Home Blog Page 1102

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya.

“Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya. Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Akhriso: Madaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee maamulkaasi

0

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa magacaabay qaar kamid ah Golaha Wasiirada K/galbeed Soomaaliya.

Hadaba Hoos ka Akhriso Xubnaha cusub ee la magacaabay.

Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Nairobi-(SNTV)-Maxkamad ku taalla Magaalada Nyeri, ee Dalka Kenya ayaa sii deysay Saddex Qof oo loo heystay in ay ka tirsanaayeen kooxdii weerarka ka geysatay dhismaha Dusit D2 Nairobi, bartamihii Bishii hore.

Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay Dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 Qof.

Isha/ Daily Nation

24 Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Hiiraan

Muqdisho-(SNTV)-Ugu yaraan 24 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo uu howl-galka Ciidanka Maraykanka Afrika ka geystay Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo Shalay kasoo baxay howl-galka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday saldhig ay argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeelleey oo qiyaastii 22 km Koofur Galbeed ka xigta Magaalada Baladweyne.

Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo duqeynta kasoo gaaray Dadka Rayidka ah eek u nool goobaha la weeraray, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Africom.

Agaasimaha howl-gallada Afrika ee Africom, Jeneraal; Gregg Olson, ayaa sheegay in ay wada shaqayn dhow leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda Caalamka, si ay loo dhowro Shacabka.

Wuxuu sheegay agaasimuhu, in taxadarku uu yahay qeyb ka mid ah istaraatiijiyadda ay ku duulayaan, weerarrada ka dhanka ah xag-jiriintuna ay sii wadi doonaan, iyagoo kaashanaya saaxiibbadooda bahwadaagta la ah,si horumar looga gaaro dagaalka lagula jira argagixisada Caalamiga ah ee kasoo horjeedda nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolka.

Isha/ The HILL

Amisom oo taliye cusub loo Magacaabay

0

Muqdisho-(SNTV)-Taliya cusub ee howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo Magacaabay ,Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya, kaas oo beddelaya, Jeneraal; Jim Beesigye Owoyesigire, oo xilka hayay tan iyo January 2018.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa guud ee howl-galka Amisom, Francisco Caetano Madeira, ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Labada taliye.

Francisco Madeira, ayaa taliyaha cusub kula dardaarmay in ay hortaallo shaqo, wuxuuna sheegay in howl-galku uu yahay mid aad u ballaaran, balse uu si fiican ugu kalsoon yahay inuu kasoo bixi karo waajibaadka ka saaran xoojinta Amisom.

Taliyaha cusub ee Amisom Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa leh Khibrad Milliteri oo gaareysa 34 Sano , isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay  hoggaanka Ciidanka difaaca Itoobiya ee ENDF loo yaqaan.

Dagaal xooggan oo Kooxo argagixiso ah ku dhex maray Soomaaliya

0

Boosaaso-(SNTV)- Wararka ka imanaya Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu dagaal qaraar ku dhex maray Kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale , halkaas oo Labada dhinacba uu kasoo gaaray qasaare xooggan.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yare) oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaannadaasi uu jab xooggan kasoo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen Malleeshiyaad badan.

Daacish oo layad Gacan ku haynta degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegayaa in ay haatan la wareegeen Kooxda Al-Shabaab, waloow ay weli is hor fadhiyaan Labada malleeshiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada Hubka ka joojisay Dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos taga, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku soo dhuuntaan Malleeshiyaadka taabacsan Al-Shabaab.

Dagaalka u dhexeeya kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysta qeyba ka mid ah Soomaaliya ayaa in dhowaalaba ka soconayay degaannada ay ku sugan yihiin, iyagoo iska dilay horjoogayaal iyo Malleeshiyaad badan.

Waxanay kooxahani marar badan ku dagaallamaan meelaha ay ku sugan yihiin, si uu mid waliba ugu madax bannaanaado dhaca iyo cadaadiska ay ku hayaan Shacabka iyo qalqal gelinta Bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo safar shaqo ku tagay Magaaladda Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Saraakiisha Booliska ee gobolkaasi ka howlgala.

