Dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed oo ka dhashay weerarkii ay Argagixisadu ka geysteen Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Dhimasho Dad rayid ah, dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa ka dhashay qaraxyo ay argagixisadu la beegsadeen bartilmaameedyo Rayid oo ku yaalla wadda Maka Almukarrama iyo Jidka 21 Oktoobar ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Argagixisada ah ayaa waxay galeen dhisme ay Dad Rayid ah deggan yihiin, halkaas oo ay dhufeys ka dhigteen, waxanay Ciidamadu ku howlan yihiin sidii ay ugu sifeyn lahaayeen Malleeshiyada.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay Saddex ka mid ahaa Kooxdii weerarka soo qaadday, waxanay Ciidamadu wadaan soo badbaadinta Dadka halkaasi ku jira, waloow intooda badan laga soo saaray dhismaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta weerarka oo dhab ah iyo qasaarahii ka dhashay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...