Home Blog Page 1103

Guddoomiye Eng.Yarisow “In Muqdisho lagu qabto Shirar Caalami ah waxay ka tarjumaysaa amniga iyo Horumarka Caasimadda”

Muqdisho (SNTV): — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinacyada kala duwan ee Caasimaddu ku tallaabsatay muddooyinkii la soo dhaafay.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Casho sharafeed u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, isagoo warbixin ka siiyey taariikhdii kala duwanaa ee Caasimaddu ay soo martay, isla-markaana xusay in waqtigan la joogo dib-u-soo kabasho dhinac walba ah ay ka jirto Magaalada Muqdisho.

“Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkan u leeyahay dalka, waxuna uga mahadceliyey ka qeyb-galkooda wafuudii ka socotay dalalka xubnaha ka ah ururka.

Munaasabadda Cashada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano, Xogahayaha Maamulka Gobolka Banaadir Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Marwo Basmo Caamir Axmed, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Diblumaasiyiin, Siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Akhriso: War murtiyeedka laga soo saaray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC

0

shirkan oo uu maanta magaalada Muqdisho ka furay ra,isulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa laga soo saaray 20 qodob oo kala ah.

1- Shirka waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada, xasilloonida,sharafta dhulka iyo daacadnimada dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in la kordhiyo ballanqaadyada siyasaadeed ay sameynayaan Beesha caalamka.

2. Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay ku qanacsanaanta heshiisyada siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (FMS) ee ku saabsan qaabka doorashooyinka 2020 iyo wadaagida khayraadka,taasi oo lagu gaaray Baydhabo bishii Juun 2018.
Heshiisyadani waxay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonaan isku-xirka qaab-dhismeedka Federaalka ee dawladda iyo abuurista qaab siyaasadeed oo joogto ah oo dalka loogu talagalay.

3- Shirku waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Soomaalida, xasilloonida, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo matalaad siman oo loogu talagalay haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, tan iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

4 – Waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Gobolka Banaadir (BRA), Baarlamaanka, hay’adaha diinta, xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo muwaadiniin badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale bulshada rayidka ah.

5. Shirku wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay dedejiyaan bixinta taageerada maaliyadeed iyo mida lojistikada ee loo fidiyo Ciidamada amniga Soomaaliya,sidoo kale waxay dhinacyada shirka isku raaceen muhiimada tababarka ciidamada qaranka ee Soomaaliya si loo xoojiyo xaaladda ammaan ee dalka.

6- Shirku si adag ayuu u cambaareeyay falalka xag-jirnimada iyo dhammaan falalka argagixiso ay geystaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ku aadan sii wadida inay weerarto dadka aan waxba galabsan, AMISOM iyo ciidamada amniga.
Waxayna adkeeyeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC dadaalada ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan iney kaga hortagaan rabshadaha kooxaha argagaxisada kuna soo celiyaan nabada iyo waliba dib u heshiisiinta.

7- Shirku wuxuu soo dhaweeyay aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qadarisay kagana mahad celisay Dowladaha ka qayb qaatay gurmadka iyo daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October ee sanadkii 2017dii ka dhacay Muqdisho,waxay Dowladda Federaalka sheegtay iney ku qanacsan tahay taageeradii ay u fidiyeen dalalka Djibouti, Egypt, Qatar, Boqortooyada Sacuudiga, Sudan, Turkey iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

8- Shirku wuxuu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Iskaashiga Soomaaliya Brussels 16-17 July 2018 sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga gaaray tan iyo shirarkii London iyo Muqdisho ee lagu qabtay May iyo December 2017, kaas oo OIC ay ka qaybgaleen.

Waxa ay ku baaqday in ay sii wadaan iskaashi caalami ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaalida si loo ogaado ujeedooyinka Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya.

9. Kulanku wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay horumaradii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika.

10- Shirku waxa kale oo uu xusay mahad celin loo jeediyay shirka arrimaha Bani’aadamnimada oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen OIC iyo la-hawlgalayaasheeda 11-kii Abriil 2017 ee lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo wada-hawlgalayaasha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hay’adaha maxaliga NGO-yada ah iyo kuwa caalamiga sida UN, FGS iyo deeq-bixiyeyaasha si kor loogu qaado wacyiga xaaladda abaarta iyo in ay wax ka qabato saameynta ay ku leedahay dadka ugu nugul.

Dadaalka beesha caalamka iyo qurba-joogta Somalida ayaa ka caawiyay in ay ka hortagaan macluusha sannadka 2017.

11- Shirku waxa uu soo dhaweeyay dadaalka waqtigii ku habboon lagu helay ee uu bixiyay Turkiga, oo ah Guddoomiyaha Shirweynaha OIC, si uu u abaabulo Mashruucyada OIC una qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta waddamada ay abaartu saameysey oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo helo xogta hore ee ku saabsan xaaladda bini’aadanimo si looga gudbo saameynta xun ee abaarta socota dhowrka sanadood iyadoo loo eegayo saadaasha cimilada.

12- Shirku wuxuu ka codsaday Dawladaha xubinta ka ah OIC iyo hay’adaha maaliyadeed inay sii kordhiyaan caawinaadooda ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadamnimada ee FGS iyo gobollada nugul, si loo dhiso Qaab-dhismeed Dib-u-habeyn iyo Dib-u-soo-kabasho (RRF), oo waafaqsan “Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya”.

13- Shirku wuxuu dib u eegay guud ahaan hawlaha OIC ee Soomaaliya soona dhaweeyay isbeddelka xafiiska OIC ee Kaalmaynta si uu gacan uga geysto horumarinta siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Soomaaliya.

14. Shirku wuxuu u hambalyeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah ee dib u furay xarumahooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyaga oo raacaya natiijooyinki ka soo baxay shirarkii heer wasaaradeed ee Kooxda oo qabtay intii lagu jiray fadhigii 72aad ee UNGA ee magaalada New York,kaasi oo diirada lagu saaray in Dowladaha xubnaha ka ah Ururka OIC Dib u furaan xafiisyadooda dibloomaasiyadeed ee Muqdisho.

15- Sidoo kale, Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka OIC,Hay’adaha Maaliyadeed,NGO-yada Islaamka ayaa loogu baaqay iney sii wadaan taageeradooda Soomaaliya si loo joogteeyo gargaarka bini-adanimo loona yareeyo dhibaatada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliya.

16. Kulanka ayaa lagu baaqay taageero dhaqaale oo toos ah loo siinayo Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaheeda,waxaana lagu ammaanay dhaqaalaha miisaaniyada Dowladda lagu kabayo ee ay bixiyeen dalalka Sucuudiga iyo Turkiga iyo taageerada dhaqaale ee Masar oo ay ku dabooleyso adeegyada asaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin,si taa la mid ah OIC ayaa ku ammaantay Dowladda Qadar taageerada ay siiso Soomaaliya,waxayna wadamada kale ugu baaqeen iney sii wadaan kaalmeynta Soomaaliya.

17- Kulanku wuxuu soo dhaweeyay horumarka ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya fulinta barnaamijka saddexaad ee IMF. Shirku wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in lacagaha deynta laga cafiyo si loo yareeyo culeyska heysta shacabka Somaaliyeed.

18.- Shirku waxa uu soo dhaweeyay hindisaha Dawlada Kuwait ee martigelinta Shirka deeqbixiyeyaasha kor loogu qaadayo Waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Xoghaynta Guud in ay sii wadaan dadaalkooda ah in ay qabtaan Shirweynaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Siyaasadeed iyo Xagjirnimada bisha December.

19- Shirku wuxuu qadarin u muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Isse Cawad taageerada iyo ka qaybqaadashadooda intaba.

Waxay sidoo kale, Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo xukuumadda dadaalkooda ku aaddan in si guul ah u furmo una soo gaba-gaboobo shirkan iyo marti-gelinta diirran ee loo fidiyay wufuudaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Xoghaynta Guud.

20- Ugu danbeyntii,Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in kullanka xiga uu dhaco 2019.

Qore.Bashiir Gaani

Akhriso: Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC

0

Muqdisho (SNTV):- Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho,waxaana shir guddoominayay Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Qadar Mr. Sultan Al-Muraikhi.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan oo furay shirka ayaa soo dhoweeyay shirkan taariikhi ah.

Waxaana saacadaha uu shirka socday diiradda lagu saaray horumaradii ugu danbeeyay ay gaartay Soomaaliya,sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka,waxaana shirka laga soo saaray warmurtiyadeed ka kooban 20-Qodob.

1- Shirka waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada, xasilloonida,sharafta dhulka iyo daacadnimada dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in la kordhiyo ballanqaadyada siyasaadeed ay sameynayaan Beesha caalamka.

2. Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay ku qanacsanaanta heshiisyada siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (FMS) ee ku saabsan qaabka doorashooyinka 2020 iyo wadaagida khayraadka,taasi oo lagu gaaray Baydhabo bishii Juun 2018.
Heshiisyadani waxay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonaan isku-xirka qaab-dhismeedka Federaalka ee dawladda iyo abuurista qaab siyaasadeed oo joogto ah oo dalka loogu talagalay.

3- Shirku waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Soomaalida, xasilloonida, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo matalaad siman oo loogu talagalay haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, tan iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

4 – Waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Gobolka Banaadir (BRA), Baarlamaanka, hay’adaha diinta, xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo muwaadiniin badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale bulshada rayidka ah.

5. Shirku wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay dedejiyaan bixinta taageerada maaliyadeed iyo mida lojistikada ee loo fidiyo Ciidamada amniga Soomaaliya,sidoo kale waxay dhinacyada shirka isku raaceen muhiimada tababarka ciidamada qaranka ee Soomaaliya si loo xoojiyo xaaladda ammaan ee dalka.

6- Shirku si adag ayuu u cambaareeyay falalka xag-jirnimada iyo dhammaan falalka argagixiso ay geystaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ku aadan sii wadida inay weerarto dadka aan waxba galabsan, AMISOM iyo ciidamada amniga.
Waxayna adkeeyeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC dadaalada ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan iney kaga hortagaan rabshadaha kooxaha argagaxisada kuna soo celiyaan nabada iyo waliba dib u heshiisiinta.

7- Shirku wuxuu soo dhaweeyay aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qadarisay kagana mahad celisay Dowladaha ka qayb qaatay gurmadka iyo daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October ee sanadkii 2017dii ka dhacay Muqdisho,waxay Dowladda Federaalka sheegtay iney ku qanacsan tahay taageeradii ay u fidiyeen dalalka Djibouti, Egypt, Qatar, Boqortooyada Sacuudiga, Sudan, Turkey iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

8- Shirku wuxuu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Iskaashiga Soomaaliya Brussels 16-17 July 2018 sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga gaaray tan iyo shirarkii London iyo Muqdisho ee lagu qabtay May iyo December 2017, kaas oo OIC ay ka qaybgaleen.

Waxa ay ku baaqday in ay sii wadaan iskaashi caalami ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaalida si loo ogaado ujeedooyinka Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya.

9. Kulanku wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay horumaradii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika.

10- Shirku waxa kale oo uu xusay mahad celin loo jeediyay shirka arrimaha Bani’aadamnimada oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen OIC iyo la-hawlgalayaasheeda 11-kii Abriil 2017 ee lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo wada-hawlgalayaasha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hay’adaha maxaliga NGO-yada ah iyo kuwa caalamiga sida UN, FGS iyo deeq-bixiyeyaasha si kor loogu qaado wacyiga xaaladda abaarta iyo in ay wax ka qabato saameynta ay ku leedahay dadka ugu nugul.

Dadaalka beesha caalamka iyo qurba-joogta Somalida ayaa ka caawiyay in ay ka hortagaan macluusha sannadka 2017.

11- Shirku waxa uu soo dhaweeyay dadaalka waqtigii ku habboon lagu helay ee uu bixiyay Turkiga, oo ah Guddoomiyaha Shirweynaha OIC, si uu u abaabulo Mashruucyada OIC una qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta waddamada ay abaartu saameysey oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo helo xogta hore ee ku saabsan xaaladda bini’aadanimo si looga gudbo saameynta xun ee abaarta socota dhowrka sanadood iyadoo loo eegayo saadaasha cimilada.

12- Shirku wuxuu ka codsaday Dawladaha xubinta ka ah OIC iyo hay’adaha maaliyadeed inay sii kordhiyaan caawinaadooda ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadamnimada ee FGS iyo gobollada nugul, si loo dhiso Qaab-dhismeed Dib-u-habeyn iyo Dib-u-soo-kabasho (RRF), oo waafaqsan “Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya”.

13- Shirku wuxuu dib u eegay guud ahaan hawlaha OIC ee Soomaaliya soona dhaweeyay isbeddelka xafiiska OIC ee Kaalmaynta si uu gacan uga geysto horumarinta siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Soomaaliya.

14. Shirku wuxuu u hambalyeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah ee dib u furay xarumahooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyaga oo raacaya natiijooyinki ka soo baxay shirarkii heer wasaaradeed ee Kooxda oo qabtay intii lagu jiray fadhigii 72aad ee UNGA ee magaalada New York,kaasi oo diirada lagu saaray in Dowladaha xubnaha ka ah Ururka OIC Dib u furaan xafiisyadooda dibloomaasiyadeed ee Muqdisho.

15- Sidoo kale, Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka OIC,Hay’adaha Maaliyadeed,NGO-yada Islaamka ayaa loogu baaqay iney sii wadaan taageeradooda Soomaaliya si loo joogteeyo gargaarka bini-adanimo loona yareeyo dhibaatada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliya.

16. Kulanka ayaa lagu baaqay taageero dhaqaale oo toos ah loo siinayo Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaheeda,waxaana lagu ammaanay dhaqaalaha miisaaniyada Dowladda lagu kabayo ee ay bixiyeen dalalka Sucuudiga iyo Turkiga iyo taageerada dhaqaale ee Masar oo ay ku dabooleyso adeegyada asaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin,si taa la mid ah OIC ayaa ku ammaantay Dowladda Qadar taageerada ay siiso Soomaaliya,waxayna wadamada kale ugu baaqeen iney sii wadaan kaalmeynta Soomaaliya.

17- Kulanku wuxuu soo dhaweeyay horumarka ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya fulinta barnaamijka saddexaad ee IMF. Shirku wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in lacagaha deynta laga cafiyo si loo yareeyo culeyska heysta shacabka Somaaliyeed.

18.- Shirku waxa uu soo dhaweeyay hindisaha Dawlada Kuwait ee martigelinta Shirka deeqbixiyeyaasha kor loogu qaadayo Waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Xoghaynta Guud in ay sii wadaan dadaalkooda ah in ay qabtaan Shirweynaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Siyaasadeed iyo Xagjirnimada bisha December.

19- Shirku wuxuu qadarin u muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Isse Cawad taageerada iyo ka qaybqaadashadooda intaba.

Waxay sidoo kale, Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo xukuumadda dadaalkooda ku aaddan in si guul ah u furmo una soo gaba-gaboobo shirkan iyo marti-gelinta diirran ee loo fidiyay wufuudaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Xoghaynta Guud.

20- Ugu danbeyntii,Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in kullanka xiga uu dhaco 2019.

Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Kuweyt  ayaa bulshada caalamka ugu baaqday inay taageero siyaasadeed iyo mid maadi ah u fidiyaan Soomaaliya oo iminka mareyso marxalad ay kaga soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.

Baaq  ayaa ka dambeeyay kadib markii, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi una qaabilsan arrimaha ururada Dowliga  ah Nasir Alheyn uu hadaal ka jeediyayShirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) oo manta  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wasiirku intaa raaciyay inuu dalkiisa kuweyt waxba kala haraynin  dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa amniga Soomaaliya,isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa, iyadoo la raacayo qaraarkii tirsigiisu ahaa 145 oo ka soo baxay kulankii 45-aad ee Golaha wasiirada ururka Iskaashiga Islaamka ee la xiriirtay xaalada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii loo taaba gelin lahaa hadafka  ay hiigsaneyso ee dhanka horumaarka ah.

Wuxuuna Wasiirka cadeeyay in hadafkaasi oo dowr weyn ka qaadanayo xaqiijinta himilada Soomaaliya iyo sidii ay ula jaanqaadi laheyd caalamka,wuxuuna intaa raaciyay in dalkiisa uu martigelin doono mustaqbalka dhow shirka dalalka deeq-bixiyeyaasha ee Waxbarashada Soomaaliya,taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarka xasiloonida, waxbarashada, faafinta luqada carabiga iyo hirgelinta manhajyo waxbarasho  ka fog afkaarta xagjirnimada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Norwey u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb: verbjorn Hines.

Labada Mas”uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Norway.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii loo diyaarin lahaa barnaamijyo lagu hormarinayo Golaha shacabka laguna xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan.

Safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb verbjorn Hines ayaa sheegay in Dowladda Norway mar walbo garab taagan tahay Golaha shacabka.

“Mudane guddoomiye waxaan kaaga mahad celinaya sida diiran ee aad xafiiskaaga igu soo dhoweysay, Dowladda Norway iyo shacabkeeda waxa ay  diyaar u yihiin in Soomaaliya ay garab istaagaan mar walbo, waxan kuu balan qaadaya howlaha aan hada wadno inan sii balaarino”. ayuu yiri Amb verbjorn Hines.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaay xiriirka wanaagsn ee Soomaaliya kala dhaxeeya Dowladda Norway.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dowladda Norway ay Baarlamaanka Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan.

“Dowladda Norway waxa ay ka mid tahay Dowladdaha Baarlamaankeena si wanaagsan u taageera uguna caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah howlaha aan wadno”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Labada Ma”suul ayaa ku balamay in la qabto kulamo heer farsamo ah oo lagu diyaarinayo mashaariic ka turjumeysa waxqabadka in la kordhiyo iyo in la fuliyo wixii lagu balamay.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo faah faahin ka bixiyay qodobada ka soo baxay Shirka OIC

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Sida Wasiir Cawad uu sheegay Shirka waxaa Khudbad loo bogay ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“ Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goob joog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale,Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay qodobo muhiim ah

0

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa kii 18-aad ee kalfadhiga 4-aad, waxaana soo xaadiray 149 Xildhibaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka shir guddoominaayay.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa saddex qodob oo kala ah:

  1. Dhameystirka dooda  aqrinta labaad hindise sharciyeedka golaha mihnadlyaasha caafimaadka qaranka.
  1. Aqrinta labaad hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM).
  1. Qeybinta xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn mar kale ka dooday sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaarada caafimaadka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in qodobo muhiim ah lagu daro wax ka badalna lagu sameeyo qodobada qaar ee sharcigaan si muwaadiniinta soomaaliyeed ay u helaan xarumo caafimaad oo tayo leh.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa xildhibaanada mar kale horgeeyay sharciga wax ka badalka siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM) oo aqrintiisa labaad galay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddiga ay ka sugayaan warbixinta aqrinta 3-aad.

Guddoomiye Mahad ayaa sheegay in xildhibaanada ay intooda badan ku raaceen guddiga qaabka ay warbixinta usoo diyaariyeen iyo sida ay u aqbaleen talooyinkii ay dhiibteen xildhibaanada.

Ugu dambeyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Muqdisho oo markii ugu horreeysay Martigalisay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC).

Muqdisho (SNTV)–Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jooga wufuud ka kala socota 15 dal oo ku bahoobay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islamaka (OIC), oo ay xubin ka yihiin 57 dowladood , kuwaasi oo ka qeyb galalaya kulan heer Wasiiro Arrimo dibadeed ah oo uu Shir maanta uga furmay Muqdisho, kaasi oo ah hal Maalin.

Shirkani ayay Soomaaliya martigelineysaa, iyadoo la raacayo qaraaradii ka soo baxay shirarkii kan ka horreyay ee 44-aad iyo 45-aad ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo Dhaka, ee Wadanka Bangladesh.

Kullankan ayaa diiradda lagu saarayaa ama Ajendayaasha Shirkaasi looga hadlayaa ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya gacan la siiyo arrimha ay ku jirto ee dhnica Dib u hishiisiinta, Doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomaan Dalka sanadka 2020-ka iyo dib u dhiska Soomaaliya iyo arrinta ku saabnsan Deymanka oo la rabo in laga cafiyo, maadaama Dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ugu horreeyaan Ururka Golaha Iskaashiga Islaamka, sidii Soomaaliya looga caawin lahaa amniga iyo soo celinta kala dambeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladda.

Haddaba shirkan iyo ahmiyadda uu u leeyahay Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Dr. Maxamed Nuur Gacal, Wasiiru dowlihii hore ee Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, horreyna ula soo shaqeeyay ururkan OIC, wuxuuna sheegay in Ururkani Iskaashiga Isaamka la abuuray ama la aas-aasay sanadku markuu ahaa 2007-dii, iyadoo muhiimadda loo aas-aasay ay tahay, si ay ula socdaan arrimaha Soomaaliya, Dr: gacal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii hore ay ku shiri jireen Magaalada New york, Qaramada midoobay Xaruunteeda marka ay tagaan, balse sanadkan dadaal ay Dowladda Soomaaliya u gashay kadib, waxaa lagu guuleystay in ay yimaadaan Muqdisho oo shirkoodu ka dhacay halkaan.

