Home Blog Page 1090

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dood Wadaag U Dhaxaysa Dowladda Iyo Ganacsatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho  (SNTV)  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta daah-furay dood wadaag u dhaxaysa ganacsatada iyo Dowladda oo looga hadlayay qorshaha xilliga dhaw iyo waqtiga fog ee dowlada Soomaaliyeed ay ka leedahay kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, ayaa sheegay in laga doonayo ka qayb galayaasha shirku in ay aad uga doodaan qaybaha muhiimka u ah horumarka ganacsiga iyo adkeynta xiriirka ganacsatada iyo Dowladda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad celiyay kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka iyo bixinta canshuuraha.

“Ganacsatada Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxa ay bixiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 27 sano, Sannadka soo socdana waxaan ka rajaynayaa inay intaas kasii badan doonto. Waxa ay suurtageliyeen in la bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamda iyo in dunidu na aaminto oo si toos ah loo kabo miisaaniyaddeena. Guulahan waxaan ku gaarnay inaan la dagaallannay musuqmaasuqa”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

“Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin, maxaan ahaan jirnay iyo maxaan hadda nahay ee laga hadlo maxaan noqon karnaa? Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin 30 sano ayaa naga luntay ee laga hadlo sidii aysan daqiiqad kale nooga lumi lahayn. Waxaan rajeynayaa in ganacsatadu aysan dowladda sugin oo ay aqbalaan in ay iyagu dowladda yihiin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr ayaa kulanka ka sheegay in sanadkii ina dhaafay kobaca dhaqaalaha dalkeenna lagu qiyaasay 2.3%, sanadkanna la filayo in uu kobacu gaaro 3-4%, sicir-bararkuna uu hoos u dhacay 6%, shirkadaha cusub ee is diiwaan geliyayna ay labalaabmeen, Rajo wanaagsanna ay muuqato.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayna kasoo qeyb galeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda Beesha caalamka ayaa laga filayaa in si gaar ah loogu lafa guro guulihii lagu gaaray iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo hay’adaha kale ee gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay madashii Lonodon, fursadaha iyo caqabadaha jira iyo in la isla garto meelaha ay tahay in si gaar ah muhiimadda loo siiyo si dhaqaalaha loo kobciyo.

Cawad oo dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Professor Xeydar oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dhiira gelinta tacliinta sare ee labada dal iyo sidii waxbarasho sare loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu dhiira gelinayo sare u qaadista waxbarashada.

“Golaha Shacabka waxa uu bogaadinaya wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Jaamacadda Omdurman iyo jaamacaddaha dalkeena”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Masuuliyintii uu hogaaminaayay guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan Professor Xeydar ayaa dhankooda Golaha Shacabka  ku amaanay dadaalka uu ugu jiro sare u qaadista waxbarashada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka mudane Cali Cusmaan Xirsi “Cali Jowhar” iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi”.

Xaruntii Marin Habaabinta Al-Shabaab ee Andolus oo la burburiyay

0

Muqdisho (SNTV)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in la burburiyay xaruntii marin habaabinta Al-Shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi.

Duqayntaan oo ahayd mid bartilmaameed ah oo xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan hal mar lagu wada rusheeyay, ayaa goobaha sida gaar ah loola beegsaday waxaa ka mid ahaa xaruntaan oo ka shaqaynaysay marin habaabinta iyo baadiyeenta dadka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in shar sheegayaashii xiligaasi ku sugnaa Idaacadda Andolus ay duqayntaasi ku baaba’een, inkastoo waliaan la helin magacyada.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen Maleeshiyaadkaan Argagixisada ah ka dib markii uu soo kala dhexgalay shiki ah in qayb ayaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan Daacish, taasi oo keentay in garab ka mid ah Argagixisada laga saaro magaalada Jilib.

Radio Muqdisho ayaa ogaatay in Jabriil oo ka mid ah Shar sheegayaasha Al-Shabaab oo ka tirsanaa xarunta marin habaabinta Andolus uu ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay magaalada Jilib.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Xoogga Dalka oo kormeeray Xeryahay Ciidanka Xoogga ee Duuleedka Baladweyne

0

Baladweyne (SNTV) Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare  Maxamed Maxamuud  Koronto oo ay wehliyaan  saraakiil  ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay booqday afar xero, kuwaas oo ku yaala duleedka magaalada Baladweyn, si ay u dhiiri galiyaan  Ciidanka Xoogga Dalka ee joogaa Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo la hadlay ciidamada uu booqashadda ugu tagay ayaa ku booriyay in ay muujiyaan dadaalo dheeraad ah si dalka looga xoreeyo Maleeshiyadda Argagixisada Al-shabaab oo dhib ku haya Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka gobolka Hiiraan iney la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka si loo fududeeyo howlagalada ciidanku ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

Booqashada saraakiisha uu horkacayo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare  Maxamed Maxamuud  Koronto ayaa qeyb ka ah dadaalada la dooonayo Maleeshiyadda Al-shabaab in looga saaro Deegaanda yare ee ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska oo loo diyaarinayo sugidda Amniga Caasimadda.

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga.

Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan.

“Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga.

“Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir

Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen  iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo Ka qayb galay Kulanka Golaha Guud ee Midawga Afrika

0

Adis-Ababa (SNTV);- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay shirka Golaha guud ee Midawga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirkaan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee midawga Afrika.

Mowduucyada ugu waawayn ee kulanka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah ah dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta midawga Afrika (AUDA iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka midawga Afrika.

Shirka maanta ka furmay Addis Ababa oo ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee midawga Afrika ayaa lasoo geba-gebeynayaa maalinta berri ah.

Xukuumadda FS oo soo dhoweeysay baaritaanka ay ku dhowaaqday Xeer ilaalinta guud Sacuudiga ee ku aadan dilkii Jamaal Khashoggi.

0

Muqdisho (SNTV);- Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga,kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi.

       Halkaan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhoweyneysaa baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dardargeliyey Ololaha Isxilqaan ee Matxafka Qaranka

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeybgalay dardargelinta Ololaha Is-xilqaanka ee Matxafka Qaranka.

Matxafka Qaranka ayaa dhowaan laga saaray dad shacab ah oo muddo daganaa, iyadoo uu kamid yahay goobaha lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo boqolaal shacab iyo shaqaalaha D/Hoose kula hadlay goobta uu ololahu ka socday ayaa bulshada ugu baaqay in gacmahooda ay ku dhistaan dalkooda, isagoo uga mahadceliyey isu-soo baxan lagu nadiifinayo dibna loogu dhisayo goobtan taariikhiga ah.

Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay shacabkii horey u daganaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhego-nuglaadeen baaqii loo jeediyey, isla markaana ku banneeyey waqtigii lagu hashiiyey si dib u dhis loogu bilaabo.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay cid walba oo degan hantida danta guud in ay banneeyaan si dib loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

“Isxilqaamayaashu gacan waxay kaga qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga, waad u jeedaan maantana waxaan dardargelinay dib-u-hagaajinta Matxafka Qaranka.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Gobolka Banaadir ee maanta qeybta ka ahaa Ololahan Isxilqaan in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada barnaamijyada dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda u dhistaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda dowladda 2019.

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu cadeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017 iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay.

Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan.

” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey.

Dhanka kale xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka.

155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen.

Shirka Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika oo ka furmay Adis-Ababa

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan ay ka qeybgaleen Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi.

Dr.Aby Ahmed  oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado  qodobada muhiimka ah ee  loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato .

Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo  kor u qaadidda dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka  Rwanda Paul Kagame  ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan .

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo  faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay.