabanaya Qafaal Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u gaysanayaan Caruurtooda si ay u dagaal galiyaan iyo boob ay ku haayaan dalagyada ay beertaan.

Mid ka mid ah Horjoogayaasha Argagixisada oo meel fagaaro ah kula hadlayay Bulshada ay si xoog ah beerahooda iyo Guryahooda ay kaga soo saareen ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay inay keenaan wiilashooda iyo hantidooda si loogu dhibaateeyo shacabka.

“Wiilkaaga Ma’ahan midka aanan dagaalka ku jirin, waa inaa Dagaalka soo galisaan Wiilashiina, Sidoo kale waa inaa keentaan Xoolihiina sida Geela, Lo’da iyo Xoolaha kale oo aad haysataan, Beerihiina waxaa ka soo go’a dalagyo badan sida Sisinta, waa inaa ugu deeqdaan Islaamka.” Ayuu yiri Horjoogahaan ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka horumarinya Dhaqaalaha

0

SNTV:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray horumarada Maaliyadeed ee Dalka, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada ku lugtaleh arimaha dhaqaalaha xukumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda ,Qorsheynra , Beeraha iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Abdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hordhigay R/Wasaaraha iyo Wasiiradii ka qeybgalay shirka warbixin ku sabsan horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya, isla markaana ay dhawdahay rajada laga qabo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Mr Beyle ayaa sidoo kale faahfaahin ka siiyay shirka qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee kobaca Dakhliga iyo diyaarinta Miisaaniyadda Cusub ee 2019 ilaa iyo 2020.

Shirka dhaqaalaha Xukumadda ee todobaadlaha ah waxaa sii dheer shirar joogto ah oo ka dhaca gudaha Wasaaaradda Maaliyadda Soomaliya kuwaasoo lagu hormarinayo Dhaqaalaha iyo in la gaaro Hadafka Soomaaliya ee ah in isku filnaasho Dhaqaale.

Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool

0
Dalada Culumada gobolka Ohio ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SICO (Somali Islamic Centers Of Ohio) ayaa soo saaray Baaq Nabadeed oo ku aadan colaada Gobolka Sool.
Waxay culumadu ku tilmaameen dagaalkaasi in uu yahay mid xaaraam ah isla markaana aan ka tarjumayn islaamnimada, Dhaqanka, iyo Aqlaaqda suuban midna.
Dadka deegaanka ayay ugu yeereen in ay si aan kala har lahayn ugu istaagaan soo afmeerida dhiiga daadanaya iyada laga cabsanayo musiibo aaqiro iyo mid aduunba.
Culumada ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu yeeray in ay wada hadlaan isla markaana ka waantoobaan in ay caruurtooda, Hantidooda, iyo Naftoodaba ay ku haligaan dagaal wax natiijo ah oo ka soo baxayaa aysan jirin.
Garabyada ay dirirtu dhexmartay oo sida la sheegay ah dad wada dhashay waa musiibo aan indhaha laga qarsan karin loona baahnayn in ay dib u soo laabato ayay dhaheen culumada oo dhanka kale uga tacsiyeeyay dadkii ay ka dhinteen dadkii halkaasi lagu laayay kuwa dhaawaca ahna alle uga rajeeyay caafimaad.
Dowlada Soomaaliya iyo maamulada Jaarka la ah deegaankaasi ayay ka codsadeen in ay ka qeyb qaataan daminta colaada isla markaana fidiyaan gogol Nabadeed.
Waxay culumadu wax laga xumaado ku tilmaameen in dadka qaar ay dagaalkaasi ka hurinayaan dhanka Social Media ha taasna ay tahay wax laga xumaado iyaga oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha Bulshada in aysan u adeegsan daadinta dhiig walaalkood.
Ugu danbeeyn culumadu waxay u duceeyeen Dalka iyo Dadka iyaga oo alle uga baryay Nabad iyo xasilooni.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo tababar u furay Garsoorayaal

0

Muqdisho (SNTV);- Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 28/10/2018  tababar u furay Garsoorayaal ,sidoo kale waxaa uu Tababar u soo xiray dhalinyaro ka soo baxay kulliyada sharciga oo Tababar layli garsooranimo ku soo qaatay Maxkamadaha darajooyinkooda kala duwan yihiin.

Xaflada ayaa Waxaa  Goobjoog ahaa Guddomiyeyaasha Maxkamaddaha Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Banaadir.

Garsoorayaasha loo furay tababarka ayaa tiradoodu waxay gaareysa labo iyo toban Garsoore sidoo kale  dhalinyarada loo soo  xiray layli Garsooranimo  ayaa gaarayay siddeed Dhalinyaro

Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda sare dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed  oo ay garab taagan yihiin Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Iyo Gobolka Banaadir ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay dhalinyarada oo uu u xiray Tababar.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Hirshabeelle oo wado qorshe lagu horumarinayo Caafimaadka Xoolaha

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Dr. Xuseen Cusmaan Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa xirfada Xoola dhaqatadda iyo caafimaadka Xoolaha nool.

Dr. Xuseen Cusmaan Cilmi ayaa sheegay in qorshaha uu ugu jiro iney Xoola dhaqatada Hirshabeelle ay wax badan uga faa’ideeyaan qaabka wacyiga hadda jira xoolaha loo dhaqdo,tallaalKA xoolaha oo sanadkiiba mar la siiyo si loo ilaaliyo caafimaadka Xoolaha la dhaqo.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay iney tababar wanaagsan siiyeen shaqaalaha ka shaqeeya daaweynta Xoolaha,kuwaasi oo taga goobaha Xoolaha ay ku nool yihiin si ay ula tacaalaan caafimaadkooda una tallaalaan.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Maamulka Hirshabeelle ayaa hoosta ka xariiqay in wada shaqeyn wanaagsan kala dhaxeyso Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Dowladda Federaalka,islamarkaana ay ka taageerto mashruucyada lagu horumarinayo caafimaadka iyo tayada Xoolaha nool ee qaarkood dibada loo iibgeeyo.

Wasiir Cusmaan Libaax oo Golaha Aqalka sare ka codsaday in si deg deg ah ah loo ansixiyo sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka

Muqdisho (SNTV):- Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 3-aad ku yeeshay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa markale waxay ka doodeen hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka oo looga fadhiyo iney ansixiyaan.

Kullana maanta ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ,waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Senator Mowliid Xuseen Guhaad iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xildhibaan Cusmaan  Libaax Ibraahim.waxaana Senatarada markale fursad loo siiyay iney sharciga si wanaagsan u soo akhristaan si maalinta arbacada go’aan looga gaaro meelmarintiisa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ka hadlay kullanka ayaa tilmaamay in sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka uu muhiim u yahay dadka iyo dalka,islamarkaana loo baahan yahay in si dhaqso ah loo meelmariyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo hadal kooban ka horjeediyay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in sharcigan wax badan ku xiran yihiin loona baahan yahay in si deg deg ah loo ansixiyo.

“Sharcigan wax badan ayaa inooga xiran,waxaan codsan lahaa in la ansixiyo,waa muhiim sharcigan mudo ayuu horyaala Baarlamaanka Aqalka sare,” ayuu yiri Xildhibaan Cusmaan  Libaax Ibraahim.

Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkan qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Madax kale

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nairobi, xubno ka tirsan Alternative Basic education learning event, bangiga Adduunka iyo Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Kenya.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulanka koowaad la qaatay xubno ka mid ah Alternative Basic education learning event, iyaggoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda macalimiinta iyo doorka Dowladda.

“Waxaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shir kula yeeshay  xubno ka tirsan Alternative Basic education learning event, intii u dhaxeysay 24- 25-ka bishan, waxaan ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa xirfadda macalimiinta iyo doorka dowladda, shirkan waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska USAID ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in sidoo kale  uu kulan la qaata madax ka tirsan bangiga Adduunka 26 ilaa 27-kii bishan,  islamarkana ay ka wada hadleen isku duba ridka waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre  ayaa ugu dambeyntii magaalada Nairobi kulan kula qaatay hogaanka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla dalka Kenya, isagoo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha ay qaban ardeydan.

“Waxaan sidoo kale la kulmay hogaanka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha Kenya waxay noo sheegeen baahiyaha ay qaban, waxaan rajeyneynaa in wax badan ka qaban doono”ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

 

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wakiilada gaarka ah ee QM iyo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya”ayuu yiri Xogahaya.

Waxaa kale ee uu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac”waxaa laga wada hadlay sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan iyadoo sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare uu warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay”