Banbax howleedka Dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Djibouti

Date:

Muqdisho (SNTV)-Banbax howleed ku saabsan Dib-u-Eeegista Dastuurka ayaa manta uga furmay Hay’adaha u xilsaaran Dib-ueegista Dastuurka – Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocdka Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurlka – magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

Banbax howleedka oo socon doona mudda 5 maalmood ah waxaa looga shaqayn doonaa sidii loo heli lahaa istiraatiijiyad midaysan oo ku saabsan wacyi galinta iyo latashiyada dadwaynaha oo ay isla meel dhigaan ha’adaha u xilsaaran dib-u- eegista dastuurka, sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan lagu diyaarin doonaa qorshaha midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-u-eegista dastuurka.

Furitaanka kulanka waxaa kalmado kookooban ka jeediyay wasiirka Wasaaradda Dastuurka mudane C/raxmaan xoosh Jibriil, Gudoomiyaha Guddiga La socodka Baarlamaanka, Mudane Cabdi xasan Cawaale Qaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Mudane Maxamed Daahir Afrax, sidoo kale waxaa casharro ku saabsan samaynta istaraatiijiyadda ka soo jeediyay quburro ka socda hayadha maxa plan iyo UNDP.

Wasiirka Wasaaradda Arriimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Kulanka si rasmi ah u furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo wajaho latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha ee dib-u-reegista dastuurka.

“la tashiga dadwaynaha waa muhiimadda koowaad ee hay’adaha u xilsaran dib-u-eegista dastuurka si loo helo aragti midaysan oo ku aadan dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxaa muhiim ah in guddiyada iyo wasaaradda ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xasilooni siyaasadeed si loo dhamaystiro dastuurka” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Gabagabadii Gudoomiyayaasha labada guddi ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid – Guddiga La Socodka iyo Prof. Mohamed Dahir Afrax – Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka ayaa labaduba soo dhoweeyay in si wada jir ah looga shaqeeyo diyaarinta istaraatiijiyadda midaysan ee Wacyigalinta iyo Latashiyada dadwaynaha ee dib-u-eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

GOLAHA WASIIRRADA OO SOO DHAWEEYEY GO’AANKII QM EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay...