Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

Date:

USA-(SNTV)-Maxamed Nuur, oo ah Soomaaliya Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii.

Mr; Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis.

Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen.

Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono.

Isha/ Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...