Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Xalay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland,  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa  Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay Gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan Dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxanay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...