Xukuumadda oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo

Date:

Muqdisho; Khamiis, Feberaayo 28, 2019ย โ€“Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa wasiirradu dood dheer kadib waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda diiwan gelinta aqoonsiga dad-weynaha oo hagaysa nakhshadaynta, sharciyaynta, hir-gelinta iyo maamulka diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha iyada oo laga faaโ€™iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah.

Ujeedada diiwaan gelinta aqooniga dad-weynaha ayaa ah in la sameeyo xog-dhigis aqoonsi heer qaran taas oo lagu kaydiyo xogta aasaasiga ah ee dad-weynaha si loo hayo dhammaan xogta mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dawada iyo hayโ€™adda nidaam u samaynta dawada, siyaasadda qaran ee kobcinta awoodaha dawladaha hoose, heshiiska wada-shaqaynta maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, Samaynta hayโ€™adda maal-gelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, heshiiska hidda dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo midka dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...