Home Blog Page 1103

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa siyaasadda iyo nabadda qaramada midoobay.

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo oo Muqdisho safar kusoo gaartay.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay ayaa ku heshiiyay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya.

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Rosemary A. DiCarlo, madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), waxa ay xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, kala talisaa arrimaha nabadda iyo amniga caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo xiray kulan looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada

0

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan Aqoon Isweydaarsiga ah ee looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed iyo faafreebka Filimada oo soconayay mudo laba maalin ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xuluumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Intii uu kulanka socday waxaa si weyn looga dooday muhiimadda wakaaladda filimada Soomaaliyeed ay leedahay iyo doorka ay ka qaadan jirtay horumarinta  filimada iyo faafreebka, iyadoo xiritaanka Kulanka ay ka qeyb galeen  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Wakaaladda Filimada. Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA, Abwaano  mas ‘uuliyiin ka socotay Xarumaha  Keybalada ka shaqeeya filimada  aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay ayaa ka hadlay figradahooda ku aadan sida loo hormarin karo Wakaaladda Filimada.

Agaasimaha Wakaalada  Filimada Soomaaliyeed Saalax Shire Shabeel ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka uu ka soo baxay qodobo muhiim ah oo  ku aadan sida lagu horumarin karo Wakaaladda filimada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhaqan gelin doonto qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay kulanka labada cisho socday.

Ku dhawaad 30 sano kaddib Wasaaradda Warfaafinta ayaa qaadeyso tilaabo dib boorka ay ugu jafeyso Wakaalada filimada, iyadoo Wasaaraddu diyaarineyso sharciga copy right-ka Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Kuwait oo noqol kamid ah Waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalkaasi “Sawirro”

0

Kuwait (SNTV)- Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Odowaa ayaa Nuqul kamid ah Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo u gudbiyey Ku-xiggeenka Ra’iisul wasaaraha Dawladda Kuwait ahna Wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi, waxaana kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda arrimaha dibada.

Kulanka Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait uu la yeeshay Ku-xiggeenka Ra’iisul wasaaraha Dawladda Kuwait ahna Wasiirka arrimaha dibada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka ku-xiggeenka Wasaaradda arrimaha dibada, Kaaliyaha arrimaha Maamuuska ee Wasaaradda arrimaha dibada Kuwait, Kaaliyaha Wasiirka arrimaha Dibada, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait iyo Madax kale.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Kuwait ayaa madaxda dalkaasi ee uu la kulamay waxa uu kala hadlay Xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait iyo siddii loo sii dardar gelin lahaa iskaashiga labada dal.

Danjire Cabdullaahi Odowaa Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa sheegay in Dawladda Kuwait ay boggaadisay Horumarka iyo dib usoo kabashada Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in ay garab istaagaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Danjire Cabdullaahi Odowaa ayaa xusay in Madaxda Dawladda Kuwait ee kulanka uu la yeeshay ay u rajeeyeen in uu ku guuleysto Masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Maxkamadda Wajeer Kenya oo xukuntay Rag looga shakisan yahay Al-Shabaab

Wajeer-Kenya-(SNTV)-Maxkamad ku taalla Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya, ayaa min 15 Sano oo Xabsi ah ku ridday Saddex Nin oo ku eedeysan in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Mbarouk Ali Adibu oo 34 jir ah, Idarous Abdirahman oo 32 jir ah iyo Islahi Juma, oo 22 jir ah, ayaa dhammaantood ka soo jeeda Dalka Tansaaniya, waxaana lagu helay agabka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan qaraxyada, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda, Amos Makoros.

Raggan oo ay laamaha ammaanku qabteen Sanad ka hor , xili ay qorsheynayeen in ay ka tallaabaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa dib loo dhigay xukunkooda October 19, 2018, markii la waayay xog dhammeystiran oo ku aaddan dembiga lala xiriirinayo.

Maxkamadda Magaalada Wajeer ee Waqooyi bari Kenya , ayaa qabatay in ka badan 50 Kiis oo la xiriira Dacwadaha ka dhanka ah Dadka la tuhmayo in ay Gacan-saar dhow la leeyihiin Kooxaha argagixisada.

Isha/Agencies

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka hadashey taariikhda Dr Professor Dr. Saalax Cabdalla Cumar

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda FEderaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ka tacsiyadeysay geerida Professor Dr. Saalax Cabdalla Cumar oo ku geriyooday magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska wasiirka Caafimaadka ayaa lagu faah faahiyay si kooban qaar kamid ah waxqabadkiisa iyo taariikhdiisa.

Innaa Lillaahi waa Innaa ILeehiRaajicuun, Waxaan Umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa Geerida naxdinta leh ee ku timid  Professor Dr. Salah Abdalla Omar oo kugeeriyooday Muqdishu oo kamid ahaa Takhaatiirtii tiirarka u ahay daassiddiiiyo dhaqangelintii caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Somaaliyeed.

Waxqabadka.-Professor Dr. Saalax Cabdalla Cumar.

Wuxuu waxbarasho heer takhasus ah ku soo qaatay dalka gudahiisa iyo dalal kala duwan ee Dibadda sida USA,Talyaaniga, Wadamada carabta,isagoo ku takhasusay Cudurada Haweenka iyo Dhalmada, oo u ku shaqeynayey in ka badan 38 Sano.

Wuxuu ka soo shaqeeyey dhammaan Gobollada Dalka iyo wadamo Dibadda ah.

Wuxuu ahaaTakhtar ku caanbaxay Samafalka gaar ahaan wax u qabashada iyo Daryeelka Haweenka iyo qoysaska danyarta ah, asagoo maalinkasta oo Arbaca ah ku sameyn jiray Isbitaalka Banadir Qalliimo lacag La’aan ah.

Burburkii kadib wuxuu wax qabadkiisu u badnaa Xeryaha Barakacayaasha iyo Xaafadaha iskuraranka ah ee Magaalada Muqdisho hareeraheeda kuyaalla.

Wuxuu Gobollada kala duwan ee dalka u aadijiray olole Daryeeleela xiriira Caafimaadka haweenka Xaaladooda Adagtahay iyo kuwa danyarta ah.

Wuxuu Bare sare ka ahaa Kulliyadaha caafimaadka ee Jaamacadaha kala duwan ee dalka,asagoo ka dhigijiray maadooyinka dhalmada iyo Cudurada haweenka

Wuxuu ahaa khabiir ku caanbaxay Qaliimada Cudurada haweenka soonasaarayTakhaatiir badan oo aqoon u leh Takhasuskaas.

Wuxuu ka mid ahaa barayaasha sare ee Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan Tababarka xaaladaha deg-deggaah ee dhalmada, wuxuuna wax ka dejiyey Manhajka Tababarka Takhasuska eeTakhaatiirta da’dayarta ah ee la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ee dhalmada.

Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhiya kuwait oo gaaray dalkaasi

0

Kuwait (SNTV) Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwiat Danjire Cabdullahi Odawa ayaa garay caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Danjire Danjire Cabdullahi Odawa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey

Madax ka socotay  waasiirka arrimaha dibadda Wadanka kuwait Sheekh Khalid Alfarasi iyo mas’uuliyiin kaleoo ay kamid ahaayeen ahayeen 19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee kuwait oo uu hor kacayay siihayaha safaaradda Abiib Muusa Faraax,aqoon yahano iyo qaar kamid ah jaaliyadda SOomaaliyeed ee kunool dalkasi ayaa kamid ahaa soo dhaweynta danjiraha.

Danjire Cabdullahi Odawa  ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya SOomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay.

Sidoo kale wuxuu niyad wanaag iyo dhiirogelin u muujiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kuonool,kuwaasi oo safiirka ka sugaya sidii ay u heli lahaayeen adeegyadii muwaadiniintu ay uga baahnaayeen safaaraddooda.

Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Kuwait (C/llaahi Macalin Nuur)

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxwayne Kenyatta oo Ka Wada Hadlay Adkaynta Xariirka Labad Dawladood

0

Nairobi (SNTV) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka Furay Shirka Horumarinta Fillimada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta daah furay shir looga hadlayey  siddii loo Horumarin lahaa Filimada Soomaaliyeed iyo Faaf reebka  Filimada, waxaana uu socon doonnaa kulankaan muddo labo maalin ah.

Furitaanka Kulanka ayaa Waxaa ka soo Qeyb  Galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaaradda,  Agaasimaha Wakaaladda Filimada ,Agaasimaha SONNA, Abwaanno,  Mas ‘uuliyiin ka Socday Xarumaha  Keybalada ka shaqeeya filimada, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa si weyn looga dooday muhiimadda wakaaladda filimada Soomaaliyeed ay leedahay iyo doorka ay ka qaadan jirtay horumarinta  filimada iyo faafreebka, waxaana laga hadlay in muhiim ay tahay in loo baahanyahay in la dardar galiyo  horumarinta wakaalada filimada soomaaliyeed.

Agaasimaha Wakaalada  Filimada Soomaaliyeed Mudane Salax Shire Shabeel  ayaa ka warbixiyay howlaha wakaaladda filimada Soomaaliyeed isagoo sheegay in doorkii Wakaaladda Filimada uu soo laabtay ayana Xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa Filimaan tayo leh kuwaas oo ilaalinaya dhaqanka suuban ee umadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa ka hadlay muhiimada ay wakaalada filimada u leedahay Bulshadda Soomaaliyeed iyo doorka ay qaadan karta xiligan isagoona sheegay in shirkan laga sugaya in ay ka soo badaan wax wanaagsan kuwaas oo tusaale wanaagsan u noqon karo Horumarinta Filimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud geelle  oo furay shirkan socon doono maanta iyo Barito ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda filimada, si loo dhowro anshaxa filimada.

Ku Dhawaad Sodon Sano kadib Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadeysa tallaabo dib boorka looga jafayo Wakaaladda Fillimada Soomaaliyeed, iyaddoo Wasaaradda ay diyaarineyso Sharciga Copyright-ka.

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo tababar u furtay haween booliska ka tirsan

0

Muqdisho (SNTV)- Tababarkaan oo socon doono labo maalmood laguna baranayo gudbinta kiisaaska cul culs iyo ilaalinta Xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 50 haween oo ka tirsan ciidanka Booliska, si ay qeyb uga noqdaan ka hortagga caqabadaha ay la kulmaan haweenka mararka qaar.

Waxaa soo qaban qaabiyay hay’adda SWDC,  waxa ayna sheegeen in ay ugu talagaleen in la helo haween ciidanka booliska oo goobaha arrimaha bulshada ka howlgalo, si looga foggaado tacadiyada iyo dhibaatoyinka haweenka.

Xildhibaan Mino Xasan Shibis oo ka tirsan golaha Shacabka iyo Senator Zamzam Daahir Maxamuud, golaha Aqalka sare baarlamaanka ee dalka oo madasha ku sugnaa ayaa ku dhiira galiyay tirada haweenka ku jira booliska iyo doorkooda waxa kaloo intaa ay ku dareen in gabdhaha jaamacadaha ka baxa looga baahanyahay in ay ku soo biiraan ciidanka booliska, si qeyb uga noqdaan amniga Dalka.

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen, oo tababarka furtay ayaa  sheegtay in taliska ciidanka booliska uu diyaar u yahay in hoggaanada ciidanka inay ka mid noqdaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Qaarada Africa tirada haweenka ku jira ciidanka booliska waxaa hoggaaminayo dalka Gana 20% gabdhaha ciidanka booliska, kaalinta 2aad waxaa ku jira dalka laberia 17%, kaalintaa seddexaad ee africa waxaa soo galay  Soomaaliya oo  11%  ay yihiin haweenka ciidanka Booliska.

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kulamadii mira dhalka ahaa ee Garoowe

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is ogolaanshaha iyo midnimada hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u yihiin xaqiijinta dib u kabashada dalka iyo ka dhabaynta himillada ku aaddan Soomaaliya horumarsan, amni ah oo dadkeedu nolol wanaagsan ku haystaan.

“Waxaan rabaa inaan halkan ugu mahadceliyo shacabka reer Garoowe iyo Puntland, Madaxweynahooda iyo dowladdooda, sida wanaagsan ee walaaltinnimada leh, Soomaalinnimadu ku jirto ee ay aniga iyo wafdigayga noo soo dhaweeyeen. Runtii waxay ahayd wax aad iyo aad loogu farxo oo aan mar walba ka filaayey dadka reer Puntland ee nabadda jecel.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dardar geliso xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, loona kaabo shaqadooda, si loo mideeyo qorsheyaasha iyo dadaallada horumarineed ee dalka, looguna adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u hamuun qaba dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash),masuuliyadda adag ee loo doortay, uuna waafajiyo dhammaan wixii dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey kulamadii miro-dhalka ahaa ee Garoowe uu kula soo qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, culumada, duubabka dhaqanka, waxagardkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.