Dr: Gacal oo ka hadlaayay waxa ay uga dhigan tahay Soomaalida in shir noocaan oo kale ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho ayaa yiri:- “marka guusha ugu weyn waxaa weeye Ururka (OIC) oo masala 57 Dowladood inuu shir ku qabto Soomaaliya, micnaha Soomaaliya waxay ka baxaysaa go’doomintii hore ay ku jirtay Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena waxay diyaar u yihiin wixii hadda ka dambeeya Dowladahaasi inay xiriirkooda joogteeyaan Soomaaliya iyo iyaga, waxaana ku xigo doona islmarkaana fure u noqon doonaan xiriir maalgashi iyo mid diploomaasiyadeedba in Soomaaliya ay u furaan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi.

Golaha Iskaashiga Islaamka waxaa hadda hoggaamisa Dowladda Qadar, taaso la og yahay in kaalin fiican ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, islmarkaana ay ka waddo mashaariic horumareen, gacanna ka geysata arrimaha amniga haddana wali qeyb ka ah xasilinta Soomaaliya iyo maalgashigeedaba.

Ururka Golaha Islaamka waxaa la aas-aasay sanadkii 1969-kii, Soomaaliyana qeyb ayay ka aheyd aas-aaskiisa, shirkii ugu horreeyay ama fikraddeeda lahaa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in shirkii ugu horreeyay ee Ururka Golaha Islaamka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedada ugu weyn ay aheyd in lagu mideeyo Wadamada Islaamka, sidoo kale in loogu gurmado Wadamada Islaamka , iyadoo xilligasi ay dhibaato ka taagneyd Magaalada qudus, laguna badbaadiyo kuwa danyarta ah, waana Ururka ugu weyn Dunida marka laga soo tago Ururka Qaramada Midoobay.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo si rasmi ah Maanta u furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka socda Muqdisho, Shirkani ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xurro ka jireen iyo taageerada Soomaaliya, iyadoo Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Madaxdii ugu dambeysay ee soo gaarta Magaal;ada Muqdisho Saakay ayaa waxay kala ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan, Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, Waxaana Halkaas Ku dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, iyadoo shalay Muqdisho ay soo gaareen wafdi hor dhac u ah madaxda maanta timid Muqdisho.

Shirka uga socda Magaalada muqdisho Madaxda dalalka Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo ah markii ugu horreeysay oo shir noocaan oo kale ah lagu qabto Magaalada Muqdisho, islamarkaana muhiim gaar ah u leh Ummadda Soonmaaliyeed iyo dowladdaba, ayaa waxaa laga dhur-sugayaa inay ka soo baxaan waxyaabo dan u ah Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo hamuun u qabo Soomaaliya oo markal cagaheeda isku taakta.

W.D. C/laahi Ruush

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay kulanka Muqdisho uga billaabmay kooxda xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo kamid ah dalalkii aasaasay ay kusoo laabatay fagaaraha iyada oo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaan lagu qabto Muqdisho.

Shirkan ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan,  Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb-galaysa shirkan.

Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihii 57 dowladood ayaa lagu aasaasay dalka Marooko September 25, 1969

Howlgal lagu baacsanayo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Bakool

Waajid (SNTV) Howlgal lagu baacsanayao Mleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka bilowday degmada Waajid iyo deegaano hoostaga, si meesha looga saarao Haraadiga Nabad-diidka Al-shabaab oo dhibaato ku haya shacabka ku nool gobolka Bakool.

Wariyaheena Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa sheegay in howlgalku uu bilowday, islamarkaana ciidanka Dowladda ay doonayaan in meesha laga saaro Argagixisada oo dhibaato u geysta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada gobolkaasi.

“Ciidanka waxey si gaar ah howlgalada ula bartilmaameedsanayaan meelaha fara kutiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaa Al-shabaab, sidaas oo kale shacabka ayaa is abaabulay oo la dagaalamaya Maleeshiyaadkaas”ayuu yiri Maxamed Xasan C/raxmaan wariyaheena gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgaladan waday dhawaanahaanba, waxaana looga gol leeyahay in gobolka Bakool laga nadiifiyo Al-shabaab.