Taliyaha ayaa kormeeray Xarumaha iyo Fadhiyada Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu kulan la qaatay Saraakiisha sare ee Ciidanka.

Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha booliiska labada maamul ee Puntland iyo Galmudug uu yahay mid qeyb ka ah dadaalada loogu jiro in la helo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta ciidamada booliiska soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, maadaama haddii la helo wada shaqeyn joogto ay qeyb ka qaadaneeyso yareynta  falal danbiyeedyada ka dhaca  Dalka.

Wafdiga  uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa muddooyinkii u danbeeyay  howlo shaqo oo ku aadan u kuur galida shaqada ciidanka Booliska iyo ka war doonista  baahiyada Ciidanka booliiska  ku marayay deegaano ka tirsan Dawlad Gobaleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo daahfuray shirka xal u helidda Barakacayaasha Gobolka Banaadir

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta daah-furay shirka waaxda xal u helidda barakacayaasha Gobolka Banaadir.

Kulanka oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dhammaan dhibaatooyinka calaamadda ku ah horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiillo ka socda Qaramada midoobay iyo hay’adaha sama-falka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kulanka furay ayaa sheegay in 2.6 Milyan oo Soomaali ah loo aqoonsan yahay in ay barakacayaal yahay, halka Hal Milyad Dad ka badanna ay daafaha Caalamka ku yihiin Qaxooti, isagoo tilmaamay in Nus Malyuun Qofna ay ku nool yihiin Magaalada Muqdisho.

Sababta ugu badan ee keenta Qaxa iyo barakaca ayuu ku tilmaamay, dagaallada sokeeye, fatahaadaha , duufaannada iyo abaaraha, kuwaas oo keena nabaad guur iyo is-beddel ku dhaca Cimmilada, Xoolahana ku qasba in ay nolol u soo raadsadaan Magaalooyinka.

Mudane, Khadar, ayaa faray hay’adaha Caalamka, maamul Goboleedyada iyo wasaaradaha ay khuseyso in laga fekero sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa Barakacayaasha Gobolka Banaadir iyadoo Alle la kaashanaya.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay ahmiyad weyn siisay xal u helista barakacayaasha, taas oo qeyb ka ah Tubta siyaasadda loo dhan yahay ee arrimaha Bulshada,wuxuuna ku micneeyay in Dadka kasoo hayaamay degaannadoodii hore ay qeyb ka yihiin Bulshada inteeda kale.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in barakacayaashu ay xaqna u leeyihiin in ay helaan ,amni, xuquuq, Nolol, Hooy iyo Hu’, wuxuuna sheegay in ay Dowladdu ay heegan u tahay sidii wax loogu qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabbilay Safiirrada Sweden iyo Norway ee Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka.

Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hay’adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka.

Sweden iyo Norway ayaa kamid ah Dowladaha dedaalka badan ku bixiyay sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan labayd Qaran jabkii iyo burburkii gaaray ee Sanooyinka badan soo jiitamayay.

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug

0

Hobyo-(SNTV)- Wafdi ballaaran oo ay hor kacaysay Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee   Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa Maanta gaaray Magaala Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wasiir, Fowziyo Abiikar, oo ay socdaalkeeda ku wehlinayeen, xildhibaanno ka mid ah Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka banaadir, ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Dad weyne fara badan.

Wafdiga ayaa intaa ka dib u sii gudbay Degaanka Gawaan oo hoos taga Magaalada Hobyo, halkaas oo laga hirgeliyay dhowaan Isbitaal loogu tala galay Hooyada iyo Dhallaanka.

Waxanay maamulka Isbitalka guddoonsiiyeen Dawo Hal Tan ah oo ay ugu deeqeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Caafidaamka, Fowziya Abiikar Nuur.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maanta gaaray Hobyo, ayaa waxay Indha-Indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Gawaan, waxanay halkaasi war-bixin ku aaddan baahiyahooda kaga dhageysteen shaqaalaha xarunta.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ka Dowlad ahaan ay ku dedaali doonaan wax ka qabashada cabashada Dad weynah , waxanay sheegtay in ay waajib ku tahay in ay ka jawaabto baahiyaha ka jira Bulshada dhexdeeda.